{"id":25266,"date":"2015-11-24T19:33:17","date_gmt":"2015-11-24T16:33:17","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=25266"},"modified":"2015-11-24T19:43:45","modified_gmt":"2015-11-24T16:43:45","slug":"saraakiil-ka-tirsan-dalka-burindi-oo-mareykanku-sheegay-in-uu-xayiraad-ku-soo-rogey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/11\/saraakiil-ka-tirsan-dalka-burindi-oo-mareykanku-sheegay-in-uu-xayiraad-ku-soo-rogey\/","title":{"rendered":"Saraakiil ka tirsan dalka Burindi oo Mareykanku sheegay in uu xayiraad ku soo rogey."},"content":{"rendered":"<p>Dowladda Mareykanka ayaa sheegay inay kusoo rogayso xayiraado Afar ka mid ah Mas\u2019uuliyiinta Burundi, kuwaasoo ay ku jiraan Xubno horay xilal uga soo qabtay xukuumadda; waxaana dhamaan lala xiriiriyay Qalalaasaha ka taagan dalkaas.<\/p>\n<p>Afarta mas\u2019uul ee laga xayiri doono\u00a0fiisaha iyo hantida ayaa waxay kala yihiin; wasiirka amniga iyo dadweynaha, agaasime ku xigeenka booliiska dalka Burundi, agaasimihii hore ee sirdoonka iyo weliba wasiirkii hore ee difaaca.<\/p>\n<p>Mareykanka ayaa waxay sheegeen in xaaladda ka jirta dalka Burundi ay tahay mid aad khatar u ah, isla markaana ay ka dhacaan dilal qorsheysan, xarig iyo weliba jir-dil ay ku kacaan hay\u2019adaha ammaanka Burundi.<\/p>\n<p>Rabshadaha ka jira dalka Burundi ayaa billowday markii madaxweynaha dalkaas, Pierre Nkurunziza&#8217;s uu ku dhawaaqay inuu mar saddexaad hoggaanka dalkaas u tartamayo, taasoo keentay inay mucaaradku diidaan, iyadoo rabshadaha taagan ay ku dhinteen 240-qof tan iyo bishii Abriil ee sannadkan.<\/p>\n<p>Sidoo kale, dagaallada ka dhacaya magaalada Bujumbura ee xarunta Burundi yaa sare u sii kacaya, iyadoo maalin walba maydadka dadka la dilo laga helo waddooyinka waaweyn ee magaaladaas.<\/p>\n<p>\u201cXaaladaha khatarta ah ee ka tagan dalka Burundi iyo dhibaatooyinka ay sida joogtada ah u geysanayaan mas\u2019uuliyiinta xukuumadda waxay dalkaas oo dhan ku keeneen cabsi iyo argagax, waxayna tani sii xumeyn kartaa xaaladda hadda ka taagan Burundi,\u201d ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Aqalka Cad.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, hadalka dowladda Mareykanka kasoo yeeray ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Qaramada Midoobay ay dhawaan sheegtay inay ciidammo u dirayso dalka Burundi, haddii xiisaduhu ay kasii daraan.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Mareykanka ayaa sheegay inay kusoo rogayso xayiraado Afar ka mid ah Mas\u2019uuliyiinta Burundi, kuwaasoo ay ku jiraan Xubno horay xilal uga soo qabtay xukuumadda; waxaana dhamaan lala xiriiriyay Qalalaasaha ka taagan dalkaas. Afarta mas\u2019uul ee laga xayiri doono\u00a0fiisaha iyo hantida ayaa waxay kala yihiin; wasiirka amniga iyo dadweynaha, agaasime ku xigeenka booliiska dalka Burundi, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":25268,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-25266","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25266","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=25266"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25266\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":25267,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25266\/revisions\/25267"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/25268"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=25266"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=25266"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=25266"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}