{"id":24449,"date":"2015-05-10T22:40:15","date_gmt":"2015-05-10T19:40:15","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=24449"},"modified":"2015-05-10T23:06:18","modified_gmt":"2015-05-10T20:06:18","slug":"xulalka-somalia-iyo-rwanda-oo-ku-kulmay-djibouti-1-1na-ku-kala-baxay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/05\/xulalka-somalia-iyo-rwanda-oo-ku-kulmay-djibouti-1-1na-ku-kala-baxay\/","title":{"rendered":"Xulalka Somalia Iyo Rwanda Oo  Ku Kulmay  Djibouti, 1-1,na Ku Kala Baxay,."},"content":{"rendered":"<p>Xulka Soomaaliya ayaa barbardhac ka helay dhigiisa Rwanda kulan qurux badan oo ka dhacay dalka Djabouti waxeyna ciyaarta kusoo dhamaatay 1-1 waqtigii loogu tala galay inkastoo wadarta guud ee kulamada labada ah ee ay labada xul isku noqdeen ay ku dhamaatay 3-1 oo ay Rwanda kusoo baxday.<\/p>\n<p>Sona Isaie ayaa daqiiqadii 4-aad ee ciyaarta hogaanka u dhiibay xulka Rwanda isagoo ka faa\u2019iideeyay kubad dhex tuur ah oo la siisay, si qurux badana ugu gooyay goolhaye Mustaf tasoo u sahashay inuu si fudud kubada shabaqa u taabsiiyo.<\/p>\n<p>Xulka Rwanda ayaa aad uga firfircoonaa dhigiisa soomaaliya qeybta hore ciyaarta iyadoo dhowr jeer oo kale ay u dhawaadeen iney gool labaad dhaliyaan balse uma suuragalin.<\/p>\n<p>Qeybta hore ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1, oo ay ku hogaaminayaan xulka Rwanda oo marti ku ahaa Djabouti, balse markii la isku soo laabtay Soomaalida ayaa waji cusub la yimid kuwaas oo fursad abuur bilaabay.<\/p>\n<p>Ma Suuragalin iney gool helaan ilaa daqiiqadii 75-aad ee ciyaarta markaas oo gool barbardhac ah uu Dhaliyay Cabaas xidiga la yiraahdo ee ka tirsan kooxda Dekedda ee ka tirsan kooxaha heerka koowaad ee horyaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Dhowr jeer ayey Soomaalid au dhawaadeen iney helaan goolal kale iyagoo fursado qurux badan abuuray markii ay heleen goolka kadib balse uma suuragalin.<\/p>\n<p>Ugu dambeyntiina natiijada ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1-1, balse wadar ahaan labadii lug ee la ciyaaray waxey isku cel-celis noqotay 3-1 oo ay guusha ku raacday Rwanda.<\/p>\n<p>Natiijadaan ayaa ka dhigeysa in xulka Rwanda ay ugu gudbayaan wareega xiga ee isreeb-reebka iyagoo ku beegmaya xulka Uganda waxaana kii soo baxa labadaas dal meel usii fadhiya xulka Egypt.<\/p>\n<p>Xulka Soomaaliya boorsooyinkooda wey soo xir-xiranayaan waxeyna dib ugu soo laaban doonaan dalka madama ay ka hareen tartanka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xulka Soomaaliya ayaa barbardhac ka helay dhigiisa Rwanda kulan qurux badan oo ka dhacay dalka Djabouti waxeyna ciyaarta kusoo dhamaatay 1-1 waqtigii loogu tala galay inkastoo wadarta guud ee kulamada labada ah ee ay labada xul isku noqdeen ay ku dhamaatay 3-1 oo ay Rwanda kusoo baxday. Sona Isaie ayaa daqiiqadii 4-aad ee ciyaarta hogaanka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":24454,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-24449","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24449","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=24449"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24449\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":24450,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24449\/revisions\/24450"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/24454"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=24449"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=24449"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=24449"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}