{"id":24586,"date":"2015-05-24T00:48:56","date_gmt":"2015-05-23T21:48:56","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=24586"},"modified":"2015-05-24T00:48:56","modified_gmt":"2015-05-23T21:48:56","slug":"al-shabaab-oo-isaga-baxday-deegaanada-awdheegle-iyo-mubaarak-kaib-weerar-culus-ay-saakay-kula-wareegeen","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/05\/al-shabaab-oo-isaga-baxday-deegaanada-awdheegle-iyo-mubaarak-kaib-weerar-culus-ay-saakay-kula-wareegeen\/","title":{"rendered":"Al-Shabaab Oo Isaga Baxday Deegaanada Awdheegle Iyo Mubaarak Kaib Weerar Culus Ay Saakay Kula Wareegeen."},"content":{"rendered":"<p class=\"story-body__introduction\">Ciidammada dawladda Soomaaliya ayaa dib ula wareegay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelada Hoose kaddib markii ay halkaasi isaga baxeen ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo saaka dagaal culus kula wareegay deegaanada Awdheegle iyo Mubaarak.<\/p>\n<p>Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, C.D ayaa BBCda u sheegay in ay haatan ciidammada dowladda gacanta ku hayaan magaalada.<\/p>\n<p>Goor sii horreysay ayaa dad ku nool deegaankaasi waxa ay sheegeen in dagaalyahanada Al-Shabaab ay degmadaasi Awdheegle qabsadeen arooryadii hore.<\/p>\n<p>Sidoo kale waxa ay qabsadeen deegaanka Mubaarak ee isla Shabeelaha Hoose.<\/p>\n<p>Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa goor hore BBCda u sheegay in dagaal faraha looga gubtay uu halkaasi ka dhacay.<\/p>\n<p>Balse waxa uu ka gaabsaday in uu sheego tirada ciidammadooda halkaas kaga dhimatay, isagoo tilmaamay in ay jiraan dhimasho iyo dhaawacba balse ay weli ku jiraan uruurintii iyo tirakoobkii.<\/p>\n<p>Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa dhankiisa sheegay in ugu yaraan 25 askari oo ka tirsan ciidammada dowladda ay dagaalkaasi ku dileen kuna qabsadeen saad milateri.<\/p>\n<p>Quwaddii Al-Shabaab ayaa sanadihii la soo dhaafay waxaa wiiqay ciidammada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya beesha caalamka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ciidammada dawladda Soomaaliya ayaa dib ula wareegay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelada Hoose kaddib markii ay halkaasi isaga baxeen ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo saaka dagaal culus kula wareegay deegaanada Awdheegle iyo Mubaarak. Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, C.D ayaa BBCda u sheegay in ay haatan ciidammada dowladda gacanta ku hayaan magaalada. Goor [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":24587,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-24586","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24586","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=24586"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24586\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":24588,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24586\/revisions\/24588"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/24587"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=24586"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=24586"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=24586"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}