{"id":24762,"date":"2015-07-18T01:04:31","date_gmt":"2015-07-17T22:04:31","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=24762"},"modified":"2015-07-18T01:24:46","modified_gmt":"2015-07-17T22:24:46","slug":"madaxweynaha-dowladda-federaalka-oo-hambalyo-ku-aadan-ciidul-fidriga-u-diray-dadweynaha-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/07\/madaxweynaha-dowladda-federaalka-oo-hambalyo-ku-aadan-ciidul-fidriga-u-diray-dadweynaha-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha Dowladda Federaalka Oo Hambalyo Ku Aadan Ciidul Fidriga U Diray Dadweynaha Soomaaliya."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga.<br \/>\nMadaxweynaha ayaa sheegay in bishii Ramadaan ee kheyrka badneyd uu Ilaahay dadka naxariis ballaaran u fidiyo, loona baahan yahay shacabka Soomaaliyeed iyagoo taas la shidaal qaadanaya inay is cafiyaan, isu naxariistaan, isuna gargaaraan munaasabadda Ciidul Fidriga awgeed.<br \/>\n\u201cIlaahay ha inaga aqbalo soonka iyo cibaaddada kale ee aan la nimid bisha Ramadaan, shacabka Soomaaliyeedna Ilaahay ha siiyo raxmad, nabad iyo caddaalad. Inagoo ka faa\u2019ideysaneyna munaasabaddan weyn ee kheyrka leh, waxaan Soomaalida ugu baaqayaa inay ka shaqeeyaan dib u heshiisiinta, nabad ku wada noolaansho iyo in la iska ilaabo wixii tegey Ilaahay dartiisa, si aan wanaagga aan hadda haysano mid ka sii sareysa u gaarno\u201d, ayuu yiri Madaxweynaha.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadley xaaladda guud ee waddanka, isagoo sheegay in wax badan la qabtey, wax badanna ay dhiman yihiin, si hawshaasi adag loo qabtana loo baahan yahay in Soomaalida ay la yimaadaan fikir, isku duubni iyo wada shaqeyn joogto ah oo waddanka lagu horumarin karo.<\/p>\n<p>\u201cSoomaaliya si tartiib tartiib ah ayay uga gudbeysaa waayihii mugdiga ee la soo marey. Si aan horumar u gaarno waxaa khasab ah in talada la wadaago. Siyaasad ama go\u2019aan koox gaar ah ay wadato waddankan laguma hoggaamin karo, meelnaa laguma gaari karo. Waxaan wax ku noqon karnaa, meelna ku gaari karnaa inagoo wadatashana, caddaalad ku dhaqanna, iyo inaan dowladnimada iyo sharciga taageerno\u2019\u2019.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale baaq u direy maliishiyaadka kooxda Al Shabaab, isagoo sheegay in ciddii ka waantowda amaba ka harta dagaal wax ku raadinta , nabaddana taageerta ay dowladda cafis u fidineyso , una fududeyneyso inay dib shacabka uga mid noqdaan.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan ugu baaqayaa maliishiyada Al Shabaab in weli albaadada cafiska ay furan yihiin, fursadna loo siinayo inay shacabkooda dhinac ka raacaan. Waddankan dhibaato ku filan ayuu soo marey, umana baahna in mid kale loogu sii daro. Waxaan idin kaga digayaa inaad ku dhimataan xaalad aad waddankiina iyo shacabkiina cadow ku tihiin oo aad baabi\u2019ineysaan. Taasina aakhiro iyo adduunba, wax kuma heleysaan. Kuwii horey idin ka soo goostey, dowladda way soo dhoweysey, mana jirto cid wax loo geystey ama la ciqaabey. Marka waa inaad ka faa\u2019ideysataan fursaddan weli idin furan,\u2019\u2019 ayuu yiri Madaxweynaha.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed Ilaahay uga baryey in ciiddan ciiddeeda kale ay ku gaaraan , nabad, horumar ,barwaaqo iyo midnimo.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa sidoo kale munaasabadda Ciiidul Fidriga awgeed khadka telefonka kula xiriirey madaxda dunida Islaamka qaarkood, oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga. Madaxweynaha ayaa sheegay in bishii Ramadaan ee kheyrka badneyd uu Ilaahay dadka naxariis ballaaran u fidiyo, loona baahan yahay shacabka Soomaaliyeed iyagoo taas la shidaal qaadanaya inay is cafiyaan, isu naxariistaan, isuna gargaaraan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":24765,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-24762","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24762","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=24762"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24762\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":24764,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24762\/revisions\/24764"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/24765"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=24762"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=24762"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=24762"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}