{"id":24945,"date":"2015-10-19T23:07:45","date_gmt":"2015-10-19T20:07:45","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=24945"},"modified":"2015-10-19T23:15:41","modified_gmt":"2015-10-19T20:15:41","slug":"24945","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/10\/24945\/","title":{"rendered":"Shirkii 1-Aad Ee Madasha Wadatashiga Oo Maanta Ka Furmay Muqdisho."},"content":{"rendered":"<p>Magaalada Muqdishu<br \/>\nwaxaa maanta ka furmay shirkii<br \/>\nkoowaad ee golaha lagu magacaabo<br \/>\nMadasha Wadatashiga oo lagu<br \/>\nsameeyey heshiis ay bishii hore wada<br \/>\ngaadheen madaxda dawladda<br \/>\nfederaalka iyo maamul goboleedyada.<\/p>\n<p>Madasha oo ay ku jiraan<br \/>\nMadaxweynaha Soomaaliya Xasan<br \/>\nSheekh Maxamuud, Guddoomiyaha<br \/>\nBaarlamaanka Maxamed Sheekh<br \/>\nCusmaan Jawaaari, Ra\u2019iisdul Wasaare<br \/>\nCumar Cabdirashiid, wasiiro iyo<br \/>\nwakiillo ka socda Maamul Goboleedyada ayaa u xil saaran inay kasoo talo bixiso sida doorasho uga<br \/>\ndhici karto Soomaaliya sannadka<br \/>\ndambe marka ay dhammaadaan<br \/>\nmuddada afarta sano ah ee la doortay<br \/>\ndawladda iyo baarlamaanka<br \/>\nSoomaaliya.<\/p>\n<p>Furitaanka shirka ayaa waxaa<br \/>\nhareeyey muran u dhaxeeyay qaar ka<br \/>\nmid ah xubnaha ka qeyb galaya<br \/>\nkullanka, taasi oo dhalisay in laba<br \/>\nsaac uu dib u dhaco furitaanka shirka.<\/p>\n<p>Intii uu socday shirka, waxaa<br \/>\nkhudbado ka jeediyey madaxweynaha<br \/>\nSoomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,<br \/>\nmadaxweynaha Galmudug<br \/>\nCabdikariim Guuleed, madaxweynaha<br \/>\nJubaland Axmed Madoobe,<br \/>\nmadaxweynaha Koonfur Galbeed<br \/>\nShariif Xasan, madaxweynaha<br \/>\nPuntland Cabdi Weli Gaas iyo<br \/>\nguddoomiyaha baarlamanka Jawaari.<\/p>\n<p>Shirkan ayaa waxaa looga hadlayaa<br \/>\nhabraaca iyo meesha iminka Soomaaliya<br \/>\nay taagan tahay ay uga gudbi doonto<br \/>\n2016-ka iyo habka doorasho ee la qaadan<br \/>\ndoono.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Magaalada Muqdishu waxaa maanta ka furmay shirkii koowaad ee golaha lagu magacaabo Madasha Wadatashiga oo lagu sameeyey heshiis ay bishii hore wada gaadheen madaxda dawladda federaalka iyo maamul goboleedyada. Madasha oo ay ku jiraan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaaari, Ra\u2019iisdul Wasaare Cumar Cabdirashiid, wasiiro iyo wakiillo ka socda Maamul [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-24945","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24945","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=24945"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24945\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":24947,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24945\/revisions\/24947"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=24945"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=24945"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=24945"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}