{"id":24958,"date":"2015-10-21T00:32:05","date_gmt":"2015-10-20T21:32:05","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=24958"},"modified":"2015-10-21T00:33:18","modified_gmt":"2015-10-20T21:33:18","slug":"shirkii-madasha-wadatashiga-soomaaliya-oo-lasoo-gebogebeeyey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/10\/shirkii-madasha-wadatashiga-soomaaliya-oo-lasoo-gebogebeeyey\/","title":{"rendered":"Shirkii Madasha Wadatashiga Soomaaliya Oo Lasoo Gebogebeeyey"},"content":{"rendered":"<p>Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee shalay illaa maanta ka socday magaalada Muqdisho ayaa lasoo geba gebeeyey, waxaana laga soo saaray warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii madasha ay isku raacday.<\/p>\n<p>Warmurtiyeedka oo uu warbaahinta u aqriyey wasiirka arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Odowaa, ayaa waxaa qodobada ku xusnaa ka mid ah in xubnaha ku jira madasha ay isku raceen in Soomaaliya aysan iminka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah, sidaa darteedna la qaban karo oo kaliya doorasho dadban.<\/p>\n<p>Waxaa sidoo kale ergada shirka ay isku raaceen in wada tashiga mustaqbalka Soomaaliya ay ka qeyb galaan oo go\u2019aankeeda ay yeeshaan dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee ku sugan maamul goboleedyada dalka iyo beelaha kasoo jeeda Somaliland.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay shirka Madasha ayaa sheegay in geedi socodkan cusub ee shirka madasha la isku raacay uu yahay billow wanaagsan oo mustaqbalka Soomaaliya uu helay.<br \/>\nMadaxweynaha Soomaaliya waxa kale oo uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka fogaatay in go\u2019aanka mustaqbalka Soomaaliya ay keligeed yeelato, ayna ka qeyb geliyeen dhinaco badan.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee shalay illaa maanta ka socday magaalada Muqdisho ayaa lasoo geba gebeeyey, waxaana laga soo saaray warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii madasha ay isku raacday. Warmurtiyeedka oo uu warbaahinta u aqriyey wasiirka arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Odowaa, ayaa waxaa qodobada ku xusnaa ka mid ah in xubnaha ku jira madasha ay isku raceen [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":24955,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-24958","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24958","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=24958"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24958\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":24959,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24958\/revisions\/24959"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/24955"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=24958"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=24958"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=24958"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}