{"id":25785,"date":"2015-12-28T22:01:53","date_gmt":"2015-12-28T19:01:53","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=25785"},"modified":"2015-12-28T22:07:43","modified_gmt":"2015-12-28T19:07:43","slug":"turkiga-oo-caalamka-islaamka-ugu-baaqey-in-ay-meel-uga-soo-wada-jeestaan-waxa-reer-galbeedku-ugu-yeeraan-argagixisada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/12\/turkiga-oo-caalamka-islaamka-ugu-baaqey-in-ay-meel-uga-soo-wada-jeestaan-waxa-reer-galbeedku-ugu-yeeraan-argagixisada\/","title":{"rendered":"Turkiga oo caalamka islaamka ugu baaqey in ay meel uga soo wada jeestaan waxa reer galbeedku ugu yeeraan Argagixisada."},"content":{"rendered":"<p>Madaxwynaha dalka Turkiga, Recap Tayyib Erdogan ayaa uga baaqay dalalka muslimiinta ah ee caalamka inay u midoobaaan dagaalka kooxaha argagixisada ah lagula jiro.<\/p>\n<p>\u201cMuslim ahaan\u2026. waxaa inoo taalla hawl muhiim ah oo ah inaan dhamaanteen u midowno dagaalka ka dhan ah kooxaha argagixisada sida; Daacish, Al-Qaacida, Boko Haram iyo Al-shabaab; kuwaasoo ah kuwa waxyeellada uga weyn u geysta dadka muslimiinta ah, iyagoo adeegsanaya magaca Islaamka,\u201d ayuu yiri Recap Erdogan oo ka hadlayay munaasabad lagu qabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.<\/p>\n<p>Erdogan ayaa intaa ku daray. \u201cMuslimiinta waa inay door-weyn ka ciyaaraan ka hor-tagga in diinta aan si xun loo adeegsanayo, haddii aanay muslimiinta waxba ka qaban arrintaanna ururrada argagixisada way sii wadayaan fara-gelinta saamaynta ku leh diinteenna.\u201d<\/p>\n<p>Sidoo kale, madaxweynaha dalka Turkiga ayaa Weeraray siyaasadda Ruushka oo qayb ka ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish, isagoo ku tilmaamay xukuumad doonaysa inay majara-habaabiso dagaalka ka dhanka ah argagaxisada, iyadoo la ogyahay in Ruushka iyo Turkiga uu u dhexeeyo khilaaf ka dhashay diyaarad uu Turkigu kasoo riday Ruushka bishii lasoo dhaafay.<\/p>\n<p>Hadalka madaxweyne Erdogan ayaa kusoo beegmaya xilli sannadkaan 2015-ka oo kaliya ay kooxaha Daacish, Boko Xaram iyo Al-shabaab ay ka gaysteen dilal kumannaan qofood dalalka ay awoodda ku leeyihiin, inkastoo aan la ogeyn sida ay uga jawaabi karaan dalalka muslimiinta baaqa uu soo jeediyay madaxweynaha dalka Turkiga.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, wuxuu hadalka Erdogan imaanayaa iyadoo 34-waddan oo uu ka mid yahay Sacuudiga ay sheegeen horraantii bishaan December sheegeen inay yeesheen isbahaysi la dagaallamaya kooxaha argagixisada ah ee caalamka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxwynaha dalka Turkiga, Recap Tayyib Erdogan ayaa uga baaqay dalalka muslimiinta ah ee caalamka inay u midoobaaan dagaalka kooxaha argagixisada ah lagula jiro. \u201cMuslim ahaan\u2026. waxaa inoo taalla hawl muhiim ah oo ah inaan dhamaanteen u midowno dagaalka ka dhan ah kooxaha argagixisada sida; Daacish, Al-Qaacida, Boko Haram iyo Al-shabaab; kuwaasoo ah kuwa waxyeellada uga [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":25787,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-25785","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25785","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=25785"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25785\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":25786,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25785\/revisions\/25786"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/25787"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=25785"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=25785"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=25785"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}