{"id":25795,"date":"2015-12-29T17:35:40","date_gmt":"2015-12-29T14:35:40","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=25795"},"modified":"2015-12-29T17:37:38","modified_gmt":"2015-12-29T14:37:38","slug":"ehud-olmertrw-hore-ee-dalka-israaiil-oo-maxkamadda-sare-ee-dalkaasi-ku-xukuntey-xabsi-18-bilood-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/12\/ehud-olmertrw-hore-ee-dalka-israaiil-oo-maxkamadda-sare-ee-dalkaasi-ku-xukuntey-xabsi-18-bilood-ah\/","title":{"rendered":"EHUD OLMERT;r\/w hore ee dalka Israa&#8217;iil oo maxkamadda sare ee dalkaasi ku xukuntey xabsi 18 bilood ah."},"content":{"rendered":"<p>RW-hii hore ee Israa\u2019iil, Ehud Olmert ayay maanta maxkamada sare ee Israa\u2019iil waxay ku xukuntay 18-bilood oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay fadeexad laaluush uu qaatay ah, wuxuuna noqonayaa mas\u2019uulkii ugu sarreeyay oo xil kasoo qabtay xukuumadda Israa\u2019iil oo xukun noocan ah uu ku dhaco.<\/p>\n<p>Olmert oo 70-jir ah ayay maxkamadu sheegtay in xukunkiisa uu billaaban doono bisha 15-ka bisha Feberaayo ee sanadka 2016-ka. Waxaana maxkamaddu ay sheegtay in mas\u2019uulkan ay dambiga ku heshay bishii Maarso ee sannadkii 2014-kii; kaasoo la xiriiray inuu aqbalay laaluush inuu qaato si sare loogu qaado dhismaha guryaha lagu muransan yahay ee Qudus.<\/p>\n<p>Sidoo <a href=\"http:\/\/d.7769domain.com\/r\/rd.html?#http%3A%2F%2F7769domain.com%2FAd%2FGoIEx%2FSWtuNTFrVmdnUUI0V0V3dWFiVTdnNXBWa2JhZjdEa0drZjVhYUZiS2drYS9ZZzVZTktHUUdjQVRxY2hibVB4RVZkclNVaGZlMFljWjd2cFNHeDJxc0JhOGlqQzhFTjUzQzkvckRjZm14b1NaOHRwOW02a0NuRDh4azFFWGxPRnNMRDBCRGtyODNiRHVRcmJNWWtwRzB5Wk5rMlFrc3BrWk5KM1NtU0tndUpVPQ2\">kale<\/a>, Ehud Olmert uu diiday inuu wax khalad ah ku kacay, laakiin markii uu dhacay xukunkii maxkamadda ee maanta ayuu sheegay inuu aqbalay xukunkiisa, wuxuuna xusay in maanta u tahay maalin madow.<\/p>\n<p>\u201cXukunkan waa sidii dhagax wadnaha la iiga dhuftay oo kale,\u201d ayu yiri Olmert oo\u00a0intaa ku daray. \u201cHoray ayaan u sheegay inaanay jirin wax laaluush ah oo aan qaatay, taas ayaana ku celinayaa maanta.\u201d<\/p>\n<p>Ehud Olmert ayaa si khasab ah isaga casilay xilka RW-ha Israa\u2019iil horraantii 2009, kaddib markii lagu eedeeyay inuu ku kacay musuqmaasuq baahsan, iyadoo xilka uu la wareegay Benjamin Netanyahu oo isagana ku guul-darreystay inuu wax ka qabto muranka dhismaha guryaha ee ka taagan laga dhisayo magaalada Qudus.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Olmert ayaa xilka ra\u2019iisul wasaarenimada Israa\u2019iil qabtay Jannaayo 2006-dii, kaddib markii RW-hii ka horreeyay Ariel Sharon uu cudur halis ahaa ku dhacay; kaasoo uu u geeriyooday markii dambe.<\/p>\n<p>Olmert ayaa sheegay inuu horay u diiday dalab kaga yimid Falastiiniyiinta oo ahaa inay ka baxaan daanta galbeed, wuxuuse xusay in waqtigii uu is-casilayay uu heshiis dhameystiran oo ku saabsan Quddus uu xukuumadda ka talisa Falastiin la geli lahaa.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabbaas ayaa warbixin uu dhawaantan soo saaray ku sheegay in dadaalo badan lagu bixiyay sidii heshiis ay Ehud Olmert ula saxiixan lahaayeen, balse aysan waxba ka ogeyn sida uu qorshaha Olmert ahaa, wuxuuna sheegay inaysan jirin laaluush ay siiyeen mas\u2019uulkan.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, xaakinka maxkamada sare ee Israa\u2019iil ayaa maanta sheegay in Olmert lagu helay inuu laaluush ahaan ugu qaatay barnaamijka guryaha ee Quddus lacag dhan 130,000 oo doollar oo u dhiganta 500,000 lacagta shekel loo yaqaan ee laga isticmaalo Israa&#8217;iil.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>RW-hii hore ee Israa\u2019iil, Ehud Olmert ayay maanta maxkamada sare ee Israa\u2019iil waxay ku xukuntay 18-bilood oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay fadeexad laaluush uu qaatay ah, wuxuuna noqonayaa mas\u2019uulkii ugu sarreeyay oo xil kasoo qabtay xukuumadda Israa\u2019iil oo xukun noocan ah uu ku dhaco. Olmert oo 70-jir ah ayay maxkamadu sheegtay in xukunkiisa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":25797,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-25795","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25795","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=25795"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25795\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":25796,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25795\/revisions\/25796"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/25797"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=25795"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=25795"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=25795"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}