{"id":24868,"date":"2015-08-28T07:42:24","date_gmt":"2015-08-28T04:42:24","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=24868"},"modified":"2015-08-28T07:46:08","modified_gmt":"2015-08-28T04:46:08","slug":"dooni-siday-ku-dhawaad-500-qof-oo-muhaajiriin-ah-oo-ku-quustey-xeebaha-dalka-liibiya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/08\/dooni-siday-ku-dhawaad-500-qof-oo-muhaajiriin-ah-oo-ku-quustey-xeebaha-dalka-liibiya\/","title":{"rendered":"Dooni Siday Ku Dhawaad 500-Qof Oo Muhaajiriin Ah Oo Ku Quustey Xeebaha Dalka Liibiya."},"content":{"rendered":"<p>Boqolaal qof ayaa laga cabsi qabaa in ay<br \/>\ndhinteen kaddib markii laba doonyood oo ay<br \/>\nsaarnaayeen ku dhawaad 500 oo qof oo<br \/>\nmuhaajiriin ah ay ku dagtay xeebaha<br \/>\nmagaalada Zuwara ee dalka Liibiya.<\/p>\n<p>Howlgal samatabixin ah oo lagu soo<br \/>\nbadbaadinayo mid ka mid ah doomahaasi oo<br \/>\ndegtay xilli hore oo caawa ah ayaa lagu soo<br \/>\nwarramayaa in uu halkaasi weli ka socdo.<br \/>\nDalka Liibiya kama aysan jirin dowlad dhexe<br \/>\nmuddo sanad ah, iyadoo waddanka intiisa<br \/>\nbadan ay maamulaan maleeshiyaad iska soo<br \/>\nhorjeeda.<\/p>\n<p>Labada doomood ayaa soo codsaday in la<br \/>\ncaawiyo waxyar un kaddib markii ay ka soo<br \/>\nshareecdeen xeebta Zuwara ee Galbeedka<br \/>\ndalka Liibiya.<\/p>\n<p>Mid ka mid ah doonyahaasi ayaa degtay<br \/>\nsaacadihii hore ee shalay oo Khamiis aheyd,<br \/>\nhalka doonida labaadna ay degtay xilli dambe<br \/>\nisla maalintaa.<\/p>\n<p>Ugu yaraan 20 qof oo muhaajiriin ah ayaa lagu<br \/>\nsoo waramayaa in laga soo badbaadiyay<br \/>\nlabadaasi shil.<\/p>\n<p>Waxaa soconaya howlgal baadigoob ah oo ay<br \/>\nwadaan ciidammada ilaalada xeebaha Liibiya<br \/>\noo ay ku baadi goobayaan mid ka mid ah<br \/>\ndoonyahaasi degay.<\/p>\n<p>Qof ku sugan magaalada Zuwara ayaa BBCda<br \/>\nu sheegay in ugu yaraan 100 mayd la geeyay<br \/>\nisbitaalka magaalada, kuwaas oo ay ku jiraan<br \/>\nmuwaadiniin u kala dhalatay wadammada<br \/>\nSuuriya, Bangladesh iyo dhowr dal oo ka tirsan<br \/>\ndalalka ka hooseeya saxaraha Afrika.<br \/>\nBal arrintan si madax bannaan looma xaqiijin<br \/>\nkaro.<\/p>\n<p>Ciidammada ilaalada xeebaha ee Liibiya ayey<br \/>\nxadidan tahay awadooda ay badda uga<br \/>\nsameyn karaan howgal ballaaran oo<br \/>\nsamatabixin ah.<\/p>\n<p>Inta badan dadkii saarnaa doonyahaasi ayaa<br \/>\nlaga cabsi qabaa in ay dhinteen.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Boqolaal qof ayaa laga cabsi qabaa in ay dhinteen kaddib markii laba doonyood oo ay saarnaayeen ku dhawaad 500 oo qof oo muhaajiriin ah ay ku dagtay xeebaha magaalada Zuwara ee dalka Liibiya. Howlgal samatabixin ah oo lagu soo badbaadinayo mid ka mid ah doomahaasi oo degtay xilli hore oo caawa ah ayaa lagu soo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-24868","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24868","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=24868"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24868\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":24869,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24868\/revisions\/24869"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=24868"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=24868"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=24868"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}