{"id":25771,"date":"2015-12-28T14:44:55","date_gmt":"2015-12-28T11:44:55","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=25771"},"modified":"2015-12-28T15:23:24","modified_gmt":"2015-12-28T12:23:24","slug":"dagaal-yahanada-al-shabaab-oo-weerar-ku-qaadey-degmada-qoyooley","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/12\/dagaal-yahanada-al-shabaab-oo-weerar-ku-qaadey-degmada-qoyooley\/","title":{"rendered":"Dagaal yahanada AL-shabaab oo weerar ku qaadey degmada Qoyooley."},"content":{"rendered":"<p>Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa shalay gellinkii dambe weerar saacado badan qaatay ku qaaday degmada Qoryooley oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, iska-horimaadkaas oo sababay dhimasho iyo dhaawacyo kala duwan.<\/p>\n<p>Guddoomiye ku-xigeenka degmada Qoryooley, Cabdi Axmed Cali oo maanta la hadlay VOA-da ayaa sheegay in dhankooda uu dagaalka kaga dhaawacy askari, Al-shabaabna ay ka dileen laba ruux.<\/p>\n<p>\u201cAl-shabaab waxay shalay soo weerartay gellinkii dambe ee shalay, waxayna gudaha u soo galeen degmada, dagaal ayaana billowday, dagaalkuna wuxuuna socday illaa laga gaaray marqribkii, khasaare ayaana ka dhashay,\u201d ayuu yiri Cabdi Axmed.<\/p>\n<p>Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka ayaa xusay in warbixinta weerarka ay heleen aanu dagaalku billaaban, ayna isku diyaariyeen, isagoo beeniyay warar sheegaya in Al-shabaab ay muddo kooban la wareegeen gacan ku haynta degmada.<\/p>\n<p>\u201cDegmada innaga ayaan gacanta ku hayna, Al-shabaabna waan erinnay, laba qof oo shacab ah inay dhaawacmeen ayaanan maqlay,\u201d ayuu yiri Cabdi Axmed Cali oo intaas ku daray in xaaladda degmadu ay deggen tahay.<\/p>\n<p>Dhanka kale, afhayeenka Gobolka Shabeellada Hoose, Maxamed Shiino ayaa sheegay in ciidamada dowladda dagaalkaas looga dilay Shan ruux, halka 10-qof oo kalena laga dilay Al-shabaab.<\/p>\n<p>Degmada Qoryooley ayaa waxaa saldhig ku leh ciidanka dowlada iyo AMISOM, waxaana horay uga dhacay dagaallo u dhexeeya dhinacyadan, iyadoo horraantii sannadkii 2014-kii laga qabsaday Al-shbaaab oo saldhig weyn ku lahaa.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa shalay gellinkii dambe weerar saacado badan qaatay ku qaaday degmada Qoryooley oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, iska-horimaadkaas oo sababay dhimasho iyo dhaawacyo kala duwan. Guddoomiye ku-xigeenka degmada Qoryooley, Cabdi Axmed Cali oo maanta la hadlay VOA-da ayaa sheegay in dhankooda uu dagaalka kaga dhaawacy askari, Al-shabaabna ay ka dileen laba [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":25773,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-25771","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25771","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=25771"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25771\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":25772,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25771\/revisions\/25772"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/25773"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=25771"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=25771"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=25771"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}