{"id":25510,"date":"2015-12-10T00:24:29","date_gmt":"2015-12-09T21:24:29","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=25510"},"modified":"2015-12-10T00:29:57","modified_gmt":"2015-12-09T21:29:57","slug":"xogtii-som-oil-oo-lala-soo-wareegey-iyo-wasaarada-badroolka-wasaarad-ahaan-loo-magacaabey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/12\/xogtii-som-oil-oo-lala-soo-wareegey-iyo-wasaarada-badroolka-wasaarad-ahaan-loo-magacaabey\/","title":{"rendered":"Xogtii SOM OIL oo lala soo wareegey iyo wasaarada badroolka wasaarad ahaan loo magacaabey."},"content":{"rendered":"<p>Waxaa Muqdisho lagu qabtay maanta munaasabad xarigga looga jawarayay dhismaha cusub ee wasaaradda batroolka iyo macdanta Somalia, taasoo ku taalla bartamaha magaalada Muqdisho, iyadoo wasaaraddu kula soo wareegtay xog-ururin oo la xiriirta baarista shidaal oo ay horay u sameysay shirkada Soma Oil &amp; Gas.<\/p>\n<p>Xaruntan cusub ee wasaarada batoolka ayaa ku dhow barlamankii hore ee Somalia. Iyadoo labadii sannadood ee lasoo dhaafay ay wasaaraddu ku shaqeynaysay dhismaha wasaaradda waxbarashada Somalia.<\/p>\n<p>Sidoo kale, markii ugu horreysay muddo 25-sano laga joogo, wasaaraddu waxay awoodi doontaa inay hesho xarun iyada u gooni ah; waxaana dhismahaan uu ka koobnaan doona: qaybta sheybaarrada, keydinta macluumadka iyo xafiisyada shaqaalaha wasaaradda iyo hawl-wadeennada ay ku shaqeyn doonaan.<\/p>\n<p>Munaasabada ayaa waxay shirkada Soma Oil &amp; Gas kuwoo wareejisay dowladda Somalia kusoo wareejisay xog-macluumaad shidaal oo ay ka ururisay qaybo ka mid ah badda fog ee Soomaaliya. Xogta lasoo wareejiyay waxay ka dhalatay xog-ururintii la sameeyay sanadkii 2014-kii, taas oo ku saleysan heshiiska u dhaxeeya dowladda Somalia iyo Shirkadda Soma Oil &amp; Gas.<\/p>\n<p>Wasiirka batroolka iyo macdanta xukuumadda Somalia, Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo hadal ka jeediyay munaasabadd ayaa yiri. \u201cDaah-furitaanka dhismaha Wasaaradda oo ah mid cusub waa aqbaar fiican, gaar ahaan waxay kusoo beegmaysaa xilli ay dowladdu ku howlan tahay dib u dhiska hay\u2019adaha Qaranka.\u201d Wuxuuna intaas ku daray.<\/p>\n<p>\u201cDhismahaan wuxuu yeelanayaa Qolka Keydka Xogta (Data Room); taasoo muhiim u ah horumarinta baarista shidaalka Somalia. Haddii la rabo inay Soomaaliya soo saarto shidaal, horumar dhaqaalana ay gaarto, waxaa marka hore muhiim ah in la xog la ururiyo, lana diy-aariyo aqoon-yahanno Soomaliyeed oo fahmi kara xogtaas.\u201d<\/p>\n<p>Isagoo sii hadalay ayuu wasiirku intaas raaciyay. \u201cQolka Keydka Xogta waxa lagu Xafidi doonaa macluumadka ahmiyadda gaarka u leh wasaarada batroolka iyo macdanta DFS iyo ciddii la leh iskashi ganacsi-wadaag ah, waxaana xogtaan laga iibinayaa dadka danaynaya inay Soomaaliya maal-gashadaan.\u201d<\/p>\n<p>\u201cKaalmada dhaqaale oo ay shirkadda Soma Oil &amp; Gas ka geysatay sameynta Qolka Keyda xogta iyo wada-shaqeynta sokeeye ee kala dhaxeeysa ee suuq-geynta xogta iyo wasaaradda waxay muujinaysaa faa\u2019iidada wada-shaqeyneed ee ay la leedahay. Waxaan ku Qanacsan-nahay in xogtani muujin doonto fursadaha wanaagsan ee ka jira Badda Fog (Off-shore) ee Somalia,\u201d ayuu wasiirku mar kale yiri.<\/p>\n<p><strong>Qolka Keydka Xogta Waxaa la dhigi doonaa: <\/strong><\/p>\n<ol>\n<li>Xogta oo wali sideeda ah oo aan la fasirin (Raw data);<br \/>\n2. Xogta oo laga baraandagey (Processed data);<br \/>\n3. Xogta la turjumay (Interpreted data);<br \/>\n4. Xogta la keenay, midda laga baraandageey iyo midda la turjumay;<br \/>\n5. Xogihii hore ee Soma Oil &amp; Gas kasoo heshay meelo kale si\u00a0jolojiyada dalka loo fahmo;<\/li>\n<\/ol>\n<p>Ugu dambeyn, helidda xog-dhameestiran waa qayb ka mid ah qorshaha guud ee lagu hour-marinaayo baarista shidaalka Somalia. howlaha kale ee ay wasaaradu waddo waxaa ka mid ah; sidii Somalia ay u yeelan lahayd aragti mideysan oo ku aadan ka faa\u2019iidaysiga arimaha shidaalka, diyaarinta sharuucda iyo heshiiska wadaaga wax-soo-saarka, sameynta shirkada shidaalka Soomaaliya iyo hay\u2019adda nidaaminta shidaalka dalka.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waxaa Muqdisho lagu qabtay maanta munaasabad xarigga looga jawarayay dhismaha cusub ee wasaaradda batroolka iyo macdanta Somalia, taasoo ku taalla bartamaha magaalada Muqdisho, iyadoo wasaaraddu kula soo wareegtay xog-ururin oo la xiriirta baarista shidaal oo ay horay u sameysay shirkada Soma Oil &amp; Gas. Xaruntan cusub ee wasaarada batoolka ayaa ku dhow barlamankii hore ee [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":25512,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[44,34,46,3,36],"tags":[],"class_list":["post-25510","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-facebook-com","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-twitter-com","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25510","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=25510"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25510\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":25511,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25510\/revisions\/25511"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/25512"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=25510"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=25510"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=25510"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}