{"id":25306,"date":"2015-11-27T22:14:13","date_gmt":"2015-11-27T19:14:13","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=25306"},"modified":"2015-11-27T22:18:57","modified_gmt":"2015-11-27T19:18:57","slug":"brundi-oo-ku-tilmaantey-xayiraadii-mareykanka-fadeexeyn-kaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/11\/brundi-oo-ku-tilmaantey-xayiraadii-mareykanka-fadeexeyn-kaliya\/","title":{"rendered":"Brundi oo ku tilmaantey xayiraadii mareykanka Fadeexeyn kaliya."},"content":{"rendered":"<p>Kaaliyaha Madaxweynaha Dalka Burundi ayaa ku tilmaamay xayiraada uu Mareykanku sheegay inuu kusoo rogayo mas\u2019uuliyiin ka tirsan dowladda iyo kuwo horay dalka ugu soo shaqeeyay ay tahay fadeexad iyo olole lagu afla-gaadeynayo dalalka Afrika.<\/p>\n<p>Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa Isniintii lasoo dhaafay sheegay in xayiraado lagu soo rogi doono afar ka tirsan mas\u2019uuliyiinta waddanka Burundi kuwaasoo oo qaarkood dowladda ka tirsan iyo kuwo xilal soo qabtay, kuwaasoo ay ka mid yihiin; wasiirka amniga dadweynaha iyo wasiirkii hore ee gaashaandhigga Burundi.<\/p>\n<p>Mas\u2019uuliyiintan ayay xukuumadda Mareykanku sheegay inay qaban-qaabiyeyaal ka yihiin rabshadaha ka socda Waddankaas, kuwaas oo haatan laga baqdin qabo in ay isku bedelaan dagaallo sokeeye oo uu xasuuq ba\u2019an ka dhasho.<\/p>\n<p>\u201cXayiraad lagu soo rogo kuwii ka hortagay afgabigii dhicisoobay ee dalkeenna ka dhacay bartamihii sannadkan waa arrin fadeexad iyo argagax leh,\u201d sidaa waxaa war-fidiyeenka u sheegay Khamiistii shalay ahayd la-taliyaha dhanka warfaafinta ee madaxweynaha dalka Burundi, Willy Nyamitwe.<\/p>\n<p>Willy Nyamitwe ayaa intaas ku daray. \u201cHaddii tallaabadan lagula kaco Burundi, waxay la micno noqonaysaa olole la doonayo in lagu taageero kuwa sumadda ka dilaya dalkeenna.\u201d Isagoo ku cambaareeyay ergayga Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Samantha Power inay ka dambeyso arrimahan oo dhan.<\/p>\n<p>Mareykanka iyo dalalka deeqaha bixiya ayaa kasoo horjeestay go\u2019aankii uu isugu sharaxay mar saddexaad madaxweynaha Burundi hoggaanka waddankaas, taasoo ay ku sheegeen in ay tahay mid uu ku carqaladeynayo Dastuurka dalkaas oo la dajiyay markii lasoo af-jaray dagaalkii sokeeye ee dalkaas 2005-kii, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 300,000 oo qof.<\/p>\n<p>Dhanka kale, ergayga Mareykanka ee gobolka harooyinka waaweyn ee Qaaradda Afrika, Thomas Perriello ayaa isagana dhankiisa ka digay in Burundi ay ku socoto jidkii dagaalka sokeeye iyo xaquuq dalkaas ka dhaca.<\/p>\n<p>Ugu dabmeyn, tan iyo markii rabshaduhu ka billowday dalka Burundi ayaa waxaa ku naf-waayay in ka badan 240-qof oo rayid u badnaa, kuwaasoo siyaabo kala duwan loogu dilay qaybo ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Bujumbura.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Kaaliyaha Madaxweynaha Dalka Burundi ayaa ku tilmaamay xayiraada uu Mareykanku sheegay inuu kusoo rogayo mas\u2019uuliyiin ka tirsan dowladda iyo kuwo horay dalka ugu soo shaqeeyay ay tahay fadeexad iyo olole lagu afla-gaadeynayo dalalka Afrika. Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa Isniintii lasoo dhaafay sheegay in xayiraado lagu soo rogi doono afar ka tirsan mas\u2019uuliyiinta waddanka Burundi [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":25309,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-25306","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25306","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=25306"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25306\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":25307,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25306\/revisions\/25307"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/25309"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=25306"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=25306"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=25306"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}