{"id":25503,"date":"2015-12-09T22:35:20","date_gmt":"2015-12-09T19:35:20","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=25503"},"modified":"2015-12-09T22:35:21","modified_gmt":"2015-12-09T19:35:21","slug":"nin-lagu-soo-eedeeyey-in-uu-galey-zino-oo-dhaq-dhaqaaqa-al-shabaab-xukun-ku-fuliyeen","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/12\/nin-lagu-soo-eedeeyey-in-uu-galey-zino-oo-dhaq-dhaqaaqa-al-shabaab-xukun-ku-fuliyeen\/","title":{"rendered":"Nin lagu soo eedeeyey in uu galey zino oo dhaq dhaqaaqa AL-shabaab xukun ku fuliyeen."},"content":{"rendered":"<p>Maxkamad hoost-tagta Xarakada Al-shabaab oo ku taalla dulleedka Degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay ayaa maanta xukun karbaash ah ku fulisay nin\u00a0ay sheegeen in lagu soo eedeeyay\u00a0inuu kufsaday gabar dhallinyaro ah.<\/p>\n<p>Ninka xukunka lagu fuliyay oo lagu magaacabaa, Xasan Macallin Madeey ayaa la sheegay inuu kufsaday gabar dhallinyaro ah oo magaceeda lagu sheegay Xabiibo Caliyow C\/llaahi, iyadoo xaakimka maxkamadda Al-shabaab uu sheegay inuu ninkan uu qirtay dambiga lagu soo eedeeyay.<\/p>\n<p>\u201cXasan Macallin wuxuu maxkamadda horteeda ka qirtay inuu kufsaday Xabiibo Caliyoow oo soo dacweysatay, wuxuuna dambiga ah in uu xoogay gabadhan ka Qirtay maxkamadda isagoo maskaxdiisu ay taam tahay,\u201d ayuu yiri garsooraha maxkamadda xukunka ridday.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Qaadiga ayaa wuxuu sheegay in maxkaamddu ay weydiisay Xasan Macallin oo lasoo eedeeyay inuu horay guur u soo maray, wuxuuna caddeeyay inuusan guur soo marin, sidaa awgeedna ay maxkamaddu ku xukuntay 100-karbaash, sida ay qabto diinta Islaamka.<\/p>\n<p>\u201cRuux Muslim ah oo aan horay u soo guursan; haddii uu Zino ku dhaco, xukunka Islaamku wuxuu noqonayaa 100-karbaash; waxaana xukunkeenna u cuskannay sharcigaas islaamiga ah,\u201d ayuu Qaaligu mar kale yiri.<\/p>\n<p>Intaas kaddib waxaa xukun karbaash ah lagu fuliyay eedeysanaya lagu helay dambiga lagu soo eedeeyay, iyadoo goobta ay joogeen dadweyne badan oo u soo daawasho tagay sida uu xukunkan u dhacayo.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, ma ahan markii ugu Horreysay oo ay Al-shabaab Xukunno isugu jira Dilal iyo karbaash ay ku fuliso dad lagu soo eedeeya Zino iyo dambiyo kale oo ay ka mid yihiin jaajuusnimo, sida ay sheegeen mas\u2019uuliyiintii Al-shabaab ee ka hadlay goobta Xukunkaan lagu fuliyay.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maxkamad hoost-tagta Xarakada Al-shabaab oo ku taalla dulleedka Degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay ayaa maanta xukun karbaash ah ku fulisay nin\u00a0ay sheegeen in lagu soo eedeeyay\u00a0inuu kufsaday gabar dhallinyaro ah. Ninka xukunka lagu fuliyay oo lagu magaacabaa, Xasan Macallin Madeey ayaa la sheegay inuu kufsaday gabar dhallinyaro ah oo magaceeda lagu sheegay Xabiibo Caliyow C\/llaahi, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":25506,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[44,34,46,3,36],"tags":[],"class_list":["post-25503","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-facebook-com","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-twitter-com","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25503","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=25503"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25503\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":25504,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25503\/revisions\/25504"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/25506"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=25503"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=25503"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=25503"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}