{"id":24299,"date":"2015-04-26T23:30:15","date_gmt":"2015-04-26T20:30:15","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=24299"},"modified":"2015-04-26T23:30:15","modified_gmt":"2015-04-26T20:30:15","slug":"xildhibaan-cqaadir-cosoble-oo-kasoo-hor-jeestay-hadal-dhawaan-ka-soo-yeeray-guddoomiye-jawaari","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/04\/xildhibaan-cqaadir-cosoble-oo-kasoo-hor-jeestay-hadal-dhawaan-ka-soo-yeeray-guddoomiye-jawaari\/","title":{"rendered":"Xildhibaan C\/qaadir Cosoble Oo Kasoo Hor Jeestay Hadal Dhawaan Ka Soo Yeeray Guddoomiye Jawaari."},"content":{"rendered":"<p>C\/qaadir Cosoble Oo Ah\u00a0shaqsi u ololeynaya Maamul U Sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe,Sidoo Kalena Ah Xildhibaan \u00a0ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa kasoo horjeestay warqadii Guddoomiyaha Baarlamaanka uu qoray ee ku saabsaneyd in Gobolka Banaadir aan la raacineyn Maamulka loo sameynaayo Sh.dhexe iyo Hiiraan.<\/p>\n<p>Xildhibaan C\/qaadir Cosoble wuxuu doonayaa in Gobolka Banaadir lagu daro Maamulka loo sameynaayo Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, wuxuuna ku doodayaa in Banaadir dadka ku nool ay u baahan yihiin ka qaybgalka hanaanka Federaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Sidoo Kale Waxa uu sheegay Xildhibaan Cosoble in Gobolka Banaadir ay ku nool yihiin dad gaaraya qiyaastii 3-milyan, iyadoo taasi ay jirto ayuu sheegay inaysan suuragal aheyn in dadkaasi aanay ka qaybgalin Federaalka ama wax la qaybsan Gobolada dalka Soomaaliya, wuxuuna arintaasi ku tilmaamay mid xadgudub ah.<\/p>\n<p>\u201cGobolka Banaadir wuxuu ka mid yahay 18-ka Gobol ee dalka ka jira, waxaana muhiim ah in uu ka qaybgalo Nidaamka Federalka.\u201d Ayuu yiri Xildhibaan C\/qaadir Cosoble Cali.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari warqad uu u qoray Madaxweynaha iyo Ra\u2019iisul Wasaaraha, ayaa wuxuu kaga digay in Gobolka Banaadir aan lagu darin Maamulka loo sameynaayo Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.<\/p>\n<p>Dastuurka qabyo qoraalka ah ee dalka Soomaaliya ayaa dhigaayo in labo Gobol iyo wixii ka badan ay sameysan karaan Maamul Goboleed, lama oga hadii Banaadir laga reebo Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, sida Banaadir kaliya Maamul Goboleed loogu sameynaayo, maadaama Dastuurka uusan dhigeyn in hal Gobol Maamul uu sameysan karo.<\/p>\n<p>Hadalkaan ayuu Xildhibaan C\/qaadir Cosoble wuxuu ka sheegay wareysi uu siiyay Idaacada Mustaqbal ee Magaalada Muqdisho.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>C\/qaadir Cosoble Oo Ah\u00a0shaqsi u ololeynaya Maamul U Sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe,Sidoo Kalena Ah Xildhibaan \u00a0ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa kasoo horjeestay warqadii Guddoomiyaha Baarlamaanka uu qoray ee ku saabsaneyd in Gobolka Banaadir aan la raacineyn Maamulka loo sameynaayo Sh.dhexe iyo Hiiraan. Xildhibaan C\/qaadir Cosoble wuxuu doonayaa in Gobolka Banaadir lagu daro Maamulka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-24299","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24299","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=24299"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24299\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":24300,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24299\/revisions\/24300"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=24299"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=24299"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=24299"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}