{"id":23786,"date":"2015-02-05T18:14:06","date_gmt":"2015-02-05T15:14:06","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=23786"},"modified":"2015-02-05T18:14:06","modified_gmt":"2015-02-05T15:14:06","slug":"qaramada-midoobay-oo-soomaaliya-kulan-ka-yeelatay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/02\/qaramada-midoobay-oo-soomaaliya-kulan-ka-yeelatay\/","title":{"rendered":"Qaramada Midoobay oo Soomaaliya Kulan ka Yeelatay"},"content":{"rendered":"<div id='gallery-1' class='gallery galleryid-23786 gallery-columns-3 gallery-size-thumbnail'><figure class='gallery-item'>\n\t\t\t<div class='gallery-icon landscape'>\n\t\t\t\t<a href='https:\/\/warsom.com\/wararka\/2015\/02\/qaramada-midoobay-oo-soomaaliya-kulan-ka-yeelatay\/download-20\/'><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"150\" height=\"150\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2015\/02\/download1-150x150.jpg\" class=\"attachment-thumbnail size-thumbnail\" alt=\"\" \/><\/a>\n\t\t\t<\/div><\/figure>\n\t\t<\/div>\n\n<p>Golaha amaanka ee Qaramada midoobay kulan ay ku yeesheen magaalada New yorka ee Dalka Mareykanka ayaa ka hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira xaaladda dalka iyo howgalada ay iska kaashanayaan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa midowga Africa ee Amisom oo gacanta ku dhigay deegaanno iyo degmooyin badan oo dhaca koonfurta Soomaaliya.<br \/>\nWakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia, danjire Nicholas Kay iyo danjiraha Midowga Afrika iyo AMISOM ee Somalia, Maman S. Sidikou oo uga qaybgalay khadka taleefoonka kulankaasi ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin horumarka Soomaaliya ka soo bidhaamayo.<br \/>\nDanjire Kay ayaa sheegay inuu xaaladda Soomaaliya ka qabo rajo, isagoo sheegay in Dowlada Soomaaliya ay sameysay horumar dhinacyo kale duwan leh oo dadka Soomaaliyeed ay mahdiyeen.<br \/>\nSidoo kale, ergyga oo ka hadlayay rajadiisa ku aaddan in howlaha dowladda Soomaaliya u harsan la dhameystiri karo ka hor xilliga loo qabtay inay dalka ka dhacdo doorasho, ayaa sheegay in taas uu rajo ka qabo.<br \/>\n\u201cWaxaan qabaa in sanadkan cusub uu noqdo mid la hirgelin karo hannaanka federaaliisimka Soomaaliya, hirgelinta arrintana ayaa Soomaaliya u ah horumar Waxaanu doonaynaa inaan ka dhabeyno ballanqaadii aan sameynnay sannadkii hore ee 2014-ka, inta lagu jiro sanadkanna la dhameystiro dhismaha maamullada gobollada Soomaaliya,\u201d ayuu mar kale yiri danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.<br \/>\nErgaygu wuxuu kaloo ka hadlay Ammaanka Muqdisho iyo howlaha xafiiskooda; wuxuuna sheegay in inkastoo mararka qaarkood ay ka dhacaan waddooyinka ka dhacaan qaraxyo uu hadana rumeysan yahay in haddii isku-duubni la muujiyo caqabadahaas oo dhan laga gudbi karo.<br \/>\n\u201cInkastoo ay jiraan caqabado ku gudban dariiqeenna hadana waxaa qabaa inuu jiro dareen looga hortegi karo arrimahaas, horayna loogu sii socon karo si 2016-ka dalka ay doorasho uga dhacdo, inta ka horreysana howlaha noo haray la dhameystiro,\u201d ayuu hadalkiisa ku soo af-jaray danjire Nicholas Kay.<br \/>\nDhanka kale, waxaa isna xubnaha golaha ammaanka la hadlay danjire, Maman S. Sidikou oo sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay guulo waaweyn ka gaareen la-dagaalanka Al-shabaab iyo howlgalladii dhacay sannadkii lasoo dhaafay.<br \/>\n\u201cSannadkii hore ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya waxay qaadeen laba howlgal oo guul ku dhammaaday, kuwaasoo kala ahaa Gorgor iyo BadweyntaHindiya, waxaana Al-shabaab looga qabsaday 16 Magaalo oo ay Al-shabaab ka talin jirtay,\u201d ayuu yiri danjire Sidikou.<br \/>\nUgu dambeyn, ergaygu wuxuu sheegay in howlgalladaas ka sokow ay ku guuleysteen inay suuro-geliyaan in howlaha xukuumadda Soomaaliya ay gaarsiiyaan goobo kala duwan oo dalka ka tirsan<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Golaha amaanka ee Qaramada midoobay kulan ay ku yeesheen magaalada New yorka ee Dalka Mareykanka ayaa ka hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira xaaladda dalka iyo howgalada ay iska kaashanayaan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa midowga Africa ee Amisom oo gacanta ku dhigay deegaanno iyo degmooyin badan oo dhaca koonfurta Soomaaliya. Wakiilka Qaramada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-23786","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/23786","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=23786"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/23786\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":23788,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/23786\/revisions\/23788"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=23786"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=23786"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=23786"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}