{"id":25358,"date":"2015-11-30T22:02:17","date_gmt":"2015-11-30T19:02:17","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=25358"},"modified":"2015-11-30T22:07:16","modified_gmt":"2015-11-30T19:07:16","slug":"wasiirka-arrimaha-debedda-somaliland-sacad-cali-shire-oo-markii-ugu-horeysey-ka-hadley-colaada-gkacyo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/11\/wasiirka-arrimaha-debedda-somaliland-sacad-cali-shire-oo-markii-ugu-horeysey-ka-hadley-colaada-gkacyo\/","title":{"rendered":"Wasiirka arrimaha debedda Somaliland Sacad Cali SHire oo markii ugu horeysey ka hadley colaada G\/kacyo."},"content":{"rendered":"<p>Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay colaaddamaalmihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxayna ku baaqday in nabada la xoojiyo oo wadahadalka lagu dhameeyo xiisada ka taagan magaaladaasi.<\/p>\n<p>Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in Somaliland jeceshahay in gobolka Bariga Africa lagu wada noolaado nabad. Waxaanu xusay in dawladda Somaliland danaynayso in wada hadal lagu dhammeeyo arrimaha u dhexeeya maamullada Soomaaliya.<\/p>\n<p>\u201cInnagu mar kasta waxaanu doonaynaa in gobolku lagu wada noolaado nabad oo xasillooni ka jirto, mana ogolin in dalalka jaaarka sida Jabuuti, Itoobiya iyo Somalia wax amaan-daro ahi ka dhacdo, marka waxaanu ku baaqayna in nabada la ilaaliyo murankana wada-xaajood ku dhamaystaan,\u201d ayuu yidhi wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire.<\/p>\n<p>Sidoo kale,wasiirku wuxuu ka hadlay safar uu ugu anbobaxayey wadanka Kenya, waxaanu sheegay inuu ballan la leeyahay hay\u2019adaha QM iyo safaaradaha xidhiidhka la leedahay Somaliland ee jooga Nayroobi.<\/p>\n<p>\u201cUjeedada socdaalkayagu waa in aanu la kulano safaaradaha iyo hay\u2019adaha wada-shaqanta la leenahay, waxaanu la kulmi doona hay\u2019adaha iyo safaaradaha degan Nairobi, waxaa kale oo safarkan ka faa\u2019iidaysan doonaa inaanu la kulanno jaalidda reer Somaliland ee halkaasi degan, taas oo aanu ka hawlgalin doonno xafiis weyn, safarkanna waxaa kasoo shaqeeyay QM oo balamo noo soo samaysay, balan baanu ku tagayna iskama tagayno\u201dayuu raaciyey hadalkiisa.<\/p>\n<p>Mar la waydiiyey inay ka kulmi doonaan madax ka tirsan Kenya, ayuu yiri. \u201cSafarkan mar hore ayaa la qorsheeyay, hore ballan nooguma jirin in madaxda Kenya la kulanno, Laakiin waanu isku dayi doonnaa in aanu la kulanno madaxda Kenya.\u201d<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay colaaddamaalmihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxayna ku baaqday in nabada la xoojiyo oo wadahadalka lagu dhameeyo xiisada ka taagan magaaladaasi. Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in Somaliland jeceshahay in gobolka Bariga Africa lagu wada noolaado nabad. Waxaanu xusay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":25360,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-25358","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25358","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=25358"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25358\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":25359,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25358\/revisions\/25359"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/25360"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=25358"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=25358"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=25358"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}