{"id":25608,"date":"2015-12-16T23:55:39","date_gmt":"2015-12-16T20:55:39","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=25608"},"modified":"2015-12-16T23:59:43","modified_gmt":"2015-12-16T20:59:43","slug":"madaxda-xisbiga-jamhuuriga-mareykanka-oo-ku-tartamaya-hugaaminta-dalka-mareykanka-dood-xaley-dhacdey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/12\/madaxda-xisbiga-jamhuuriga-mareykanka-oo-ku-tartamaya-hugaaminta-dalka-mareykanka-dood-xaley-dhacdey\/","title":{"rendered":"Madaxda xisbiga jamhuuriga Mareykanka oo ku tartamaya hugaaminta dalka mareykanka DOOD XALEY DHACDEY."},"content":{"rendered":"<p>Sagaal musharrax oo ku tartamaya sidii ay u noqon lahaayeen qofka Xisbiga Jamhuuriga ee waddanka Mareykanka u meteli lahaa doorashada madaxnimo ee dalkaas ka dhici doonta sannadka soo socda ee 2016-ka; ayaa waxay xalay dhexmartay dood kulul oo diiradda lagu saaray amniga Qaranka.<\/p>\n<p>Dooddan ayaa diiradda lagu saaray baaqii murashax Donald Trump ee ahaa in muslimiinta laga mamnuuco inay soo galaan Mareykanka. Waxaana Trump oo difaacaya baaqiisaas uu yiri. \u201cKama hadleyno diin ee arrinta aan ka hadlayo tan amniga Mareykanka.\u201d<\/p>\n<p>Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. \u201cShacabku way jecel yihiin hadalka aan oranayo, dadku way xushmeeyaan waxaan sheegayo, waxaana furnay dood aad u ballaaran oo loo baahnaa in la furo.<br \/>\nMurashaxiinta intooda badan ayaa diidanaa inay si toos ah uga hortagaan Trump, marka ay timaado arrintan; taasoo walaac xooggan ka dhalisay gudaha wadanka Mareyanka, iyadoo abuurtay nacayb ka dhan ah muslimiinta Mareykanka.<\/p>\n<p>Guddoomiyihii hore ee gobolka Florida, Jeb Bush ayaa weeraray Donald Trump wuxuuna yiri. \u201cMarna noqon maysid madaxweynaha Mareykanka &#8211; adigoo af-lagaado ku raadinaya madaxweynenimada Mareykanka.\u201d<\/p>\n<p>Trump oo u jawaabayay ayaa yiri. \u201cAan aragno, waxaan haystaa taageero 42% ah, adigana waxaad haysataa 3%.\u201d Isagoo tixraacayay codad ururin horay loo sameeyay oo uu isagu u hayo hoggaanka.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sagaal musharrax oo ku tartamaya sidii ay u noqon lahaayeen qofka Xisbiga Jamhuuriga ee waddanka Mareykanka u meteli lahaa doorashada madaxnimo ee dalkaas ka dhici doonta sannadka soo socda ee 2016-ka; ayaa waxay xalay dhexmartay dood kulul oo diiradda lagu saaray amniga Qaranka. Dooddan ayaa diiradda lagu saaray baaqii murashax Donald Trump ee ahaa in [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":25610,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-25608","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25608","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=25608"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25608\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":25609,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25608\/revisions\/25609"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/25610"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=25608"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=25608"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=25608"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}