{"id":25436,"date":"2015-12-05T23:28:11","date_gmt":"2015-12-05T20:28:11","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=25436"},"modified":"2015-12-05T23:34:12","modified_gmt":"2015-12-05T20:34:12","slug":"soomaali-ka-kooban-28-qof-una-dhashey-gwaqoyi-bari-kenya-oo-ay-qab-qabteen-ciidamada-amniga-kenya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/12\/soomaali-ka-kooban-28-qof-una-dhashey-gwaqoyi-bari-kenya-oo-ay-qab-qabteen-ciidamada-amniga-kenya\/","title":{"rendered":"Soomaali ka kooban 28 qof una dhashey G\/waqoyi bari kenya oo ay qab qabteen ciidamada amniga Kenya."},"content":{"rendered":"<p>Ciidamada Amniga Kenya ayaa 28-qof oo Soomaali ah ku xiray deegaanka Balambala oo ka tirsan gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, sida ay sheegeen mas\u2019uuliyiinta gobolka, xilli aad loo adkeeyay soohdinta ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya.<\/p>\n<p>James Kianda oo ka mid ah mas\u2019uuliyiinta degmada Gaarisa ayaa dadka Soomaalida ah ee ay qabteen ay isugu jiraan 11-dumar ah iyo 17-rag ah, isagoo xusay in la qabtay iyagoo si dhuumaaleysi ah ugu safrayay gaari si gaar ah loo leeyahay.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Kianda ayaa intaas ku daray in ciidammo ka tirsan kuwa booliiska ay si dhaqso ah ku gaareen goobta ay dadkaas ku sugnaayeen ay gacan ku dhigeen, xilli gaarigoodii ay lasoo daristay cillad farsamo.<\/p>\n<p>\u201cDadkaan ayaa isticmaalayay waddada marta deegaanka Balanbala-Gaarisa, iyagoo kasoo dhuuntay howlgalka ammaanka lagu adkeynayo ee ciidanka millateriga iyo kuwa booliiska Kenya ay kawadaan waddooyinka Dhadhaab-Kenya, laakiinse\u00a0nasiib-wanaag waxaa arkay ciidamadeenna amniga,\u201d ayuu James Kianda ku yiri hadal uu warbaahinta siiyay.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, James Kianda ayaa sheegay in Soomaalidan ay qabteen aysan wadan wax dukumiintiyo ah; laguna xiray xabsiga degmada Gaarisa, isagoo xusay in shalay oo Jimco ahaydna la hor-geeyay maxkamadda si su\u2019aalo loo weydiiyo.<\/p>\n<p>Si kasta ha ahaatee, xukuumadda Kenya ayaa toddobaadkii hore sheegtay inay adkeynayso ammaanka xadka ay la wadaagto Somalia, iyadoo sabab uga dhegay baqdin laga qabo inay weerarro kaga yimaada xoogagga Al-shabaab ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ciidamada Amniga Kenya ayaa 28-qof oo Soomaali ah ku xiray deegaanka Balambala oo ka tirsan gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, sida ay sheegeen mas\u2019uuliyiinta gobolka, xilli aad loo adkeeyay soohdinta ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya. James Kianda oo ka mid ah mas\u2019uuliyiinta degmada Gaarisa ayaa dadka Soomaalida ah ee ay qabteen ay isugu jiraan 11-dumar [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":25438,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[44,34,46,3,36],"tags":[],"class_list":["post-25436","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-facebook-com","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-twitter-com","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25436","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=25436"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25436\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":25439,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25436\/revisions\/25439"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/25438"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=25436"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=25436"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=25436"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}