{"id":25593,"date":"2015-12-15T20:45:00","date_gmt":"2015-12-15T17:45:00","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=25593"},"modified":"2015-12-15T20:52:23","modified_gmt":"2015-12-15T17:52:23","slug":"garoonka-dhuusamareeb-oo-maanta-ay-la-wareegeen-ciidamo-ethiopian-ah-waa-maxey-sababtu","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/12\/garoonka-dhuusamareeb-oo-maanta-ay-la-wareegeen-ciidamo-ethiopian-ah-waa-maxey-sababtu\/","title":{"rendered":"Garoonka DHuusamareeb oo maanta ay la wareegeen ciidamo ethiopian ah waa maxey sababtu?"},"content":{"rendered":"<p>Wararka laga helayo magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa sheegaya in saakay ay ciidammo ka tirsan kuwa ka socda Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM la wareegeen garoonka diyaaradaha Dhuuso-mareeb.<\/p>\n<p>Ciidamadan oo wata sideed gaadiidka dagaalka ah ayaa xalay gudaha u galay garoonka oo aan waayadii dambe shaqeynayn, lamana oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa inay ciidamadani la wareegaan garoonka.<\/p>\n<p>Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Ahlusunna oo horay u joogay garoonka ay ciidamadani ka eryeen, iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan in garoonka uu ka mid yahay goobo loo asteeyay inay saldhigyo ka dhigtaan ciidamada ee ku sugan magaaladaas.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada ka socda Itoobiya ay doonayaan in ay dib u furaan garoonka Dhuuso-mareeb, kaasoo in muddo ah aan shaqeyn, inkastoo weli aysan jirin cid arrintan si rasmi ah ugu dhawaaqday.<\/p>\n<p>Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli lagu wado in dhawaan uu magaalada Dhuuso-mareeb ka furmo wadahadallo ay yeelanayaan maamulka Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca, kaas oo lagu xallinayo khilaafyo labada dhinac u dhexeeyay.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, taliska AMISOM oo ay hoos-tagaan ciidamada Itoobiya iyo Dowladda FS ayaan weli ka hadlin la wareegidda ay ciidanka dalka Itoobiya ee ka tirsan AMISOM ay la wareegeen garoonka degmada Dhuuso-mareeb.<\/p>\n<p>Si kasta ha ahaatee, shacabka ku nool daafaha garoonka diyaaradaha Dhuuso-mareeb ayaa iyaguna u sheegay warbaahinta in ciidamada la wareegay garoonka ay yihiin kuwo ay ka muuqato feejignaan dheeraad ah.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wararka laga helayo magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa sheegaya in saakay ay ciidammo ka tirsan kuwa ka socda Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM la wareegeen garoonka diyaaradaha Dhuuso-mareeb. Ciidamadan oo wata sideed gaadiidka dagaalka ah ayaa xalay gudaha u galay garoonka oo aan waayadii dambe shaqeynayn, lamana oga sababta dhabta ah ee [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":25595,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-25593","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25593","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=25593"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25593\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":25594,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25593\/revisions\/25594"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/25595"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=25593"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=25593"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=25593"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}