{"id":25283,"date":"2015-11-25T18:35:12","date_gmt":"2015-11-25T15:35:12","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=25283"},"modified":"2015-11-25T18:40:17","modified_gmt":"2015-11-25T15:40:17","slug":"gudoomiyaha-xarakada-al-shabaab-ee-gshhoose-shekh-maxamed-abu-cabdala-oo-sheegey-in-ay-iska-dhicinayaan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/11\/gudoomiyaha-xarakada-al-shabaab-ee-gshhoose-shekh-maxamed-abu-cabdala-oo-sheegey-in-ay-iska-dhicinayaan\/","title":{"rendered":"Gudoomiyaha xarakada AL-shabaab ee G\/SH\/hoose SHekh Maxamed abu-Cabdala oo sheegey in ay iska dhicinayaan!!!."},"content":{"rendered":"<p>Guddoomiyaha Al-shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose, Sh. Maxamad Abu-cabdalla ayaa hadal uu jeediyay wuxuu ugu baaqay Al-shabaab iyo dadka ku nool deegaannada ay ka taliyaan inay ilaaliyaan midnimadooda, isagoo xusay inay iska qaban doonaan cid walba oo isku dayda inay Al-shabaab kala qaybiso.<\/p>\n<p>Sh. Abuu-cabdalla ayaa hadalkan ka jeediyay xaflad lagu furayay kulan diimeed ka furmay Gobolka Sh\/Hoose; taasoo la sheegay in looga hadli doono midnimada iyo sidoo loo ilaalin lahaa isku-xirnaanta Al-shabaab.<\/p>\n<p>&#8220;Cid waliba oo ku xad-gudubta midnimadeenna ama doonaysa inay Al-shabaab dhexdeeda buuq ka furaan\u2026 wallaahi hal far baan ka nahay, waana iska celin doonaa. Arintaasna waa go\u2019aan cad oo Al-shabaab ay gaartay. midnimada iyo calanka mujaahidiintu maanta waa hal, hoggaamiye qura ayayna leeyihiin, qof walba oo doonaya inuu kala jabiyana ka yeeli mayno,\u201d ayuu yiri Sheekh Abuu-cabdalla oo hadalladiisa raaciyay dhaar.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Abu-cabdalla ayaa sheegay in mujaahidiinta Somalia [Al-shabaab] ay yihiin dad isku duuban oo aan marna ogolaan doonin in la kala qaybiyo, aysana Soomaaliya ka shaqeyn doonin calamo kala duwan.<\/p>\n<p>&#8220;Maanta ciddii lasoo is-taagta oo yiraahda anigu meel kale ayaan ka tirsanahay, meeshaad ka tirsan tahay aad &#8211; anigu calan kale ayaan wataa iyo wixii la mid ah ma aqbali doono. Annaga go\u2019aankeenna waa mid, halkaan u socono iyo hadafka aan leennahayna waa mid cad, khilaafo islaami ah ayaan u soconaa, xilligeeda iyo waqtigeeda ayaanan gaari doonaa; marka ninkii yiraahdo aniga calan kale ayaan wataa ama jabhad kale ayaan ka tirsanahay, ma ahan kuwo ka shaqeyn kara halkan [Somalia],\u201d ayuu hadalkiisa daba-dhigay Sheekh Maxamed Abu-C\/lla.<\/p>\n<p>Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sidoo kale sheegay in la iska hor-leexin doono\u00a0ruux waliba oo ka horyimaada safka mujaahidiinta, isla markaana doonaya inuu kala jabiyo Xarakada Al-shabaab, wuxuu doono ha noqdee.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Sh. Abuu-Cabdalla ayaa Al-shabaab ku boorriyay inay ilaaliyaan safka ama midnimada Al-shabaab, ayna ogaadaan hadafka loo dagaallamayo inuu yahay kor-yeelidda kalimada ALLE, wuxuuna ku boorriyay inay kala qaybinta iyo tafaraaruqa ka fogaadaan.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, hadalka Sh. Maxamed Abuu-cabdalla ayaa imaanaya todobaadyo kaddib markii afayeenka Al-shabaab, Sh. Cali Dheere uu sheegay in ciddii isku dayda inay kala jabiso Al-shabaab ay gacamaha qaban doonaan.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Guddoomiyaha Al-shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose, Sh. Maxamad Abu-cabdalla ayaa hadal uu jeediyay wuxuu ugu baaqay Al-shabaab iyo dadka ku nool deegaannada ay ka taliyaan inay ilaaliyaan midnimadooda, isagoo xusay inay iska qaban doonaan cid walba oo isku dayda inay Al-shabaab kala qaybiso. Sh. Abuu-cabdalla ayaa hadalkan ka jeediyay xaflad lagu furayay kulan diimeed ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":25285,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-25283","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25283","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=25283"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25283\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":25284,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25283\/revisions\/25284"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/25285"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=25283"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=25283"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=25283"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}