{"id":25405,"date":"2015-12-03T19:59:32","date_gmt":"2015-12-03T16:59:32","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=25405"},"modified":"2015-12-03T20:08:59","modified_gmt":"2015-12-03T17:08:59","slug":"fashil-ku-yimid-heshiiskii-colaada-gkacyo-oo-loo-aaneeyey-daacad-darro-dhinaca-cweli-gaas-iyo-qaar-kamid-ah-madaxda-puntland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/12\/fashil-ku-yimid-heshiiskii-colaada-gkacyo-oo-loo-aaneeyey-daacad-darro-dhinaca-cweli-gaas-iyo-qaar-kamid-ah-madaxda-puntland\/","title":{"rendered":"Fashil ku yimid heshiiskii colaada G\/kacyo oo loo aaneeyey daacad darro dhinaca C\/weli Gaas iyo qaar kamid ah madaxda PUNTLAND."},"content":{"rendered":"<p>Iyadoo shalay magaalada Gaalkacyo ay heshiis ku kala sixiixdeen madaxda maamul-goboleedyada Puntland iyo Galmudug, isla markaana ay warbaahinta ka sheegeen inay xal ka gaareen dagaalladii dhacay, shacabkana ugu baaqeen in ay guryahooda ku soo laabtaan, ayaa waxaa goor-dhow ka qarxay dagaal xooggan oo u dhexeeya maamulladii horay ugu dagaallamay degmadaas.<\/p>\n<p>Dagaalkan oo ah mid xooggan ayay labada dhinac isu adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, ayadoo dadka qaar ee degan xaafadaha degmada Gaalkacyo ay lasoo darastay xaalad adag.<\/p>\n<p>Goob-jooge ku sugan Gaalkacyo oo HOL qadka teleefonka ugu waramay ayaa sheegay in uu dagaalku yahay mid aad u xooggan oo ay dhiancyadu isku adeegsanayaan madaafiic iyo hub kala duwan.<\/p>\n<p>&#8220;Dagaal aad u culus ayaa socda, madaafiicdu waxay ku hoobanayaan xaafadaha degmada, dagaalkuna waa uu socdaa, xaaladduna way kacsantahay,&#8221; sidaa waxaa yiri Maxamed Cali Siyaad oo ka mid ah wariyeyaasha ka hawl-gala Gaalkacyo oo aan qadka teleefonka kula xiriirnay.<\/p>\n<p>Arrintan ayaa dhabar-jab ku noqoneysa dadaaladii nabadeed ee ay hormuudka ka ahaayeen madaxda dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira.<\/p>\n<p>RW Somalia, madaxweynayaasha maamul-goboleedyadii nabadeynta u tagay Gaalkacyo iyo mas&#8217;uuliyiintii kale ayaa weli ku sugan magaalada Gaalkacyo oo uu iminka ka socdo dagaalka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Iyadoo shalay magaalada Gaalkacyo ay heshiis ku kala sixiixdeen madaxda maamul-goboleedyada Puntland iyo Galmudug, isla markaana ay warbaahinta ka sheegeen inay xal ka gaareen dagaalladii dhacay, shacabkana ugu baaqeen in ay guryahooda ku soo laabtaan, ayaa waxaa goor-dhow ka qarxay dagaal xooggan oo u dhexeeya maamulladii horay ugu dagaallamay degmadaas. Dagaalkan oo ah mid xooggan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":25408,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[44,34,46,3,36],"tags":[],"class_list":["post-25405","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-facebook-com","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-twitter-com","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25405","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=25405"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25405\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":25407,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25405\/revisions\/25407"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/25408"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=25405"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=25405"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=25405"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}