{"id":25730,"date":"2015-12-25T00:43:23","date_gmt":"2015-12-24T21:43:23","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=25730"},"modified":"2015-12-25T00:50:06","modified_gmt":"2015-12-24T21:50:06","slug":"gudoomiyaha-barlamaanka-prof-jawaari-oo-sheegey-in-maalinta-dhalashada-nebi-muxamed-nnkha-ay-kamid-noqoneyso-maalmaha-qaranka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/12\/gudoomiyaha-barlamaanka-prof-jawaari-oo-sheegey-in-maalinta-dhalashada-nebi-muxamed-nnkha-ay-kamid-noqoneyso-maalmaha-qaranka\/","title":{"rendered":"Gudoomiyaha barlamaanka prof jawaari oo sheegey in maalinta dhalashada Nebi Muxamed NNKHA ay kamid noqoneyso maalmaha Qaranka."},"content":{"rendered":"<p>Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan [Jawaari] ayaa maanta sheegay in maalinta xuska dhalashada Nebigeenna Muxamed [NNKH], inay ka mid noqon doonto maalin Qaran oo ka mid ah ciidaha dalka uu leeyahay ee shaqaalaha la fasaxo.<\/p>\n<p>Jawaari ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad lagu xusayay dhalashadii Nebi Muxamed [NNKH] oo maanta lagu qabtay Muqdisho, isagoo xusay inay waajib ku tahay ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan inay maalintan si aad ah u weyneeyaan.<\/p>\n<p>\u201cMaalinta Mowliidka ee uu dhashay Nebigeenna Muxamed [NNKH], waxay ka mid noqon doontaa wixii maanta ka dambeeya maalmaha fasaxyada Qaran ee waddanku uu leeyahay,\u201d ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Somalia oo xuska hadal ka jeedinayay.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Jawaari ayaa hadalkiisa ku daray inaysan jirin wax siyaad ah oo ay sameeyeen ka baarlamaan ahaa, balse wuxuu tarjumid ka bixiyay maalintan oo ah mid qiimo weyn leh oo ay shacabka Soomaaliyeed ay xusaan in lagu daro oo keliya maalmaha fasaxa Qaranka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Dhanka kale, xuska dhalashada Nebigeenna [NNKH] ee maanta Muqdsiho lagu qabtay oo ay kasoo qaybgaleen culummo badan oo ka socday masaajidda ku yaalla Muqdisho ayaa waxaa ka hadlay mas\u2019uuliyiin kala duwan, kuwaasoo ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed inay maalintii uu dhashay Nebi Muxamed la weyneeyo.<\/p>\n<p>Wasiirka Ow-qaafta iyo arrimaha Diinta Xukuumadda Somalia, C\/qaadir Sheekh Baqdaadi oo ka mid ahaa xubnihii xuska ka hadlay ayaa sheegay inay dowladdu maanta fasaxday shaqaalaheeda oo dhan, si loo weyneeyo maalinta uu dhashay\u00a0Nebi\u00a0Muxamed [NNKH].<\/p>\n<p>\u201cMaanta waxaan ku faraxsanahay in musaanasabadda dhalashadii Nebigeenna lagu xusayo ay kasoo qaybgaleen mas\u2019uuliyiin kala duwan oo dowladda Soomaaliya ka tirsan. Sida RW Somalia iyo guddoomiyaha baarlmaaanka Somalia ay si rasmi ah u sheegeen in maanta ay ka mid noqonayso maalmaha ciidaha ah ee dalkeennu uu leeyahay; sidaas ayayna ku socon doontaa,\u201d ayuu yiri C\/qaadir Baqdaadi.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, wasiirka ayaa xusay in maalintan ay horay uga mid ahayd ciidaha uu dalku leeyahay, balse ay isbedel ku sameysay dowalddii kacaanka ee Somalia soo xukumaysay 1969-kii illaa 1991-kii, ayna iyagu hadda dib u soo nooleynayaan.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan [Jawaari] ayaa maanta sheegay in maalinta xuska dhalashada Nebigeenna Muxamed [NNKH], inay ka mid noqon doonto maalin Qaran oo ka mid ah ciidaha dalka uu leeyahay ee shaqaalaha la fasaxo. Jawaari ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad lagu xusayay dhalashadii Nebi Muxamed [NNKH] oo maanta lagu qabtay Muqdisho, isagoo xusay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":25732,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-25730","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25730","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=25730"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25730\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":25731,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25730\/revisions\/25731"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/25732"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=25730"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=25730"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=25730"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}