{"id":24287,"date":"2015-04-26T05:59:48","date_gmt":"2015-04-26T02:59:48","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=24287"},"modified":"2015-04-26T06:03:34","modified_gmt":"2015-04-26T03:03:34","slug":"raiisul-wazaare-cumar-crashiid-oo-ka-hadlay-natiijadii-kulankii-arrimaha-qaxootiga-ku-nool-kenya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/04\/raiisul-wazaare-cumar-crashiid-oo-ka-hadlay-natiijadii-kulankii-arrimaha-qaxootiga-ku-nool-kenya\/","title":{"rendered":"Ra&#8217;iisul Wazaare Cumar C\/rashiid Oo Ka Hadlay Natiijadii Kulankii Arrimaha Qaxootiga Ku Nool Kenya"},"content":{"rendered":"<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-23926\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2015\/02\/77777777-150x150.jpg\" alt=\"77777777\" width=\"150\" height=\"150\" \/>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C\/rashiid Cali Sharmaarke, oo socdaal shaqo ku gaaray dalalka Kenya iyo Ethiopia ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxaana kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Aaden Cadde, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Saraakiil iyo dadweyne kale.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in madaxda Kenya ay kala hadleen xaaladdaha qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool iyo xayiraadaha lagu soo rogay qaar kamid ah xawaaladaha Soomaalidu leedahay, wuxuna xusay in dowladda Kenya ay u muujiyeen sida ay uga xun yihiin xawaaladaha la xiray oo nolol u ahaa boqolaal kun oo Soomaali ah oo ku nool dalka Kenya.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan u muujinay in adeega xawaaladuhu ay ku tiirsan yihiin nolosha boqolaal kun oo Soomaali ah, kuwaas oo ku nool lacagaha ehelkoodu uga soo diraan dibadda. Waxaana kala hadalnay dowladda Kenya in dib loo furo Xawaaladaha, waxana rajeynaynaa in todobaadyada soo socda dib u howlgeli doonaan, iyagoo waafaqsan shuruucda ay\u00a0 ku shaqeeyaan Bangiyadu\u201d ayuu yiri R.W Sharmarke.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare Cumar, ayaa sidoo kale sheegay\u00a0 in dowladda Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR ay ka wada shaqayn doonaan sida ugu haboon ee qaxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab loogu soo celin karo dalkooda ay tahay mid u baahan in si wada jir ah laysaga kaashado, dibna loogu soo celiyo marka ugu horeysa ee la xaqiijiyo amnigooda, noloshooda iyo meelaha ku haboon ee ay dagi lahaayeen.<\/p>\n<p>\u201cSoo celinta qaxootigu ma noqon doonto khasab, waxay noqon doontaa mid loo gogol xaaro goobaha ay dagayaan lagana fekero amniga iyo noloshooda kale, arrinta qaxootiga ee la yiri saddex bilood ha lagu celiyo ma jireyso insha allah, waxaana si wadajir ah uga shaqayn doonaa sidii dadkaas Soomaaliyeed ee dalkooda uga cararay amni darida ay si nabad ah ugu soo noqon lahaayeen\u201d ayuu yiri R\/Wasaare Cumar.<\/p>\n<p>Ugu danbeyntii Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa sheegay in qul-qulka dhalinyarada tahriibka u ah qaarada Yurub oo\u00a0\u00a0 ku geeriyoonaysa\u00a0 maalin kasta bada u dhaxaysa Liibiya iyo Talyaaniga ay laga maarmaan tahay iney aaminaan dalkooda kana qayb qaataan dagaalka lagula jiro kooxda nabad diidka ah oo shacabka Soomaaliyeed\u00a0 u diidan iney nolol helaan.<\/p>\n<p>\u2014DHAMAAD\u2014<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C\/rashiid Cali Sharmaarke, oo socdaal shaqo ku gaaray dalalka Kenya iyo Ethiopia ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxaana kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Aaden Cadde, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Saraakiil iyo dadweyne kale. Ra\u2019iisul Wasaaraha oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":23926,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-24287","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24287","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=24287"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24287\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":24291,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24287\/revisions\/24291"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/23926"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=24287"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=24287"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=24287"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}