{"id":25760,"date":"2015-12-26T22:09:38","date_gmt":"2015-12-26T19:09:38","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=25760"},"modified":"2015-12-26T22:09:38","modified_gmt":"2015-12-26T19:09:38","slug":"jaaliyada-kasoo-jeeda-ghiiraan-ee-ku-nool-minnesota-ee-dalka-mareykanka-oo-soo-dhaweeyey-musharaxnimada-ibraahim-x-nuur","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/12\/jaaliyada-kasoo-jeeda-ghiiraan-ee-ku-nool-minnesota-ee-dalka-mareykanka-oo-soo-dhaweeyey-musharaxnimada-ibraahim-x-nuur\/","title":{"rendered":"Jaaliyada kasoo jeeda g\/hiiraan ee ku nool minnesota ee dalka mareykanka oo soo dhaweeyey musharaxnimada Ibraahim X Nuur."},"content":{"rendered":"<p>Xaflad ay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ku taageerayeen Ilhaan Cumar ayaa maalintii Khamiista ahayd ee 24 December, 2015, lagu qabtay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota. Ilhaan Cumar ayaa ah gabar Soomaaliyeed oo u tartamaysa kursiga baarlamaanka Minnesota ee degmada 60-B.<\/p>\n<p>Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa qaybaha bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota ku nool, waxayna taageero buuxda oo Hiil iyo Hooba ah u muujiyeen Ilhaan Cumar. Waxaana goobta lagu ururiyay dhaqaale lagu taageerayo ololaha iyo loollanka ay Ilhaan Cumar ugu jirto kursiga baarlamaanka degmadda 60-B ee MN.<\/p>\n<p>Haddaba, martidii musaabadda hadallada ka jeediyay ayaa waxaa ka mid ahaa; Cawil Shire oo xiriiriye ka ahaa barnaamijka, Maxamed Abukar, Haboon Da\u2019uud C\/lle, Mahad Yaasin [Indha-deero], Sahra Nuur, Axmed Xirsi, Ugas Ismaaciil C\/lle, Hudda Ibraahim, Cali Ciise Ganey, Khaalid Maxamed iyo Ilhaan Cumar.<\/p>\n<p>Dhamaan dadkii fursadda u helay inay xafladdaan ka hadlaan ayaa jeediyay hadalo dhiirri-gelin, guubaabo iyo taageero isugu jiray; Waxaana dadkii kasoo qayb-galay kulanka laga codsaday sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen taageerada Ilhaan Cumar.<\/p>\n<p>Sahra Nuur iyo Habboon ayaa iyagu sharxaad ka bixiyay qaabka ay is-leeyihiin way ugu habboon tahay in looga qayb-qaato taageerada loolanka ay Ilhaan Cumar ugu jirto kursiga degmadda 60-B. Sidoo kale waxay ka hadleen inay Ilhaan tahay qof leh xifrada, kartida iyo waayo-aragnimada looga baahan yahay inay kasoo baxdo mas\u2019uuliyadda kursigan oo ay waliba Ilhaan u dheer tahay hoggaan wanaag.<\/p>\n<p><strong>DAAWO: Xafladdii lagu taageerayay Murashaxad Ilhaan Cumar ee ka dhacday MN;<\/strong><\/p>\n<p>Ugaas Ismaacil Cabdulle oo kamid ahaa dadkii madasha ka hadlay ayaa isagana dadka ku wacdiyay aayado iyo axaadiis munaasab ku ah hoggaan-wanaagga iyo kaalinta haweenku ay diinta Islaamka ku leeyihiin iyo waliba sababta aan ugu baahan nahay in la taageero, lagana qayb-qaato garab-istaagidda Ilhaan Cumar.<\/p>\n<p>Waxaa iyaduna goobta ka hadashay murashaxad Ilhaan Cumar hadashay waxa keenay inay iyadu kursigan u tartanto. Ilhaan ayaa u sheegtay dadkii xafladda joogay in haddii ay iyada u hiilliyaan ay macnaheedu noqonayso inay u hiilliyeen bulshada Soomaaliyeed oo dhan&#8230; Ilhaan ayaa xustay inay matalayso danta dadweynaha deggen degmadda 60-B, ruux yar iyo ruux weynba. Ilhaan ayaa sheegtay inay si sinnaan iyo cadaaladi ay ku\u00a0ku jirti\u00a0ugu shaqayn doonto dadkeeda. Dhanka kalena ay ka shaqeynayso arrimaha muhiimada u leh bulshadda Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Haddaba; waxaa xusid mudan inay Ilhaan Cumar ay kursigan kula tartamayaan Maxamud Nuur oo ah wiil Soomaaliyeed oo kursiga horay ugu tartamay iyo sidoo kale Phyllis Kahn oo iyadu ah haweeneyda ku fadhida kursiga baarlamaanka ee Degmadda 60-B, kuwaasoo dhammaantood ka socda xisbiga Dimuquraadiga. Sidoo kale waxaa dhanka kale ee xisbiga Jamhuuriga u sharraxan oo isaguna kursigan kula tartamaya Ilhaan Cumar, C\/maalik Askar oo ah wiil Soomaaliyeed oo kursiga horay ugu tartamay iyo ruux kale.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, doorasho hore dhac ah oo xisbiga gudahiisa uu qabanayo ayaa dhaci doonta bisha Maarso ee Sannadka\u00a0 soo socda ee 2016; Taas ayaana lagu gaari doonaa Doorashada dhacaysa bisha November ee sannadka 2016-ka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xaflad ay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ku taageerayeen Ilhaan Cumar ayaa maalintii Khamiista ahayd ee 24 December, 2015, lagu qabtay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota. Ilhaan Cumar ayaa ah gabar Soomaaliyeed oo u tartamaysa kursiga baarlamaanka Minnesota ee degmada 60-B. Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa qaybaha bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-25760","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25760","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=25760"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25760\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":25761,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25760\/revisions\/25761"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=25760"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=25760"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=25760"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}