{"id":24028,"date":"2015-03-14T11:25:17","date_gmt":"2015-03-14T08:25:17","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=24028"},"modified":"2015-03-14T11:25:17","modified_gmt":"2015-03-14T08:25:17","slug":"gudoomiyaha-mandhera-oo-shabaab-si-dirqi-ah-uga-badbaaday","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/03\/gudoomiyaha-mandhera-oo-shabaab-si-dirqi-ah-uga-badbaaday\/","title":{"rendered":"Gudoomiyaha Mandhera oo Shabaab Si Dirqi Ah uga Badbaaday"},"content":{"rendered":"<div id='gallery-1' class='gallery galleryid-24028 gallery-columns-3 gallery-size-thumbnail'><figure class='gallery-item'>\n\t\t\t<div class='gallery-icon landscape'>\n\t\t\t\t<a href='https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/03\/gudoomiyaha-mandhera-oo-shabaab-si-dirqi-ah-uga-badbaaday\/fffffffffff\/'><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"150\" height=\"150\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2015\/03\/fffffffffff.jpg\" class=\"attachment-thumbnail size-thumbnail\" alt=\"\" \/><\/a>\n\t\t\t<\/div><\/figure>\n\t\t<\/div>\n\n<p>Saddex ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen askar ka tirsan ciidamada booliska Kenya ayaa ku geeriyooday weerar ay Al-shabaab maanta ku qaaday kolonyo gaadiid ah oo Guddoomiyaha degmada Mandheera la socday.<br \/>\nXubno ka tirsan maamulka degmada Mandheera ayaa u sheegay Xoghoose.com in guddoomiyaha degmadaas Cali Ibraahim Roba oo ah mas\u2019uulka la weeraray uu saaka ka tagay magaalada Mandheera, isla markaasna uu ku socday magaalada Ceel-waaq oo uu damacsanaa inuu ka fuliyo Mashaariic horumarineed iyo mid kor loogu qaadaayo tayada waxbarashada laguna dayac-tiraayo xarumaha wax lagu barto.<br \/>\nWeerarka ayaa dhacay xili guddoomiyuhu uu maraayay inta u dhaxeyso magaalooyinka Lafey iyo Fino, waxeyna wararku sheegayaan in Mudanuhu uu gaaray magaalada Ceel-Waaq isagoo nabad qaba.<br \/>\nGuddoomiyaha Gobolka Alex Ole Nkoyo, ayaa Xoghoose.com u sheegay in saddexda qof ee gooriyootay ay kala ahaayeen Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Mandheera iyo labo oo ka tirsanaa askartii illaalineysay Mudanaha la weeraray, sidoo kalana wuxuu sheegay Alex iney jiraan dad dhawac uu soo gaaray.<br \/>\nDhanka kale, wararka madaxa banaan ee laga helayo Mandheera ayaa intaa ku daraya in qaar ka mid ahaa baabuurtii guddoomiyaha la weeraray ay af-duubeen kooxihii weerarka soo qaaday balse Masuulka aan wareysanay ayaa sheegay in uunan xaqiijin karin sheegashadaas.<br \/>\nKu dhawaad todobo qof ayaa ku dhaawacmay weerarkaas waxeyna wararku ay intaas ku darayaan in qaar kamid ah dadkaas dhaawaca soo gaaray uu yahay mid culus.<br \/>\nBaabuurkii uu la socday Guddoomiyaha la weeraray, ayaa wararku waxey sheegayaan inuu si xoog ah ku dhaafay goobta halka baabuurtii kale qaarkood oo waday odayaal dhaqameed ay xabaduhu haleeleen, waxeyna u adeegsadeen kooxihii weerarkaas soo qaadday Bam-baanooyin iyo qoryaha daran-dooriga u dhaca.<br \/>\nGuddoomiyaha la weeraray ee degmada Mandheera Ali Ibrahim Roba oo dhawaanahaabna howlo shaqo ka waday magaalooyin ka tirsan maamuulkiisa, ayaa horay wuxuu oga bad-baaday weeraro badan oo uu ka mid ahaa mid lagu qaaday 15-kii bishii October 2014-kii kaasoo la damacsanaa in lagu dilo.<br \/>\nSidoo kale, Al Shabaab ayaa magaalada Mandheera iyo agagaarkeeda waxay horay uga fuliyeen weerarro badan oo qaarkood ay ku dileen dad badan.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Saddex ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen askar ka tirsan ciidamada booliska Kenya ayaa ku geeriyooday weerar ay Al-shabaab maanta ku qaaday kolonyo gaadiid ah oo Guddoomiyaha degmada Mandheera la socday. Xubno ka tirsan maamulka degmada Mandheera ayaa u sheegay Xoghoose.com in guddoomiyaha degmadaas Cali Ibraahim Roba oo ah mas\u2019uulka la weeraray uu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-24028","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24028","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=24028"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24028\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":24030,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24028\/revisions\/24030"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=24028"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=24028"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=24028"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}