{"id":24063,"date":"2015-03-20T14:34:34","date_gmt":"2015-03-20T11:34:34","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=24063"},"modified":"2015-03-20T14:34:34","modified_gmt":"2015-03-20T11:34:34","slug":"dr-cumar-crashiid-oo-wareesi-dhinacyo-badan-tabanaya-siiye-tv-ga-al-jazeera","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/03\/dr-cumar-crashiid-oo-wareesi-dhinacyo-badan-tabanaya-siiye-tv-ga-al-jazeera\/","title":{"rendered":"Dr cumar C\/rashiid Oo wareesi Dhinacyo Badan Tabanaya Siiye TV-ga Al Jazeera"},"content":{"rendered":"<div id='gallery-1' class='gallery galleryid-24063 gallery-columns-3 gallery-size-thumbnail'><figure class='gallery-item'>\n\t\t\t<div class='gallery-icon landscape'>\n\t\t\t\t<a href='https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/03\/dr-cumar-crashiid-oo-wareesi-dhinacyo-badan-tabanaya-siiye-tv-ga-al-jazeera\/3-34\/'><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"150\" height=\"150\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2015\/03\/3-150x150.jpg\" class=\"attachment-thumbnail size-thumbnail\" alt=\"\" \/><\/a>\n\t\t\t<\/div><\/figure>\n\t\t<\/div>\n\n<p> Ra\u2019iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar Abdirashiid Cali Sharmaake ayaa ku sugan dalka Qadar, halkasi oo uu u joogo dalkaasi ay kala saxiixdaan heshiis maalgashi ah.<br \/>\nCumar Abdirashiid Cali Sharmaake ayaa xukuumadiisa waxaa hareeynaya dhibaatooyin kala duwan iyadoo mudada kooban ee dhiman laga doonayo in dalka uu doorasho gaarsiiyo.<br \/>\nRa\u2019iisal wasaaraha Waxaa Wareysigan Ka Qaaday TV-ga Al Jazeera, Hoos Ka Aqriso Wareysiga oo Qoran:<br \/>\nAl Jazeera: Maxaad Hada  ka qabaneysaa dalkan Qadar?<br \/>\nOmar Abdirashid Ali Sharmarke: Somalia waqti dheer lalama xiiriirin doonon aragtida ah, mee hoy u ah Burbcad badeed, Argagixiso. Hada wadanku waxa uu diyaar u yahay ganacsi. Waxana aan baadigoobeynaa dad doonaya in ay maalgashtaan. Aakhirkii dhaqaalaha ayaa sare u qaadmaya, faqriguna waa uu yaharaanaa, dhab ahaantiina dhaliyaro badan oo wadan ku nool ayaa heli doona fursado iyo nolol wanaagsan. Sidaa darteed waxaa raadineynaa maalgalin, waxaana qadar aan kala hadalnay hababka ay dalka ku maalgashan karto.<br \/>\nAJ: Waxaad sheegtay in Somaliya laga aaminay fikrad qalad oo ku saabsan Amaanka, sida in ay Burcad badeed, Al Shabaab iyo kuwla kale joogaan. Ma u maleynesaa in kuwan ay caqabad ku noqon doonaan maalgalinta? Sideyse Maalgashadayaashu ku aaminayaan in hantidooda ay ku nabad heleyso Soomaaliya?<br \/>\nSharmarke: waxaan u maleynayaa in Soomaaliya ay tahay wadanka koowaad ee laga arkay in laga soo horjeesto dhaq-dhaqaaqyada Argagixiso sanadadii dhawaa ee la soo dhaafay, marka aad barbardhigto meelo badan oo caalamka ah oo Soomaaliya la mid ah. Marka waxaan filyaa in Soomaaliya aysan saa\u2019id u jilicsaneyn, Wadankuna waxa uu diyaar u yahay in uu tan ka baxo, iyadoo si taxadar leh loo xaqiijinayo.<br \/>\nAJ: Xalay Pentagon waxa ay soo saareen war ay ku sheegayaan in diyaarada duuliya la\u2019aanta ah ee drone ay dileen hogaamiya sare oo Al Shabaab ka tirsanaa, Aadan Garaar. Waxa ay sheegeen in ninkani ahaa maskaxadii ka danbeysay weerarkii Wastgate ee Kenya. Maxay kula tahay saameynta ay duqeyntaas yeelan karto?<br \/>\nSharmarke: Majirto meel ay ku badbaadayaan Argagixisada Soomaaliya joogta. Qofkasta oo danbiya gala waa in la ciqaabaa. Marayakanku anaga ayay nagalashaqeynayaan burburinta dhaqdhaqaaqyada Argagixiso ee ka jira Soomaaliya. Waxaan u maleynayaa labadii sano ee la soo dhaafay hogaamiyayaashii sar sare ee Al Shabaab la khaarajiyay. Iyadoo taalaga tixraacayo AL Shabaab dhab ahaantii way sii daciifayaan, xitaa qaar kood ayaa ku soo biiraya dowladda. Waxaa nooyimid shakhsiyaad magac sare leh oo ka soo goystay.<br \/>\nSidoo kale waxaa jira cafis loo fidiyay. Qofkasta oo ka soo baxa kuwa qaska wada, waxaan diyaar u nahay la hadalno oo oo aan soo dhaweyno.<br \/>\nAJ: Waxaa jira dad badan oo ka cabanaya duqeymaha Maraykanku fuliyo meelo badan oo caalamka ah, kuwaasi oo sheegaya dad badan wax yeelo ka soo gaarto. Dhibaatadaas Soomaaliya ma ka jirtaa?<br \/>\nSharmarke: Diyaaradaha Duuliya la\u2019aanta ah waxa ay dileen hogaamiyaal sare oo AL Shabaab ah. Maraykanka iyo Soomaaliyana arintaa ay kawada shaqeeyaan.<br \/>\nAJ: Cafiska aad Al Shabaab u fidiseen ma shaqeeyaa? Imisa ayaase ka faa\u2019iideysatay oo isi soo dhiibay?<br \/>\nSharmarke: kuwo badan ayaa isi soo dhiibay. Waxaan heynaa dad magac sare leh oo soo AL Shabaab ka soo goystay. Gacanta dowladda ayay ku jiraan. Waxaana diyaar u nahay in aan sii wadno arintan si aysan caruurteena u soo jiidan howlahan aan faa\u2019iidada laheyn.<br \/>\nAJ: Ma ku dhaheysaa dadka leh raga Al Shabaab ka soo goysta Maxkamada ha la soo taago?<br \/>\nSharmarke: Waxaan u maleynayaa in qof kasoo goostay koox qaswade ah, diyaarna u ah in uu qeyb ka noqdo bushada mar kale la siiyo fursad.<br \/>\nAJ: Ma ku fakareysaa in maalin uun aad miis la fariisato AL Shabaab si aad u la hadasho?<br \/>\nSharmarke: Waxaa u maleynayaa Al SHabaab ay ka waantoobi doonaan Qaska iyo Fowdada, waana waa jib in ay joojiyaan dhamaan dhaq-dhaqaayada Argagixiso oo ay ku lugta leeyihiin. Waa in aysan Kaliya intaa kaliya sameyne balshe ay ku daraan in ay in falka ay galeyn uu ahaa mid waxuushnimo ah.<br \/>\nAJ: Hadii ay sidaa sameeyaan, AL Shabaab ma noqon karaan xisbi siyaasaeed oo dalka ka jira?<br \/>\nSharmarke: Waxaa u maleynayaa in had iyo jeer ay jiri doonaan tiro yar oo aan ka waantoobin rabshada, habka kaliya ee lagula dhaqmaayana waxa uu noqon doonaan in la burburiyo. Laakiin waxaan u maleynayaa in qof kasta oo ka soo baxa aan diyaar u nahay in uu nagu soo biro.<br \/>\nAJ: Marka dadkaas siyaasada way galikaraan?<br \/>\nSharmarke: waxaa jira hanaan la maro si ay ugu biiraan siyaasada, waan wado aad u adag.<br \/>\nAJ: Doorasho Qof iyo Codkii ah oo dhacda 2016ka waa waxa ay dowladaadu balan qaaday markii ay talada imaaneysay. Sidaad oo ay tahay ma maamushiid dalka oo dhan. Sidee qof kasta u codeynkaraa?<br \/>\nSharmarke: degmooyinka Al Shabaab ay maamulaan aad bay hada u yar yihiin. Inta badan dalka waxa uu gacanta ugu jiraa dowladda. Waxaan u maleynaa 2016ka in dhamaan degmooyinkaasi ay soo gali doonaan gacanta dowladda.<br \/>\nAJ: in Al Shabaab laga saaro dhul badan waxaad uga mahadcelineysaan AMISOM oo ka kooban ku dhawaad 20kun oo Askari. Goormaad rajeyneysaa in ciidamadan Shisheeye ay dalka ka bixi karaan?<br \/>\nSharmarke: Xaqiiqdii ma ahan AMISOM oo kaliya kuwa sameeyay hormarkan. Sidoo kale ciidamadeena ayaa dowr fiican qaatay. Waan uga mahadcelineynaa AMISOM kaalinteeda muuqata. Waxaan u maleynayaa in walaalaheyn ay qabteen Shaqo aad u wanaagsan. Sidoo kale ciidamadeena ayaa sameynaya shawo weyn oo ay ku xureynayaan degmooyinka dalka.<br \/>\nWaxaan hada wajaheynaa labo waji. Midka koowaad dagaalka ka dhanka Al Shabaab, mid kalana dhisida ciidamada qaranka.<br \/>\nMarkii aan ku guuleysano intaa, AMISOM waa ay bixi doontaa.<br \/>\nAJ: Marka goormaad isleedahay way dhici doontaa taa?<br \/>\nSharmarke: waxaan u maleynayaa in hanaankan uu bilaabandoono 2016\/2017.<br \/>\nAJ: waxaad ku sheegtay wareysiga bilawgiisii in dad badan ay aragti xun ka aaminsan yihiin Soomaaliya. Dad badan baa u maleynaya meel Rabsho ah, qaar waxa ay maanka ku hayaa Al shabaab iyo burcad badeed. Sideed u dareemeysaa adigoo ah Ra\u2019iisal wasaaraha Soomaaliya in dad badan ay aamin san yihiin arimahan?<br \/>\nSharmarke: Waxaan u maleynayaa in aysan Soomaaliya kaliya aheyn wadamada wajahaya dhibaatooyinkan oo kale, waana ku farax sanahay in aan sheegay in Soomaaliya ay ka gudbeyso dhamaan waxyaabahaas. Howlaha burcad badeeda waxay hoos u dhaceyn 90 boqolkiiba. Ma jiraan wax qafaal ah oo dhacay sanadkii la soo dhaafay. Argagixisada hoos ayaa loo dhigay. Qeybo badan oo dalka ahna waxa ay ku jirtaa gacanta dowladda.<br \/>\nWaxaan u maleynayaa marka naloo barbardhigo wadamada kale ee caalamka sida Syria, Libya iyo Afghanistan, Soomaaliya waa wadan kaliya oo dhab ahaantii muujiy guulo xaqiiqo ah oo laga gaaray dagaalka lagula jiro Argagixisada.<br \/>\nAJ: Waxaad ku nooleyd Maraykanka sanado badan. Maxaad u maleynee fahanka laga qaadanayo Soomaaliya marka aad fiiriso filimaanta caanka ah ee Soomaaliya laga sameeyay ee Galbeedku fiirsadaan sida Blakc Hawk Down, Captain Philips iyo kuwa kale.<br \/>\nSharmarke: taasi waa sababta aan halkan u imid in aan badalo sheekooyinkaas, meeshana aan ka saaro. Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay ganacsi. Ma sii jiri doonaan Argagixiso iyo Burcad badeed. Waxaa jira malaayiin Soomaali ah kuwaasi oo si iskood ah u soo saarta nolashooda. Wadanku waa uu dhismayaa, Soomaali badan ayaa hada go\u2019aansaday in ay dib u dhistaan guryahoodii, isla markaana ay sameyaan wax kasta oo ay ku hagaajin karaan nolashooda.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar Abdirashiid Cali Sharmaake ayaa ku sugan dalka Qadar, halkasi oo uu u joogo dalkaasi ay kala saxiixdaan heshiis maalgashi ah. Cumar Abdirashiid Cali Sharmaake ayaa xukuumadiisa waxaa hareeynaya dhibaatooyin kala duwan iyadoo mudada kooban ee dhiman laga doonayo in dalka uu doorasho gaarsiiyo. Ra\u2019iisal wasaaraha Waxaa Wareysigan Ka Qaaday TV-ga Al [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-24063","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24063","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=24063"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24063\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":24065,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24063\/revisions\/24065"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=24063"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=24063"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=24063"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}