{"id":24875,"date":"2015-08-28T08:14:28","date_gmt":"2015-08-28T05:14:28","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=24875"},"modified":"2015-08-28T08:17:56","modified_gmt":"2015-08-28T05:17:56","slug":"muungaab-oo-dhagax-dhigay-jidad-halbowlo-u-ah-isu-socdka-magalada-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/08\/muungaab-oo-dhagax-dhigay-jidad-halbowlo-u-ah-isu-socdka-magalada-muqdisho\/","title":{"rendered":"Muungaab Oo Dhagax Dhigay Jidad Halbowlo U Ah Isu Socdka Magalada Muqdisho."},"content":{"rendered":"<p>Todobaadkan ayaa waxaa Caasimadda<br \/>\nSoomaaliya ay noqotay mid waji cusub u<br \/>\nfurmay, kadib markii Duqa Muqdisho Xasan<br \/>\nMaxamed Xuseen (Muungaab) uu dhagax<br \/>\ndhigay dib u dhiska Saddex wado oo Muqdisho<br \/>\nku taal.<\/p>\n<p>Wadooyinkan uu dhagax dhigay Duqa<br \/>\nMuqdisho ayaa ka mid ahaa wadooyinkii ku<br \/>\nbur buray dagaaladii sokeeye, halboowlana u<br \/>\nahaa isku socodka dadka iyo gaadiidka, iyadoo<br \/>\nloo arko mid muhiim u ah dib u soo kabashada<br \/>\ndhaqaalaha dalka.<\/p>\n<p>Mashruucaan ayaa ka mid ah mashaariicda<br \/>\nkala duwan ee dib u dhiska dalka oo uu<br \/>\nhormuud ka yahay maamulka Gobolka<br \/>\nBanaadir, waxaana dhawaanahan jiray<br \/>\nmashaariicyo dhowr ah oo dib loogu dhisayo<br \/>\nXarumo iyo wadooyin muhiim u ah adeegyada<br \/>\nbulshada oo ka socday caasimadda Muqdisho.<\/p>\n<p>Duqa Muqdisho ayaa dhagax dhigay saddex<br \/>\nwado oo la saari doono laami, waxaana<br \/>\ntallaabadan soo dhoweeyay bulshada<br \/>\nqeybaheeda kala duwan ee ku nool magaalada<br \/>\nMuqdisho, iyagoo sheegay inay qeyb weyn ka<br \/>\nqaadan doonto bilicda, isu socodka iyo amniga<br \/>\nCaasimadda.<\/p>\n<p>Saddexdan wado ayaa kala ah Wadada ka<br \/>\nbilaabataa Villa Soomaaliya ee u  hoobata<br \/>\nwadada Wadnaha ee Degmada Warta Nabadda,<br \/>\nWadada Taleex ee Degmada Hodan, iyo<br \/>\nWadada 4-ta Darjiin ee dhaxmarta Suuq<br \/>\nbacaad taasoo tagta is-gooyska Towfiiq ee<br \/>\nDegmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.<\/p>\n<p>Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa waxay<br \/>\nsheegayaan in marka ay timaado xiisado iyo is<br \/>\nqab-qabsi siyaasadeed in qaar badan oo ka<br \/>\nmid ah shaqooyinka dowladda uu gaabis ku<br \/>\nyimaado, balse dhismooyin wadooyin cusub oo<br \/>\nlaami ah oo laga dhiso caasimadda ayaa<br \/>\nmuujinaysa in dib u dhiska Magaalada<br \/>\nMuqdisho ay u muuqato mid aan saameyn is<br \/>\nqab-qabsiga siyaasadeed ee dalka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Todobaadkan ayaa waxaa Caasimadda Soomaaliya ay noqotay mid waji cusub u furmay, kadib markii Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) uu dhagax dhigay dib u dhiska Saddex wado oo Muqdisho ku taal. Wadooyinkan uu dhagax dhigay Duqa Muqdisho ayaa ka mid ahaa wadooyinkii ku bur buray dagaaladii sokeeye, halboowlana u ahaa isku socodka dadka iyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":20724,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-24875","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24875","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=24875"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24875\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":24876,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24875\/revisions\/24876"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/20724"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=24875"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=24875"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=24875"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}