{"id":25757,"date":"2015-12-26T21:47:36","date_gmt":"2015-12-26T18:47:36","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=25757"},"modified":"2015-12-26T21:52:42","modified_gmt":"2015-12-26T18:52:42","slug":"caleema-saarka-gudoomiyaha-cusub-ee-ghiiraan-yuusuf-dabageed-oo-bweyne-ka-dhacey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/12\/caleema-saarka-gudoomiyaha-cusub-ee-ghiiraan-yuusuf-dabageed-oo-bweyne-ka-dhacey\/","title":{"rendered":"Caleema saarka gudoomiyaha cusub ee G\/hiiraan Yuusuf Dabageed oo B\/weyne ka dhacey."},"content":{"rendered":"<p>Xaflad lagu caleemo-saaray guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed oo ay ka soo qeyb-galleen xubnaha maamulka gobolka, mas&#8217;uuliyiin ka tirsan dowladda dhexe, odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, haweenka, ururada dhalinyarrada, , saraakiisha ciidammada dowladda Somalia iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa lagu qabtay hoolka shirarka xarunta maamulka gobolka Hiiraan.<\/p>\n<p>Xildhibaanad Samiiro Xassan Cabdulle oo xafladda ka hadashay ayaa sheegtay in bulshada ku dhaqan gobolka looga baahan yahay inay si furan ula shaqeeyaan guddoomiyaha cusub oo sida ay hadalka u dhigtay dowladda Somalai ay u soo igmatay in uu wakiil uga ahaado gobolka Hiiraan, taa badalkeedana looga baahan yahay maamulka cusub inuu mar walba ku shaqeeyo rabitaanka dadka ku dhaqan gobolka.<\/p>\n<p>Sidoo kale, xildhibaanada ayaa sheegtay in Yuusuf Daba-geed noqon doono mas&#8217;uulkii ugu danbeeyay ee kusoo baxa wareegto madaxweyne, wixii hadda ka dambeeyana bulshada ku dhaqan gobolka soo dooran doonaan qofka ay iyagu rabaan.<\/p>\n<p>Taliyaha ciidamada Jabuuti, Col. Cismaan Dubad oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa taliska howlgalka midowgga Africa AMISOM ee gobolka Hiiraan wadda-shaqeyn buuxda la yeellan doono guddoomiyaha cusub, wuxuuna intaa ku daray in mar walba dhinacooda xooga saari doonaan sidii ay maamulka cusub xiriir uga yeellan lahaayee howlaha xoojinta ammniga guud ahaanba gobolka Hiiraan.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha ururka dhallinyarrada ee gobolka Hiiraan Maxamed C\/llaahi Buuraale ayaa sheegay in doorka dhalinyarrada ku dhaqan gobolka Hiiraan mar walba yahay in mas&#8217;uulka uga sareeya gobolka ka wada-shaqeeyaan arrimaha bulshada iyo hormarinta dhalinyarrada oo sidda uu hadalka u dhigay ah door muhiim u baahan in si gaar ah idhaha loogu hayo.<\/p>\n<p>Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed, ayaa ugu dambeyn ka hadlay xafladda isagoo sheegay in isaga oo dareensan culeyska mas&#8217;uuliyada oo igmaday si dhaw ula shaqeyn doono guud ahaanba qeybaha kala duwan ee bulshada, isagoo ka qeyb-galyaasha xafladda ka hor ballan-qaaday inuu xoojin doonno midnimada iyo wadda-jirka bulshada kala duwan ee ku dhaqan guud ahaanba gobolka Hiiraan.<\/p>\n<p>Laakiin dhanka kale, guddoomiyaha gobolka ayaa ka dhawaajiyay in marnaba maamulka aqbali doonin wax kasta oo qal qal ku ah sidda uu hadalka u dhigay ammniga, isaga oo ka digay in magaalada lagu qabto kulamo siyaasadeed oo la soo marin maamulka uu isaga guddoomiyaha ka yahay.<\/p>\n<p>Ugu danbeyn, waa markii saddexaad ee Yuusuf Axmed Hagar [Daba-geed] loo magacaabo xilka guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan isagoo labo jeer oo hore xilka soo qabtay.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xaflad lagu caleemo-saaray guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed oo ay ka soo qeyb-galleen xubnaha maamulka gobolka, mas&#8217;uuliyiin ka tirsan dowladda dhexe, odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, haweenka, ururada dhalinyarrada, , saraakiisha ciidammada dowladda Somalia iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa lagu qabtay hoolka shirarka xarunta maamulka gobolka Hiiraan. Xildhibaanad Samiiro [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":25759,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-25757","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25757","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=25757"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25757\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":25758,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25757\/revisions\/25758"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/25759"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=25757"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=25757"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=25757"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}