{"id":23259,"date":"2014-11-14T15:35:02","date_gmt":"2014-11-14T12:35:02","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=23259"},"modified":"2014-11-14T17:24:01","modified_gmt":"2014-11-14T14:24:01","slug":"laba-gaari-iyo-hub-lagu-soo-bandhigay-magaalada-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/11\/laba-gaari-iyo-hub-lagu-soo-bandhigay-magaalada-muqdisho\/","title":{"rendered":"Laba Gaari Iyo Hub Lagu Soo Bandhigay Magaalada Muqdisho"},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/11\/Maxamed-Yuusuf1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/11\/Maxamed-Yuusuf1-150x150.jpg\" alt=\"Maxamed-Yuusuf1\" width=\"150\" height=\"150\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-23139\" \/><\/a>Wasaarada Amniga Qaranka, ayaa waxay maanta laba gaari iyo hub ku soo bandhigtay Magaalada Muqdisho, xilli ay sheegtay in loo adeegsan jiray falalka lidiga ku ah ammaanka.<\/p>\n<p>Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf Cismaan oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa ku waramaaya in hawlgalo laga fuliyay Magaalada Muqdisho lagu soo qabtay gaadiidka, qoryo iyo walxaha qarxa.<\/p>\n<p>Afhayeenka, ayaa tilmaamay in soo qabashadooda ay ka dambeysay markii ay macluumaadkooda u soo gudbiyeen shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho, isagoona kaga mahadceliyay.<\/p>\n<p>Waxa uu intaa raaciyay in gaadiidka, hubka iyo walxaha qarxaha ay soo bandhigeen ay la soo qabteen xubnihii lahaa, oo xirnaa dareyska Ciidanka Dowladda, inkastoo aanu Saxaafada u soo bandhigin.<\/p>\n<p>Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu sheegay in Wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Axmed Ereg uu amar ku bixiyay in gacanta lagu soo dhigo raggii ka dambeeyay dilalkii Muqdisho loogu geystay Taliyihii Waaxda Socdaalka Duulimaadyada ee Garoonka Aadan Cadde, Maxamuud Cabdi Cadow (Dhabarey) iyo Gudoomiye Ku Xigeenkii Degmada Hawlwadaag ee Dhinaca Arrimaha Bulshada Nuur Hilaal, isla-markaana ay soconayaan dadaaladii gacanta loogu soo dhigi lahaa.<\/p>\n<p>Maxamed Yuusuf, ayaa bulshada reer Muqdisho ka codsaday inay xoojiyaan wada shaqayntooda ku aadan laamaha ammaanka, si loo wiiqi ragga ku dhiiranaaya inay dilalka qorsheysan ka fuliyaan Caasimada.<\/p>\n<p>Maalmihii ugu dambeysay, ayaa waxaa Caasimada ka dhacaayay dilalka loo adeegsanaayo gaadiidka nooca raaxada, ee muraayadaha madow leh.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasaarada Amniga Qaranka, ayaa waxay maanta laba gaari iyo hub ku soo bandhigtay Magaalada Muqdisho, xilli ay sheegtay in loo adeegsan jiray falalka lidiga ku ah ammaanka. Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf Cismaan oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa ku waramaaya in hawlgalo laga fuliyay Magaalada Muqdisho lagu soo qabtay gaadiidka, qoryo iyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-23259","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/23259","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=23259"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/23259\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":23275,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/23259\/revisions\/23275"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=23259"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=23259"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=23259"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}