{"id":24158,"date":"2015-04-14T12:24:06","date_gmt":"2015-04-14T09:24:06","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=24158"},"modified":"2015-04-14T12:24:06","modified_gmt":"2015-04-14T09:24:06","slug":"saraakiisha-dowladda-ee-ggedo-oo-sheegay-inay-ku-howlan-yihiin-sidii-loo-soo-furin-lahaa-shaqaalaha-u-shaqeeya-hayadda-solidarity","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/04\/saraakiisha-dowladda-ee-ggedo-oo-sheegay-inay-ku-howlan-yihiin-sidii-loo-soo-furin-lahaa-shaqaalaha-u-shaqeeya-hayadda-solidarity\/","title":{"rendered":"Saraakiisha Dowladda ee G\/gedo oo sheegay inay ku howlan yihiin sidii loo soo furin lahaa Shaqaalaha u shaqeeya Hay\u2019adda Solidarity"},"content":{"rendered":"<div id='gallery-1' class='gallery galleryid-24158 gallery-columns-3 gallery-size-thumbnail'><figure class='gallery-item'>\n\t\t\t<div class='gallery-icon landscape'>\n\t\t\t\t<a href='https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/04\/saraakiisha-dowladda-ee-ggedo-oo-sheegay-inay-ku-howlan-yihiin-sidii-loo-soo-furin-lahaa-shaqaalaha-u-shaqeeya-hayadda-solidarity\/1-57\/'><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"150\" height=\"150\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2015\/04\/11.jpg\" class=\"attachment-thumbnail size-thumbnail\" alt=\"\" \/><\/a>\n\t\t\t<\/div><\/figure>\n\t\t<\/div>\n\n<p>Kadib markii maalin ka hor Ururka Shabaab ay afduubteen shaqaalo u shaqeynaayay Hay\u2019adda Solidarity ee fadhigeeda uu yahay Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, ayaa Saraakiisha ciidamada Dowladda waxa ay sheegayaan ina ku howlan yihiin sidii ay usoo furan lahaayeen Shaqaalahaasi.<br \/>\nShaqaalahan ayaa laga afduubtay xilli ay ka ambabaxeen Degmada Ceelwaaq, kuna sii jeedeen deegaanka Faa-faaxdhuun, waxaana loo galay meel ku dhow Faa-faaxdhuun, waxaana loola dhaqaaqay dhinaca Degmada Baardheere.<br \/>\nFaa-faaxdhuun waxay 80km u jirtaa Degmada Baardheere, oo ah Degmada Gobolka Gedo ugu weyn, waxaana ka arrimiya Ururka Al Shabaab. Waana Degmada keliya ee Gobolkaasi ka jooggaan.<br \/>\nCol. Nuur Cabdi Xareed oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo, ayaa sheegay in ciidamada Dowladda iminka ay ku mashquulsan yihiin sidii loo soo bd-baadin lahaa shaqaalahaasi oo gacanta ciidamada Sabaab ku jira.<br \/>\nSarkaalkaan ayaa sheegay in xogta ay helayaan ay sheegayso in shaqaalahaan lagu haysto deegaanka Salagle oo ka tirsan Gobolka Gedo, inkastoo wararka ay xaqiijinayaan in shaqaalahaan la geeyay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.<br \/>\nShaqaalaha Hay\u2019adda Solidarity ee Shabaabka ay gacanta ku hayaan ayaa dhamaantood ah Soomaali, waxaana Saraakiisha ay ku sheegeen inay tiro ahaan gaarayaan ilaa 7-ruux.<br \/>\nShabaabka, ayaa horey Hay\u2019adda Solidarity kaga eryay Degmada Baardheere, markii uu khilaaf soo kala dhex galay, wixii xilligaa ka dambeeyayna xaruntooda ugu weyn waxay ka sameysteen Ceelwaaq.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Kadib markii maalin ka hor Ururka Shabaab ay afduubteen shaqaalo u shaqeynaayay Hay\u2019adda Solidarity ee fadhigeeda uu yahay Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, ayaa Saraakiisha ciidamada Dowladda waxa ay sheegayaan ina ku howlan yihiin sidii ay usoo furan lahaayeen Shaqaalahaasi. Shaqaalahan ayaa laga afduubtay xilli ay ka ambabaxeen Degmada Ceelwaaq, kuna sii jeedeen deegaanka Faa-faaxdhuun, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-24158","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24158","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=24158"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24158\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":24160,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24158\/revisions\/24160"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=24158"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=24158"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=24158"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}