{"id":24233,"date":"2015-04-22T20:40:07","date_gmt":"2015-04-22T17:40:07","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=24233"},"modified":"2015-04-22T20:40:07","modified_gmt":"2015-04-22T17:40:07","slug":"madaxweynaha-soomaaliya-oo-war-kasoo-saaray-falkii-ay-kooxda-isis-ku-gowraceen-masiixiyiin-u-dhashay-itoobiya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/04\/madaxweynaha-soomaaliya-oo-war-kasoo-saaray-falkii-ay-kooxda-isis-ku-gowraceen-masiixiyiin-u-dhashay-itoobiya\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha Soomaaliya oo War kasoo saaray Falkii ay Kooxda ISIS ku gowraceen Masiixiyiin u dhashay Itoobiya"},"content":{"rendered":"<div id='gallery-1' class='gallery galleryid-24233 gallery-columns-3 gallery-size-thumbnail'><figure class='gallery-item'>\n\t\t\t<div class='gallery-icon landscape'>\n\t\t\t\t<a href='https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/04\/madaxweynaha-soomaaliya-oo-war-kasoo-saaray-falkii-ay-kooxda-isis-ku-gowraceen-masiixiyiin-u-dhashay-itoobiya\/attachment\/333333333333333333333\/'><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"150\" height=\"150\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2015\/04\/333333333333333333333-150x150.jpg\" class=\"attachment-thumbnail size-thumbnail\" alt=\"\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2015\/04\/333333333333333333333.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2015\/04\/333333333333333333333-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a>\n\t\t\t<\/div><\/figure>\n\t\t<\/div>\n\n<p><span class=\"Apple-style-span\">Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa cambaareeyay falka foosha xun ee ay ku kaceen maliishiyaadka ururka ISIL oo dalka Libya ku diley in ka badan 20 qof oo Masiixiyiin ah oo u dhashey Ethiopia bishan April 19-keeda.<\/span><\/p>\n<p>\u201cDowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa falkan waxashnimada ah. Falkan ay ku kacdey kooxdan argagixisada ah waa dembi weyn oo bahalnimo ah. Falkani waa burcadnimo la huwiyey magaca aydoloojiyad aan waxba ka jirin. Waxaa cad in kooxda ISIL ujeeddadeedu ay tahay oo keliya inay faafiso fariin waxashnimo iyo dhibaateynta dad aan waxba galabsan. Waa dembiileyaal ka soo horjeeda ilbaxnimada; waa bahalo quuta dhiigga wiilasheena iyo gabdhaheena,\u201d ayuu yiri madaxweynaha.<\/p>\n<p>Madaxweynaha waxaa sidoo kale uu sheegay in argagixisanimada ay tahay khatar caalami ah, oo u baahan in si wadajir ah waajib la isaga saaro sidii loola tacaali lahaa. Waxaa uu intaa ku darey in Soomaaliya oo ah dal ay waxyeelo uu ka soo gaarey falal argagixisonimo, ay si dhow ula shaqeyn doonto beesha caalamka si loo burburiyo kooxaha argagixisada.<\/p>\n<p>\u201cSoomaaliya waxay balanqaadeysaa waajibaadka ka saaran la shaqeynta waddamada Afrika, isla markaana aysan aqbali doonin in kooxaha argagixisada ay gabbaad ka dhigtaan waddanka. Waxaan u taaganahay inaan waddamada Afrika kala shaqeyno baahida sugidda amniga. Waxaan garab taaganahay mabaadii\u2019da caalamiga ah ee dhowrista xoriyadda, in laga hortago tacaddiyada, taageerada ku dhaqanka sharciga iyo xuquuqda aadanaha,\u201d ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Madaxweynaha.<\/p>\n<p>-DHAMMAAD-<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa cambaareeyay falka foosha xun ee ay ku kaceen maliishiyaadka ururka ISIL oo dalka Libya ku diley in ka badan 20 qof oo Masiixiyiin ah oo u dhashey Ethiopia bishan April 19-keeda. \u201cDowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa falkan waxashnimada ah. Falkan ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":24234,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-24233","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24233","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=24233"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24233\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":24235,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24233\/revisions\/24235"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/24234"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=24233"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=24233"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=24233"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}