{"id":24177,"date":"2015-04-21T00:00:56","date_gmt":"2015-04-20T21:00:56","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=24177"},"modified":"2015-04-22T14:22:13","modified_gmt":"2015-04-22T11:22:13","slug":"qarax-loo-adeegsaday-gaari-laga-soo-buuxiyey-walxaha-qarxa-oo-lagu-weeraray-maqaaxi-ku-taala-degmada-xweyne","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/04\/qarax-loo-adeegsaday-gaari-laga-soo-buuxiyey-walxaha-qarxa-oo-lagu-weeraray-maqaaxi-ku-taala-degmada-xweyne\/","title":{"rendered":"Qarax Loo Adeegsaday Gaari Laga Soo Buuxiyey Walxaha Qarxa Oo Lagu Weeraray Maqaaxi Ku Taala Degmada X\/weyne."},"content":{"rendered":"<p>Burbur xoogan, ayaa maqaaxida Banooda ka soo gaaray weerarkii gaariga loo adeegsaday, ee duhurnimadii maanta ka dhacay afaafka hore ee maqaaxidaasi, oo ku taala Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir.<\/p>\n<p>Gaari nooca raaxada ahaa oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, lana soo dhigay albaabka hore ee maqaaxida, ayaa markeliya jug culus sameeyay, xilli maqaaxida uu ka jiray mashruuc xoogan, xilligii qadada oo qaraxaasi lagu soo beegay awadeed.<\/p>\n<p>Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in maqaaxida la weeraray ay fariisan jireen Shaqaalaha Madaxtooyada iyo Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Federalka Somaliya. Waxaana la tilmaamay in bartilmaameydku uu iyagu ahaa.<\/p>\n<p>Laakiin weerarkaasi, ayaa wuxuu khasaaraha xoogiisu ka soo gaaray dad rayid ah, waxaana dadka ku dhintay ka mid ah laba wiil oo kabaha caseeye (Baalashle-yaal). Sidoo kalana waxaa jira haween ku sugnaa halkaasi oo ku geeriyooday, iyadoo haweenka dhintay ay ku jiraan kuwo shidaalka halkaasi ku iibin jiray.<\/p>\n<p>Haweeneydii maqaaxida laheyd oo magaceeda lagu sheegay Maryan, ayaa ka mid ahayd dadkii ku dhintay qaraxaasi, iyadoo si xun ugu waxyeelooday qaraxa.<\/p>\n<p>Madaxa gaadiidka gurmadka degdegga ee Magaalada Muqdisho C\/qaadir C\/raxmaan Aadan, ayaa sheegay inay halkaasi ka qaadeen meydadka afar ruux oo rayid ah iyo dhaawacyada lix kale. Wuxuuna meesha ka saaray Masuuliyiin Dowladda ka tirsan oo qaraxaasi ay waxyeelo ka soo gaartay.<br \/>\nSuxufiyiinta Magaalada Muqdisho, ayaa soo sheegaya inay arkayn ugu yaraan dhimashada sideed ruux iyo dhaawacyada tiro kale, loona qaaday goobaha caafimaadka ee Caasimadda ku yaala.<\/p>\n<p>Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliya Qaasim Axmed Rooble oo shir jaraa\u2019id ku qabtay halka uu qaraxu ka dhacay, ayaa Ururka Gumaadka Ummada Somaliyeed (UGUS) ku eedeeyay weerarka lagu qaaday maqaaxida Banooda.<\/p>\n<p>\u201cWaad aragtaan sida kooxda UGUS ay u caadeysteen inay daadiyan dhiigga shacabka Somaliyeed. Waa niman arxanlaawe-yaal ah, oo cid ay dhaafayan aysan jirin.\u201d Ayuu yiri Qaasim Axmed Rooble.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Burbur xoogan, ayaa maqaaxida Banooda ka soo gaaray weerarkii gaariga loo adeegsaday, ee duhurnimadii maanta ka dhacay afaafka hore ee maqaaxidaasi, oo ku taala Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir. Gaari nooca raaxada ahaa oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, lana soo dhigay albaabka hore ee maqaaxida, ayaa markeliya jug culus sameeyay, xilli maqaaxida uu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":24199,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-24177","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24177","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=24177"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24177\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":24178,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24177\/revisions\/24178"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/24199"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=24177"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=24177"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=24177"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}