{"id":25727,"date":"2015-12-24T23:51:25","date_gmt":"2015-12-24T20:51:25","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=25727"},"modified":"2015-12-24T23:57:40","modified_gmt":"2015-12-24T20:57:40","slug":"isbitaal-ku-yaal-magaalada-jizan-ee-dalka-sucuudiga-oo-dab-ka-qarxey-ay-ku-dhinteen-31-qof","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/12\/isbitaal-ku-yaal-magaalada-jizan-ee-dalka-sucuudiga-oo-dab-ka-qarxey-ay-ku-dhinteen-31-qof\/","title":{"rendered":"Isbitaal ku yaal magaalada Jizan ee dalka sucuudiga oo dab ka qarxey ay ku dhinteen 31 qof."},"content":{"rendered":"<p>Ugu yaraan 31-ruux ayaa ku dhintay in ka badan 107-qof oo kalena way ku dhaawacmeen dab ka kacay isbitaal ugu weyn gobolka Jizan ee dalka Saudi Arabia, sida ay sheegtay hay\u2019adda difaaca rayidka ah ee boqortooyada Saudi Arabia.<\/p>\n<p>Dabka oo loo maleynayo inuu ka dhashay qarax koronto ayaa wuxuu burbur aad xooggan gaarsiiyay dhismaha isbitaalka, waxaana magaalada Jazan ee gobolka Jizan oo isbitaalku uu ku yaallo la sheegay in shacabku ay si weyn loogu gurmadeen daminta dabkan.<\/p>\n<p>Mas\u2019uuliyiin ka tirsan xukuumadda Sucuudiga iyo dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay in dabku uu wax ka yar saddex daqiiqo ku fiday guud ahaan qaybaha uu isbitaalku ka kooban yahay.<\/p>\n<p>\u201cIntii uu dabku socday waxaan maqlaynay qaylada haween gudaha ku jiray,\u201d ayuu yiri nin ka mid ahaa dadkii ka ag-dhawaa isbitaalka oo magaciisa diiday inuu sheego.<\/p>\n<p>Tirada ku dhintay shilkan ee 25-ka ruux ahaa ayaa waxaa ku jiray caruur, sida uu sheegay agaasimaha guud ee hay\u2019adda difaaca shacabka ee gobolka Jizan, Jen. Saad bin Al-Ghamdi oo warbaahinta la hadlay.<\/p>\n<p>Musiibadan ka dhacday isbitaalkan loogu adeegayay dadweynaha ayaa waxay noqonaysaa tii saddexaad oo ka dhacda waddanka Saudi Arabia inta lagu jiro sannadkan; kuwaasoo ay ka mid ahaayeen is-buur-buurashadii ka dhacday xajkii sannadkana oo ay ku naf-waayeen boqollaal xujey ah.<\/p>\n<p>Dadkii ku dhaawacmay dabkan oo tiradoodu tahay 107-qof ayaa waxaa la dhigay isbitaallo kale, iyadoo mas\u2019uuliyiinta gobolka Jizan ay sheegeen in dabka la xakameeyay, xilliganna ay socdaan baaritaanno lagu xaqiijinayo khasaarihii ka dhashay dabka.<\/p>\n<p>Wasaaradda Caafimaadka dalka Saudi Arabia ayaan weli ka warbixin dabka isbitaalkan ka kacay iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, laakiin dadweyne fariimo kala duwan soo dhigay Twitter-ka ayaa sheegay in dabku uu ku yimid mas\u2019uuliyad-darrada mas\u2019uuliyiinta wasaaradda caafimaadka, iyagoo dalbaday inay xilka iska casilaan.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, musiibooyinkii kale ee sanadkan ka dhacay Saudi Arabia waxaa ka mid ah; is-buurasho bishii September ee sannadkan ka dhacday Xajka, taasoo ay ku dhinteen 769-qof, ayna ku dhaawacmeen 2,070-qof oo kale.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ugu yaraan 31-ruux ayaa ku dhintay in ka badan 107-qof oo kalena way ku dhaawacmeen dab ka kacay isbitaal ugu weyn gobolka Jizan ee dalka Saudi Arabia, sida ay sheegtay hay\u2019adda difaaca rayidka ah ee boqortooyada Saudi Arabia. Dabka oo loo maleynayo inuu ka dhashay qarax koronto ayaa wuxuu burbur aad xooggan gaarsiiyay dhismaha isbitaalka, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":25729,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-25727","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25727","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=25727"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25727\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":25728,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25727\/revisions\/25728"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/25729"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=25727"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=25727"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=25727"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}