{"id":24933,"date":"2015-10-16T03:24:19","date_gmt":"2015-10-16T00:24:19","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=24933"},"modified":"2015-10-16T03:26:46","modified_gmt":"2015-10-16T00:26:46","slug":"hubeynta-federaalka-ee-galmudug-oo-horseed-u-noqotay-sii-hurineyso-dagaalada-gobalada-dhexe-ee-somalia","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/10\/hubeynta-federaalka-ee-galmudug-oo-horseed-u-noqotay-sii-hurineyso-dagaalada-gobalada-dhexe-ee-somalia\/","title":{"rendered":"Hubeynta Federaalka Ee Galmudug Oo Horseed U Noqotay Sii Hurinta Dagaalada Gobalada Dhexe Ee Somalia."},"content":{"rendered":"<p>Dowladda Soomaaliya ayaa dar dar<br \/>\ngelisay hubeynta iyo taageerada militari oo ay u<br \/>\nfidineyso ciidamada maamulka dhawaan la<br \/>\ndhisay ee Galmudug kuwaasi oo dagaal kula jira<br \/>\nkooxda Ahlusunna Wal Jamaaca ee maamulka<br \/>\nka dhistay Dhuusamareeb.<\/p>\n<p>Bilihii lasoo dhaafay ayaa saad militari oo ay ku<br \/>\njiraan hubka fudud, rasaas iyo gaadiidka dagaalka<br \/>\nlaga qaaday kaydka hubka ee magaalada<br \/>\nMuqdisho iyo xarunta NISA la geeyey magaalada<br \/>\nCadaado, waxaa sidoo kale maalmihii lasoo<br \/>\ndhaafay socday dadaal darees loogu qeybinayo<br \/>\nmaleeshiyaadka uu maamulka Galmudug doonayo<br \/>\ninuu kula wareego qeybo kamid ah gobalka<br \/>\nGalgaduud.<\/p>\n<p>Abaanduulaha Ciidamada Federaalka Soomaaliya<br \/>\nee qaybta 21aad Col.Cabdullaahi Aadan Xuseen<br \/>\n(Cirro) oo booqasho ku tagay magaalada<br \/>\nCaabudwaaq ayaa darees iyo rasaas ugu geeyey<br \/>\nmaleeshiyaadka taageersan maamulka Galmudug<br \/>\nee magaaladaasi kula dagaalamay xoogaga Ahlu<br \/>\nSunna Waljamaaca.<\/p>\n<p>Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa horey<br \/>\nuga digay dhaq dhaqaaqa xukuumada Federaalka<br \/>\nku hubeenayso maamulka Galmudug ayaa<br \/>\nsheegtay inay iska difaaci doonto abaabulo uu<br \/>\ndoonayo maamulka Galmudug inuu kula wareego<br \/>\nmagaalada Dhuusamareeb.<\/p>\n<p>Maamulka Federaalka Soomaaliya oo kaliya ayaa<br \/>\nah maamulka kaliya ee si KMG ah looga qaaday<br \/>\ncunaqabateynta hubka ee saarneyd dalka<br \/>\nSoomaaliya, go\u2019aankaasi Qaramada Midoobay<br \/>\nayaa ahayd shardi in aan hubka gacanta loo gelin<br \/>\nmaleeshiyaad ama ciidamo ka baxsan kuwa<br \/>\nDowlada Soomaaliya.<\/p>\n<p>Guddiga Qaramada Midoobay ee Kormeerka<br \/>\nSoomaaliya iyo Eritereya ayaa horey ugu sheegay<br \/>\nwarbixinadoodii hore in hubka lagu wareejiyey<br \/>\ndowlada Federaalka in qeyb kamid ah u gacan-<br \/>\ngashay kooxda Al Shabaab.<\/p>\n<p>Waxaa sidoo kale horey loogu eedeeyey Dowlada<br \/>\nFederaalka in hubkeeda ay qabaa\u2019ilo si gaar ah u<br \/>\nadeegsadeen dagaaladii qabaa\u2019ilka ee ka dhacay<br \/>\ngobalada Hiiraan, Sh.Dhexe, Shabeelada Hoose<br \/>\niyo J\/Hoose.<\/p>\n<p>Hase yeeshee qalabeynta Galmudug ayaa<br \/>\nnoqoneysa markii ugu horeysay oo si aan<br \/>\nqarsoodi aheyn ay dowlada Federaalka si gaar ah<br \/>\nu hubeyso maleeshiyaad ama ciidamo aan si toos<br \/>\nah u hoos imaan dowlada dhexe ee Federaalka<br \/>\nSoomaaliya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Soomaaliya ayaa dar dar gelisay hubeynta iyo taageerada militari oo ay u fidineyso ciidamada maamulka dhawaan la dhisay ee Galmudug kuwaasi oo dagaal kula jira kooxda Ahlusunna Wal Jamaaca ee maamulka ka dhistay Dhuusamareeb. Bilihii lasoo dhaafay ayaa saad militari oo ay ku jiraan hubka fudud, rasaas iyo gaadiidka dagaalka laga qaaday kaydka hubka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":24468,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-24933","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24933","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=24933"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24933\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":24935,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24933\/revisions\/24935"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/24468"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=24933"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=24933"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=24933"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}