{"id":25331,"date":"2015-11-28T21:55:01","date_gmt":"2015-11-28T18:55:01","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=25331"},"modified":"2015-11-28T22:00:09","modified_gmt":"2015-11-28T19:00:09","slug":"xalinta-colaadda-gaalkacyo-oo-gudi-heer-wasiir-ah-loo-magacaabeymaxey-soo-kordhin-karaan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/11\/xalinta-colaadda-gaalkacyo-oo-gudi-heer-wasiir-ah-loo-magacaabeymaxey-soo-kordhin-karaan\/","title":{"rendered":"Xalinta colaadda Gaalkacyo oo gudi heer wasiir ah loo magacaabey\/maxey soo kordhin karaan?."},"content":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Somalia, Cumar C\/rashiid Cali ayaa sheegay inuu guddo u magacaabay xalinta colaada magaalada Gaalkacyo ka taagan ee u dhexeysa maamullada Galmudug iyo Puntland; kaddib markii uu maanta kusoo laabtay Muqdisho.<\/p>\n<p>Sharma\u2019arke ayaa xusay in ujeeddada safarkiisa magaalooyinka Cadaado iyo Garoowe uu ahaa mid salka ku haya sidii loo xallin lahaa colaadda ka taagan Gaalkacyo, isagoo intaas ku daray inuu lasoo kulmay labada Madaxweyne ee maamullada Galmudug iyo Puntland.<\/p>\n<p>\u201cLabada madaxweyne waxay iga ogolaadeen inay magaalada Gaalkacyo tagaan, si colaada loo joojiyo, in ciidamada la kala qaado iyo in dadweynihii Gaalkacyo ka barakacay dib loo soo celiyo,\u201d ayuu yiri RW Sharma&#8217;arke oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Muqdisho.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Sharma\u2019arke ayaa tilmaamay in guddiga uu u magacaabay xallinta colaadaha Gaalkacyo ay ka mid yihiin; wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Somalia iyo taliyaha ciidamada xoogga dalka, wuxuuna rajo ka muujiyay in lasoo af-jaro colaadda Gaalkacyo.<\/p>\n<p>RW Somalia ayaa intaa ku daray inuu magaalada Garoowe ee xarunta Puntland uu uga soo tagay wasiirka arrimaha gudaha, wasiir-u-dowlaha madaxtooyada iyo taliyaha ciidamada xoogga, kuwaasoo uu sheegay inay Gaalkacyo tegi doonaan, si ay u sii wadaan dadaalada nabadeed.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Sharma\u2019arke ayaa xusay inay qorsheynayaan inay ciidamo kala dhex-dhigaan labada dhinac ee colaaddu u dhexeyso, isagoo xusay haddii labada ciidan ee is-hor fadhiya la kala qaado ay baajin karto colaad dambe oo dhacda.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, dagaal u dhaxeeyay ciidammada maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta mar kale ka dhacay Gaalkacyo, waxaana ka dhashay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Somalia, Cumar C\/rashiid Cali ayaa sheegay inuu guddo u magacaabay xalinta colaada magaalada Gaalkacyo ka taagan ee u dhexeysa maamullada Galmudug iyo Puntland; kaddib markii uu maanta kusoo laabtay Muqdisho. Sharma\u2019arke ayaa xusay in ujeeddada safarkiisa magaalooyinka Cadaado iyo Garoowe uu ahaa mid salka ku haya sidii loo xallin lahaa colaadda ka taagan Gaalkacyo, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":25333,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-25331","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25331","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=25331"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25331\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":25332,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25331\/revisions\/25332"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/25333"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=25331"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=25331"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=25331"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}