{"id":24810,"date":"2015-07-30T12:30:28","date_gmt":"2015-07-30T09:30:28","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=24810"},"modified":"2015-07-30T12:30:28","modified_gmt":"2015-07-30T09:30:28","slug":"dad-ku-dhintay-dagaal-beeleed-ka-socda-demada-warshiiq","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/07\/dad-ku-dhintay-dagaal-beeleed-ka-socda-demada-warshiiq\/","title":{"rendered":"Dad Ku Dhintay Dagaal Beeleed Ka Socda Demada Warshiiq"},"content":{"rendered":"<div id=\"ctl00_ctl00_cpAB_cp1_cbcContentBreak\">\n<div class=\"zoomMe\">\n<p>Ugu yaraan sideed qof ayaa ku geeriyootay\u00a0 lix kalana wey ku dhaawacantay dagaal beeleed maanta ka dhacay deegaanka Ceel-Bashaqle oo ka tirsan dagmada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe<\/p>\n<p>Dagaalkan oo bilawday aroornimadii hore ee saakay ayaa waxa uu u dhaxeeyaa labo beelood oo walaalo ah oo halkaasi wada daga, kuwaasoo isku hesyta dhul daaqsimeed deegaankaasi ku yaala oo qolo waliba dhinaceeda ay sheeganeyso in ay iyadu leedahay<\/p>\n<p>Dagaalkan saakay bilawday ayaa ilaa iminka socda mana jirto cid kala dhex gashay labada beelood, waxana jirta gurmadyo ciidan oo soo gaaraya labada dhinac ee dagaalamaya, iyadoo khasaaruhuna uu sii kordhayo<\/p>\n<p>Waa markii 4-aad ee uu dib usoo laabto dagaalkan muddo todobaad gudihiis ah waxana cel celis ahaan tirada dhimashada ee labada dhinac ay gaareysaa 30 ruux sida ay xaqiijinayaan waxgaradka deegaankaasi ku dhaqan oo ay VOA-du qadka taleefanka kula xariirtay<\/p>\n<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ugu yaraan sideed qof ayaa ku geeriyootay\u00a0 lix kalana wey ku dhaawacantay dagaal beeleed maanta ka dhacay deegaanka Ceel-Bashaqle oo ka tirsan dagmada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe Dagaalkan oo bilawday aroornimadii hore ee saakay ayaa waxa uu u dhaxeeyaa labo beelood oo walaalo ah oo halkaasi wada daga, kuwaasoo isku hesyta dhul daaqsimeed deegaankaasi [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":24811,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-24810","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24810","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=24810"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24810\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":24812,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24810\/revisions\/24812"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/24811"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=24810"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=24810"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=24810"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}