{"id":25854,"date":"2016-01-01T23:38:37","date_gmt":"2016-01-01T20:38:37","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=25854"},"modified":"2016-01-02T01:17:37","modified_gmt":"2016-01-01T22:17:37","slug":"madaxweynaha-dalka-ruwanda-pauwl-kigame-oo-sheegey-in-uu-mar-kale-u-sharaxanyahey-madaxweynaha-dalka-rwanda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/01\/madaxweynaha-dalka-ruwanda-pauwl-kigame-oo-sheegey-in-uu-mar-kale-u-sharaxanyahey-madaxweynaha-dalka-rwanda\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha dalka Ruwanda Pauwl Kigame oo sheegey in uu mar kale u sharaxanyahey madaxweynaha dalka RWANDA."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa Maanta oo Jimco ah sheegay inuu markii saddexaad u tartamayo xilka madaxnimo ee dalkiisa, kaddib isbedel lagu sameeyay dastuurka Rwanda.<\/p>\n<p>Isbedelka lagu sameeyay dastuurka Rwanda ayaa wuxuu u ogolaanaya inuu mar saddexaad xilka u tartamo madaxweyne Kagame, iyadoo shacabka dalkaas ay bishii lasoo dhaafay afti laga qaaday ku ogolaadeen isbedelkan lagu sameeyay dastuurka.<\/p>\n<p>\u201cWaxaad si cad u muujiseen inaad mustaqbalka dalkeenna doorataan. Waxaadna doorateen in horumarka dalkeenna uu sii socda,\u201d ayuu Kagame ku yiri Khudbad uu shacabka dalkaas uga jeediyay Telefishinka Qaranka.<\/p>\n<p>Bishii December ee lasoo dhaafay ayaa waxay shacabka Rwanda u codeeyeen dastuurka oo u ogolaanayay Paul Kagame oo 58-jir ah inuu ka qayb-galo doorashada sannadka 2017-ka ka dhacaysa Rwanda.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Paul Kagame ayaa wuxuu Dastuurku u ogolaanayaa inuu xilka Madaxnimo ee dalkaas u tartamo laba jeer oo min shan sano uu xukunka dalkaas u tartamo, isagoo haddii uu doorasooyinka ku guuleysto u ogolaanaysa inuu xukunka dalka haynayo illaa sannadka 2034-ka.<\/p>\n<p>Aftidii ay dastuurka Rwanda u qaadeen shacabka Rwanda ayaa la sheegay inay ogolaadeen 98.4%, halka ay kasoo horjeesteen tiro lagu sheegay 1.6%. Taasoo ka dhigan in is-bedelka dastuurka dalkaas loo ogolaaday si aqlabiyad ah.<\/p>\n<p>Laakiin, Xukuumadda Mareykanka iyo ururka Midowga Yurub ayaa waxay Paul Kagame ka dalbadeen inuu Xukunka ka dago marka la gaaro Sannadka 2017-ka, iyagoo sheegay in loo baahan yahay in madaxda dalalka Afrika ay dimuqraadiyadda ku dhaqmaan.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame oo xilka qabtay Sannadkii 1994-kii oo uu Dalkaas ka gudbay rabshadihii isirka ku saleysnaa ee sababay inay ka dhacaan xasuuq baahsan oo ay ku naf-waayeen kumannaan shacab ah, waxaana lagu amaanaa inuu horumar gaarsiiyay waddankiisa.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Kagame oo laba jeer xilka madaxweynenimo ee dalkiisa u tartamay laba jeer oo kala ahaa; sannadihii 2003-dii iyo 2010-kii ayaa ka helay 90% codadkii doorashada sida ay sheegeen guddiyadii doorashada dalkaas.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Mucaaradka Dalka Rwanda ee Green Democratic ayaa waxay diideen in ay aqbalaan is-bedelka lagu sameeyay dastuurka Rwanda, waxayna sidoo kalena sheegay inay kasoo Hor-jeedaan in Kagame uu mar Saddexaad xilka u Tartamo madaxnimo ee dalka\u00a0Rwanda.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa Maanta oo Jimco ah sheegay inuu markii saddexaad u tartamayo xilka madaxnimo ee dalkiisa, kaddib isbedel lagu sameeyay dastuurka Rwanda. Isbedelka lagu sameeyay dastuurka Rwanda ayaa wuxuu u ogolaanaya inuu mar saddexaad xilka u tartamo madaxweyne Kagame, iyadoo shacabka dalkaas ay bishii lasoo dhaafay afti laga qaaday ku ogolaadeen isbedelkan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":25858,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-25854","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25854","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=25854"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25854\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":25855,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25854\/revisions\/25855"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/25858"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=25854"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=25854"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=25854"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}