{"id":23976,"date":"2015-03-09T12:31:48","date_gmt":"2015-03-09T09:31:48","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=23976"},"modified":"2015-03-09T12:31:48","modified_gmt":"2015-03-09T09:31:48","slug":"xeer-ilaaliyaha-qaranka-bishan-gudaheeda-haween-xeer-ilaaliyaal-ah-ayaad-arki-doontaan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/03\/xeer-ilaaliyaha-qaranka-bishan-gudaheeda-haween-xeer-ilaaliyaal-ah-ayaad-arki-doontaan\/","title":{"rendered":"Xeer ilaaliyaha Qaranka \u201cBishan gudaheeda haween xeer ilaaliyaal ah ayaad arki doontaan"},"content":{"rendered":"<div id='gallery-1' class='gallery galleryid-23976 gallery-columns-3 gallery-size-thumbnail'><figure class='gallery-item'>\n\t\t\t<div class='gallery-icon landscape'>\n\t\t\t\t<a href='https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/03\/xeer-ilaaliyaha-qaranka-bishan-gudaheeda-haween-xeer-ilaaliyaal-ah-ayaad-arki-doontaan\/wwwwwwww-2\/'><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"150\" height=\"150\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2015\/03\/wwwwwwww.jpg\" class=\"attachment-thumbnail size-thumbnail\" alt=\"\" \/><\/a>\n\t\t\t<\/div><\/figure>\n\t\t<\/div>\n\n<p>Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay in Hay\u2019adaha Garsoorka dalka door muuqato laga siin doono haweenka Soomaaliyeed, xilli inta badan Garsoorka ay ka shaqeeyaan ragga oo kaliya.<br \/>\nAxmed Cali Daahir,wuxuu sheegay in Bishan gudaheeda Xafiiska xeer ilaalinta uu qaadan doono haween ka shaqeeya Xafiiska oo isugu jira xeer ilaaliyaal u dooda tacadiyada ka dhanka ah haweenka.<br \/>\nWuxuu sheegay in Xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka uusan marnaba iska indha tiri karin doorka kaga aadan haweenka Soomaaliyeed ka qayb qaadashada Garsoorka dalka iyo inay ka dhex-muuqdaan waaxyaha kala duwan ee Garsoorka.<br \/>\n\u201cWaxaa hadda maqan Doorkii aad ku lahaydeen Hay\u2019adihii Garsoorka, waxaan idiin balan qaadayaa aniga oo la kaashanaya inta kale ee talada naga dhaxeyso in Haweenka Soomaaliyeed doorka ay ku leeyihiin Garsoorka Soomaaliyeed inay helaan, waxaan idiin sheegayaa bishaan dhamaadkeeda inaad arki doontaan gabdho Soomaaliyeed oo xeer ilaaliyaal ah una taagan xuquuqda Haweenka inay difaacaan, waxaan filayaa gobaladana inay ka shaqeyn doonaan gabdho Soomaaliyeed oo xeer ilaaliyaal ah.\u201dAyuu yiri Xeer ilaaliyaha Qaranka oo xalay ka hadlaayay munaasabad ka dhacday Hoteelak City Plaza ee Magaalada Muqdisho.<br \/>\nWuxuu warkiisa intaasi ku daray Xeer ilaaliyaha \u201cWaxaan rajeynayaa muddo kooban Xafiiska xeer ilaalinta inuu yeesho waax gaar u ah arimaha ama tacadiyada lagu sameeyo dumarka oo cidda sharciga geynaysana ay noqoto qof Dumar ah, Bishaan dhamaadkeeda 15 xeer ilaaliye oo xafiiska qaadanayo 7 ka mid ah waa gabdho.\u201d<br \/>\nKiisaska kufsiga la xiriira ee haweenka loo geysto, ayaa badi waxaa qaada rag, iyadoo qofka dhibanaha ah ee haweenayda aysan si wanaagsan ugu sheegi karin dhibkeeda ninka kiiskeeda qaadaayo, balse tallaabadaan doorka looga siinaayo Haweenka Hay\u2019adaha Garsoorka ayaa sahlaysa in haween badan oo tacadi qarsan jiray inay soo bandhigaan dhibaatooyinka loo geystay<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay in Hay\u2019adaha Garsoorka dalka door muuqato laga siin doono haweenka Soomaaliyeed, xilli inta badan Garsoorka ay ka shaqeeyaan ragga oo kaliya. Axmed Cali Daahir,wuxuu sheegay in Bishan gudaheeda Xafiiska xeer ilaalinta uu qaadan doono haween ka shaqeeya Xafiiska oo isugu jira xeer ilaaliyaal u dooda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-23976","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/23976","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=23976"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/23976\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":23979,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/23976\/revisions\/23979"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=23976"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=23976"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=23976"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}