{"id":25432,"date":"2015-12-05T22:57:26","date_gmt":"2015-12-05T19:57:26","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=25432"},"modified":"2015-12-05T23:09:23","modified_gmt":"2015-12-05T20:09:23","slug":"shiinaha-oo-soomaaliya-u-balan-qaadey-mashaariic-wax-ku-ool-ah-in-uu-ka-fulinayo-sida-uu-sheegey-mweynaha-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/12\/shiinaha-oo-soomaaliya-u-balan-qaadey-mashaariic-wax-ku-ool-ah-in-uu-ka-fulinayo-sida-uu-sheegey-mweynaha-soomaaliya\/","title":{"rendered":"SHiinaha oo soomaaliya u balan qaadey mashaariic wax ku ool ah in uu ka fulinayo sida uu sheegey M\/weynaha soomaaliya."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa faah-faahin ka bixiyay kulan gaar ah oo uu xalay kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuriyadda Shiinaha, Xi Jinping magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika .<\/p>\n<p>Xasan Sheekh ayaa sheegay in hoggaamiyaha Shiinaha uu ballan-qaaday inuu mashaariic badan oo dhinaha dhaqaalaha ah ka fulinayo guud ahaan Somalia, isla markaana la laba-laabayo iskaashiga labada waddan u dhexeeya.<\/p>\n<p>&#8220;Somalia waxay leedahay saaxiibbo badan oo kala qayb-qaadanaya dib u dhiska dalka iyo abuurista fursado maal-gashi. Waxaan shacabka Soomaaliyeed maanta u sheegayaa inay Shiinaha oo awalba uu xiriir qoto-dheer nagala dhexeeyay aan isku af-garanay inaan is-kaashigeenna xoojino. Gobol walba oo Somalai ka mid ah iyo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyana ayaa ka faa&#8217;ideysan doona mashaariicda uu Shiinuhu dalkeena ka fulin doono,&#8221; ayuu yiri madaxweynaha Somalia.<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan ayaa xusay in Shiinaha uu mashaariic badan oo wax-tar leh ka fuliyay Qaarada Afrika, isla markaana ay Somalai baahi u qabto mashaariicda noocaas ah, iyadoo weliba uu waddankeennu leeyaha kheyraad fara badan oo uu caalamka kula tartami karo.<\/p>\n<p>&#8220;Waddankeena caalamka intiisa badan ayaa daneynaya oo doonaya inay wax nala qabtaan. Aan noqono ummad mid ah, isku duuban, diyaarna u ah inay dhisato Soomaaliya cusub oo nabad iyo barwaaqo ah,&#8221; ayuu hadalkiisa ku daray Xasan Sheekh.<\/p>\n<p>Dhanka kale, madaxweynaha Somalia ayaa shacabka ugu baaqay inay nabadda iyo xasil-loonida ka shaqeeyaan, taasina ay keeni karto inaan si wanaagsan uga faa&#8217;iideysano khay-raadka dalka ka buuxa.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Johannesburg ee waddanka Koonfuur Afrika uga qayb-galayo shirka-madaxeedka is-kaashiga Qaaradda Afrika iyo Shiinaha. Iyadoo shirkan uu shalay furmay, lana filayo in lasoo gaba-gabeeyo.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa faah-faahin ka bixiyay kulan gaar ah oo uu xalay kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuriyadda Shiinaha, Xi Jinping magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika . Xasan Sheekh ayaa sheegay in hoggaamiyaha Shiinaha uu ballan-qaaday inuu mashaariic badan oo dhinaha dhaqaalaha ah ka fulinayo guud ahaan Somalia, isla markaana la laba-laabayo iskaashiga labada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":25435,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[44,34,46,3,36],"tags":[],"class_list":["post-25432","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-facebook-com","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-twitter-com","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25432","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=25432"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25432\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":25434,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25432\/revisions\/25434"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/25435"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=25432"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=25432"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=25432"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}