{"id":24619,"date":"2015-06-03T02:20:00","date_gmt":"2015-06-02T23:20:00","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=24619"},"modified":"2015-06-06T20:34:26","modified_gmt":"2015-06-06T17:34:26","slug":"cumar-crashiid-oo-cadaado-kula-kulmay-haweynka-ka-soo-jeeda-gobolada-dhexe","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/06\/cumar-crashiid-oo-cadaado-kula-kulmay-haweynka-ka-soo-jeeda-gobolada-dhexe\/","title":{"rendered":"Cumar C\/rashiid Oo Cadaado Kula Kulmay Haweynka Ka Soo Jeeda Gobolada Dhexe."},"content":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa kulan balaaran xalay la qaatay Haweenka ka qayb galaya shirka maamul u samaynta Gobolada Dhexe iyo ururada haweenka ee degmada Cadaado.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey haweenkii uu la kulmay kaalinta muuqata ay ku dhex leeyihiin bulshada, laga soo bilaabo ilaalinta iyo barbaarinta qoyska ilaa siyaasadda oo haweenka Soomaaliyeed ay door fir-fircoon ka qaataan nabadaynta iyo horumarka dalka.<\/p>\n<p>\u201cWaxyaalaha xukuumadaydu mudnaanta siisay ayaa saldhig u ah in ay Haweenku kaalin muuqata ka galaan siyaasada dalka lagu hogaaminayo, waxaana taas daliil u ah safiiradii ugu danbeeyey ee la magacaabay waxaa kamid ahaa laba Haween ah, sidoo kale xukuumadayda haweenku waxay ku leeyihiin sadex Wasiir oo buuxa, waxaan idinka rajaynayaa in shirkaan maanta loo fadhiyo aad ka qaadataan kaalintiin, kana heshaan xuquuqdiina, madaama aad laf dhabar u tihiin horumarka bulshada\u201d ayuu yiri RW Sharmarke.<\/p>\n<p>Sidoo kale Ra\u2019iisul Wasaaraha ay xalay ilaa shalay kulamo gooni gooni ah la lahaa qabiilada iyo ergoonyinka shirka si xal looga gaaro tabashooyinka ay muujinayaan qabiilada qaar, waxaana kulamadaas ku soo idlaadeen is faham.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare Cumar ayaa degmada Cadaado u tagay inuu furo wajiga labaad ee shirka maamul u samaynta Gobolada Dhexe, taas oo qayb ka ah dadaalka xukuumaddu ugu jirto sidii loo xaqiijin lahaa higsiga 2016.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa kulan balaaran xalay la qaatay Haweenka ka qayb galaya shirka maamul u samaynta Gobolada Dhexe iyo ururada haweenka ee degmada Cadaado. Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey haweenkii uu la kulmay kaalinta muuqata ay ku dhex leeyihiin bulshada, laga soo bilaabo ilaalinta iyo barbaarinta qoyska [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":24637,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-24619","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24619","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=24619"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24619\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":24638,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24619\/revisions\/24638"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/24637"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=24619"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=24619"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=24619"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}