{"id":24503,"date":"2015-05-14T23:20:53","date_gmt":"2015-05-14T20:20:53","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=24503"},"modified":"2015-05-16T01:14:01","modified_gmt":"2015-05-15T22:14:01","slug":"riwaan-xaji-cwalixukuumadda-soomaaliya-waxa-ka-goan-iney-gacan-adag-kaga-hortagto-falalka-ay-gaystaan-kooxaha-xagjirka-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/05\/riwaan-xaji-cwalixukuumadda-soomaaliya-waxa-ka-goan-iney-gacan-adag-kaga-hortagto-falalka-ay-gaystaan-kooxaha-xagjirka-ah\/","title":{"rendered":"Ridwaan Xaji C\/wali:\u201cXukuumadda Soomaaliya Waxa Ka Go\u2019an Iney Gacan Adag Kaga Hortagto Falalka Ay Gaystaan Kooxaha Xagjirka Ah\u201d"},"content":{"rendered":"<p>Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliye ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaan shir gudoominayey Ra\u2019iisul Wasaare ku xigeenka ahna kusimaha Ra\u2019iisul Wasaaraha mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa looga hadlay arimaha qaxootiga, sharciga la dagaalanka argagaxisada iyo arrimaha amnig.<\/p>\n<p>Golaha wasiirada ayaa dood dheer ka yeeshay sharciga la dagaalanka aragaxisada oo ka mid ahaa shuruuc ay xukuumadii hore dib uga soo celisay golaha Barlamaanka, sharcigan ayaa maanta goluhu si buuxda u ansixiyeen, iyadoo lagu salaynaayo baahida amniga ee waqtigaan la joogo dalku ku sugan yahay iyo halista argagaxisadu ku hayso muwaadiniinta Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in golaha wasiiradu ay meel mariyeen sharciga la dagaalanka argagaxisda \u201csida la socotaan waxay argagaxisadu halis ku tahay nabadgalyada gobolka iyo mida caalamka oo dhan, Argagaxisadu waxay caado ka dhigteen falal waxashnimo ah oo lidi ku ah dadka rayidka ah, iyo khal khal galinta horumarada kala duwan ee dalka kajira, iyaga oo ka soo horjeeda xaqa qofka Soomaaliga ah u leeyahay inuu sameeyo horumar.<\/p>\n<p>Waxay weeraro joogta ah ku qaadan goobaha shacabku dagan yahay, waxaana xukuumadda Soomaaliya ka go\u2019an iney gacan adag uga hortagto falalka ay gaysteen kooxaha xagjirka ah\u201d ayuu yiri Afhayeenka Xukuumaddu.<\/p>\n<p>Wasiirka amniga gudaha oo dhankiisa ka warbixiyey amniga dalka ayaa sheegay in dowladu muujinayso feejignaan marka la fiiriyo dhibaatoyinka ka jira dalka Yemen, taas oo suurtagal ka dhigi karta iney Soomaaliya u soo talaabaan kooxaha xagjirka ah, iyo in dalka ay soo galaan hub sharci daro ah.<\/p>\n<p>Sidoo kale Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha ayaa ka warbixiyey safar ay ku tageen magaalada Kismaayo isaga iyo madaxa ugu sareeya Hay\u2019ada Qaxootiga Aduunka Antonio Gutteres, waxayna ka wada hadleen qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya, iyo kuwo dalka dibadiisa ka soo noqonaya, sidoo kale wasiirka ayaa sheegay iney isla soo qaadeen sidii gacan ban\u2019iadanimo loogu fidin lahaa qaxootiyada ka soo barakacaya dalka Yemen ee soo gaaraya magaalooyinka Boosaaso iyo Berbera.<\/p>\n<p>Ugu danabayntii Golaha wasiirada ayaa kulakooda ku ansixyey lacag gaaraysa 100,000 doollar. oo la doonayo in lagu hormariyo qalab looga hortagayo fal-dambiyeedyada, qalabkaas ayaa sahli kar inuu wax weyn ku soo kordhiyo baarista danabiyda aan loo hayn cadaymo rasmi ah.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliye ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaan shir gudoominayey Ra\u2019iisul Wasaare ku xigeenka ahna kusimaha Ra\u2019iisul Wasaaraha mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa looga hadlay arimaha qaxootiga, sharciga la dagaalanka argagaxisada iyo arrimaha amnig. Golaha wasiirada ayaa dood dheer ka yeeshay sharciga la dagaalanka aragaxisada oo ka mid ahaa shuruuc ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":21983,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-24503","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24503","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=24503"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24503\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":24517,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24503\/revisions\/24517"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/21983"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=24503"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=24503"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=24503"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}