{"id":25387,"date":"2015-12-03T05:34:40","date_gmt":"2015-12-03T02:34:40","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=25387"},"modified":"2015-12-03T05:41:09","modified_gmt":"2015-12-03T02:41:09","slug":"heshiiska-ay-maanata-gaareen-maamulada-galmug-iyo-puntland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/12\/heshiiska-ay-maanata-gaareen-maamulada-galmug-iyo-puntland\/","title":{"rendered":"Heshiiska ay maanata gaareen maamulada Galmug iyo Puntland"},"content":{"rendered":"<p>Inkastoo maanta degmada Gaalkacyo lagu saxiixay heshiis ka kooban afar qodob, kaasoo gun-dhig u noqonaya hishiis rasmi ah oo laga gaaro colaadda magaalada Gaalkacyo, haddana waxaa jira shaki badan oo ku hareereysa dhaqan-galka hishiiska ay wadda-galaan labada maamul Galmudug iyo Puntland, marka loo eego khubadihii ay maanta ka jeediyeen munaasabada madaxweynayaasha labada maamul. Madaxweynaha Galmudug, C\/kariin Xusseen Guulleed ayaa khubaddiisa ku sheegay inay 100% dhinacooda soo dhaweynayaan qodobada lagu hishiiyay, laakiin wuxuu ka digay in colaadda magaalada Gaalkacyo loo saariyo sidda uu hadalka u dhigay dhinacyo kale. \u201cAnnigoo wakiil ka ah shacabka Galmudug waxaan halkan ka balan-qaadayaa dhinaceen in hishiiskaa aan 100% aqbalsannahay, colaada Gaalkacyo ma aha mid dhaafsiisan dadka Gaalkacyo, ma ahan mid dhaafsiisan labada maamul, waxaan ka digeynaa in meel kale loo saariyo ama xalka laga doon-doono, haddii ay taa dhacdo waxaan leenahay waxaa ay sii fogeyn doontaa xalka iyo nabada la raadinayo,&#8221; ayuu yiri C\/kariin Guuleed. Khudbada madaxweyne Guulleed ayaa u muuqatay mid ku soctay dhigiisa C\/wali Gaas oo dhawaan sheegay inay colaada Gaalkacyo tahay mid ka baxsan labada maamul, taas badal-keedana ay hurinayaan mas\u2019uuliyiinta ugu sareeysa dowladda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, madaxweynaha Puntland C\/weli Gaas ayaa khudbadiisa ku sheegay inaan lagu wada-noolaan karin sida uu hadalka u dhigay Gaalkacyo oo ah meel aan nabad iyo colaad toona aheyn, siddaa daraadeed looga baahan yahay dhinacyada waan-waanta wadda in ay si dhab ah u guda-galaan arimo badan oo u baahan in xal loo helo. \u201cColaadda magaalada Gaalkacyo waxaa asal u ahaa oo ay ka bilaabtay hormar ay Puntland waday oo la is-hortaagay shaqaalihii wadayna lagu soo duulay oo la laayay, taasoo aan uga baahaan-nahay dhinacyada ku howlan waan-waanta inay meel cad saaraan, cidda nabadda dhibaatada ku ah&#8217;naay farta ku fiiqaan,&#8221; ayuu yiri madaxweyne C\/wali Gaas. Marka eegto qodobada lagu heshiiyay ee afarta ah iyo xiisada ka dhax-aloosan maamulada Puntland iyo Galmudug oo soo jiitamaysay tan iyo markii la dhisay Galmudug, waxaa iska cad in arrimo badan oo hadda aad moodo in la dul-marayo tahay in hoos loogu dhaadhaco, madaama illaa hadda aysan kala cadeyn waxa kala xadidaya labada dhinac ee damaanada u noqonaya in dagaal danbe uusan ka dhici doonin magaalada Gaalkacyo. RW xukuumadda Somalaia, Cumar C\/rashiid Cali oo tan iyo markii ay dagaallada dhaceen u taagnaa sidii xal kama dambeys ah loogu heli lahaa colaada magaalada Gaalkacyo, ayaa kalsami ka muujiyay dhaqan-galka hishiiska, isaga oo intaa ku darray in ay guddi isugu jira dowladda dhexe iyo maamul gobolleedyada u saareen dhameystirka hishiiska. Ugu dambeyn, magaalada Gaalkacyo oo ah magaalo leh saameyn dhanka siyaasadeed iyo dhaqaale ah leh, ayaa hadda u muuqata mid xarun u ah gor-gortanka siyaasadeed ee labada maamul Puntland iyo Galmudug oo mid walba u arko magaalada Gaalkacyo mid ay iyagu maamulaan.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Inkastoo maanta degmada Gaalkacyo lagu saxiixay heshiis ka kooban afar qodob, kaasoo gun-dhig u noqonaya hishiis rasmi ah oo laga gaaro colaadda magaalada Gaalkacyo, haddana waxaa jira shaki badan oo ku hareereysa dhaqan-galka hishiiska ay wadda-galaan labada maamul Galmudug iyo Puntland, marka loo eego khubadihii ay maanta ka jeediyeen munaasabada madaxweynayaasha labada maamul. Madaxweynaha Galmudug, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":25389,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-25387","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25387","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=25387"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25387\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":25388,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25387\/revisions\/25388"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/25389"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=25387"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=25387"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=25387"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}