{"id":25733,"date":"2015-12-25T01:04:55","date_gmt":"2015-12-24T22:04:55","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=25733"},"modified":"2015-12-25T01:12:02","modified_gmt":"2015-12-24T22:12:02","slug":"amisom-oo-taliye-cusub-hawshooda-la-wareegey-iyo-kii-horoo-muqdisho-ka-dhoofey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/12\/amisom-oo-taliye-cusub-hawshooda-la-wareegey-iyo-kii-horoo-muqdisho-ka-dhoofey\/","title":{"rendered":"Amisom oo taliye cusub hawshooda la wareegey iyo kii horoo Muqdisho ka dhoofey."},"content":{"rendered":"<p>Taliyihiin ciidamada Midowga Afirka ee Somalia [AMISOM], Jen. Jonathan Rono ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho kaddib markii uu dhameystay xilligii howsha hoggaaminta AMISOM oo ahayd muddo 15-bilood.<\/p>\n<p>Jen. Rono ayaa waxaa sagootiyay cutubyo ka tirsan ciidamada Midowga Afirka ee Somalia oo ay ka dhex-muuqdeen taliye ku xigeenka qorsheynta AMISOM, Jen. Mohammedesha Zeyinu oo si KMG ah u sii wadi doona howsha hoggaaminta\u00a0AMISOM inta taliye cusub la soo magacaabayo iyo Taliya Qaybta koowaad ee AMISOM, Brig. Sam Okiding.<\/p>\n<p>Ciidamada AMISOM ayaa taliyaha shaqadiisu dhamaatay\u00a0ku ammaanay sidii uu 22,000 ee askari ee ay ka kooban yihiin ciidamada AMISOM u soo hoggaamiayay muddadii uu xilka hayay.<\/p>\n<p>Ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, danjire Caetano Jose Madeira ayaa uga mahadceliyay Jen. Rono howshii adkayd ee uu qabtay intii hoggaanka uu u hayay ciidanka AMISOM.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan doonayaa inaan uga mahad-celiyo Jen. Rono dadaalkii faraha badnaa ee uu ugu shaqeynayay shacabka Soomaaliyeed intii uu hoggaaminayay AMISOM. Waxaanan gud-doonsiinay billad-sharaf muujinaysa inuu howl adag oo samafalka ah uu soo qabtay,\u201d ayuu danjire Madeira ku yiri warbixin uu xafiiskiisa kasoo saaray.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Danjire Madeira ayaa ku tilmaamay Jen. Rono inuu ahaa mas\u2019uul ka soo qayb-qaatay howlaha lagu doonayo in Somalia lagu xasiliyo, uuna hormuud u ahaa guulo badan oo laga gaaray howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>Jen. Jonathan Rono ayaa waxaa xilka hoggaanka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM loo magacaabay bishii September ee sannadkii 2014-kii, xilligaasoo ay Somalia ka socdeen dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda Somalia oo garab ka helaya AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Jen. Rono ayaa sheegay in guusha la gaaray intii uu xilka hayay ay sabab u ahayd howlgal wadajir ah oo ay sameeyeen ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya, ayna deegaanno badan ka saareen kooxda Al-shabaab.<\/p>\n<p>\u201cHaddii aan si wadajir ah shaqada loo qaban lahayn aad ayay u aadkaan lahayd in guulaha la gaaray la gaaro. Waxaan doonayaa inaan ka mahadceliyo wada-shaqeynta aan ka helnay dowladda Somalia, Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, kuwaasoo mar walba si aad u dhow noola shaqeynayay. Waxaana marag-ma-doonto ah in haddii taageeradaas aanan ka heli lahayn dhinacyadan ay howshu nagu adkaan lahayd,\u201d ayuu yiri Jen. Jonathan Rono.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, taliyaha howshiisa dhameystay ayaa sheegay in Somalia uu uga tagayo rajo wanaagsan oo ah in laga guuleysan doono Al-shabaab. Wuxuuna ka dalbaday Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika inay xoojiyaan taageeradooda Soomaaliya si looga miro-dhaliyo howsha lagu doonayo in Somalia lagu nabadeeyo.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Taliyihiin ciidamada Midowga Afirka ee Somalia [AMISOM], Jen. Jonathan Rono ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho kaddib markii uu dhameystay xilligii howsha hoggaaminta AMISOM oo ahayd muddo 15-bilood. Jen. Rono ayaa waxaa sagootiyay cutubyo ka tirsan ciidamada Midowga Afirka ee Somalia oo ay ka dhex-muuqdeen taliye ku xigeenka qorsheynta AMISOM, Jen. Mohammedesha Zeyinu oo si [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":25735,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-25733","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25733","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=25733"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25733\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":25734,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25733\/revisions\/25734"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/25735"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=25733"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=25733"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=25733"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}