{"id":24852,"date":"2015-08-20T12:29:09","date_gmt":"2015-08-20T09:29:09","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=24852"},"modified":"2015-08-20T12:29:09","modified_gmt":"2015-08-20T09:29:09","slug":"beesha-caalamka-oo-ku-baaqday-joojinta-mooshinka-madaxweyne-xasan-sheikh","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/08\/beesha-caalamka-oo-ku-baaqday-joojinta-mooshinka-madaxweyne-xasan-sheikh\/","title":{"rendered":"Beesha Caalamka Oo Ku Baaqday Joojinta Mooshinka Madaxweyne Xasan Sheikh."},"content":{"rendered":"<p class=\"story-body__introduction\">Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen beesha caalamka ayaa lagu dalbaday in sidegdeg ah loo xalliyo xasaradda ka dhalatay mooshinka laga keenay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane xasan Sheekh Maxamud.<\/p>\n<p>Bayaankan oo si wadajir ah ay u soo saareen, Qaramada midoobeey, AMISOM, IGAD, midowga Yurub, Mareykanka iyo Britain, ayaa waxa ay muujiyeen sida ay uga xun yihiin mooshinka Baarlamaanka loo gudbiyay ee lagu doonayo in xilka looga qaado madaxweynaha.<\/p>\n<p>Waxa ay sheegeen in arrintaasi ay carqalad ku tahay hormarka Soomaaliya sida nabadda iyo dhismaha dowladda.<\/p>\n<p>\u201cInkastoo aan si buuxda u qadarinayno xaqa uu Baarlamaanka Federaalku u leeyahay inuu la xisaabtamo hay\u2019adaha sidaana ku guto waajibaadkiisa dastuuriga ah, gudbinta mooshin caynkan oo kale ah waxay u baahantahay daahfurnaan aad u heer sarreysa iyo hunaanta hanaanka loo marayo, waxayna qaadan doontaa waqti aad qaali u ah, gaar ahaan marka ay meesha ka maqanyihiin hay\u2019ado sharci oo lagama maarmaan ah\u201d, ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkan.<\/p>\n<p>Waxaan sidoo kale xusuusanaa in Soomaaliya iyo dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay uu waajib ka saaranyahay inay raacaan Qaraarka Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2232, oo qeexaya rajada beesha caalamka ee amniga iyo horumarka siyaasadeed ee loo baahanyahay in laga gaaro Soomaaliya, iyo baahida loo qabo hanaan doorasho ee loo dejiyo sannadka 2016ka iyadoo aan xilka loo kordhinin laamaha sharcidejinta iyo fulintaba.<\/p>\n<p>Bayaankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo baarlamaanka Soomaaliya loo gudbiyay mooshin ka dhan ah madaxweynaha oo xildhibaanada qaar ay ku doonayaan in Mr Xasan Sheekh xilka laga qaado.<\/p>\n<p>Beesha caalamku waxa ay sheegeysaa inay si joogto ah ugu ololeynayaan xasillooni siyaasadeed oo ka hana qaadda Soomaaliya si loo ixtiraamo shaqooyiinka hay\u2019adaha kala duwan ay leeyihiin.<\/p>\n<p>Waxa ay tilmaameen inay garab siinayaan in tallaabooyiin xoog leh laga qaado arrimaha musuqmaasuqa, dhaqaalahana lagu hormariyo dhinacyada amniga iyo difaaca.<\/p>\n<p>\u201cWaxaa naga go\u2019an inaan dadka Soomaaliyeed ku kaalmeyno isu diyaarinta geeddi socod doorashada ee dhacda sannadka 2016 oo aan hay\u2019ad keligeed ama cid kale oo ay arrintu khuseyso ku amartaagleyneynin,\u201d ayey bayaankan ku sheegeen beesha caalamka.<\/p>\n<p>Waxayna intaasi ku dareen \u201cHanaanka doorasho ee dhab ahaan loo dooran doono waxaa isla qaadan doona dadka Soomaaliyeed ka dib maka la maro hanaan wadatashi, ee ay ka wada qaybqaataan laamaha fulinta, sharcidejinta iyo maamul goboleedyada iyo weliba bulshada rayidka dalkoo idil,\u201d.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen beesha caalamka ayaa lagu dalbaday in sidegdeg ah loo xalliyo xasaradda ka dhalatay mooshinka laga keenay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane xasan Sheekh Maxamud. Bayaankan oo si wadajir ah ay u soo saareen, Qaramada midoobeey, AMISOM, IGAD, midowga Yurub, Mareykanka iyo Britain, ayaa waxa ay muujiyeen sida ay uga [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":24853,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-24852","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24852","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=24852"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24852\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":24860,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24852\/revisions\/24860"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/24853"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=24852"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=24852"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=24852"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}