{"id":23184,"date":"2014-11-08T23:05:20","date_gmt":"2014-11-08T20:05:20","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=23184"},"modified":"2014-11-08T23:05:20","modified_gmt":"2014-11-08T20:05:20","slug":"isbaarooyin-fara-badan-oo-maanta-laga-qaaday-inta-u-dhaxeyso-degmooyinka-afgooye-iyo-marka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/11\/isbaarooyin-fara-badan-oo-maanta-laga-qaaday-inta-u-dhaxeyso-degmooyinka-afgooye-iyo-marka\/","title":{"rendered":"Isbaarooyin Fara Badan Oo Maanta Laga Qaaday Inta U Dhaxeyso Degmooyinka Afgooye Iyo Marka"},"content":{"rendered":"<p>Jidgooyooyinkaani oo Ciidamada Dowladda ay soo dhigteen Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa maanta qaarkood lagu guuleystay in laga qaado wadada xiriirisa Degmooyinka Marka iyo Afgooye.<\/p>\n<p>Isbaarooyinka la qaaday, ayaa laga qaaday laga bilaabo Degmada Afgooye ilaa Nambar Konton (50KM), iyadoo aan intaasi lagu arkeynin wax isbaarooyin ah.<\/p>\n<p>Hawlgalkaan, ayaa wuxuu gaari doonaa ilaa duleedka Degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, oo sida la sheegay ay Ciidanka Dowladdu qaarkood jidgooyo u taalo.<\/p>\n<p>Suxufiyiin maanta loo kaxeeyay Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxay soo sheegayaan in jidgooyooyinkii laga qaaday Afgooye ilaa Nambar Konton, hawlgalkana uu ku wajahan yahay ilaa duleedka Degmada Marka.<\/p>\n<p>Sidoo kale waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socdo hawlgalo isbaaro qaadis ah laga sameeyo Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ilaa deegaanka War-maxan, oo la soo sheegaayo in raxan jidgooyo ah ay taalo.<\/p>\n<p>Gudoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Ammaanka ee Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Cali Nuur Maxamed, oo maanta Saxaafada kula hadlay goobihii jidjooyada laga qaaday, ayaa ku goodiyay inay cagta marin doonaan askarta ay u taalo.<\/p>\n<p>Gudoomiye Ku Xigeenka, ayaa digniin adag u jeediyay Ciidamada Dowladda Somaliya, isagoona kaga digay inay jidgooyada ka fogaadaan, haddii kalana ay ciqaab adag la kulmi doonaan, sida uu yiri.<\/p>\n<p>Tani, ayaa waxay ku soo aadeysaa, xilli qaylo dhaan xoogan laga keenay jidgooyooyinka yaala Gobolka Shabeellaha Hoose.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Jidgooyooyinkaani oo Ciidamada Dowladda ay soo dhigteen Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa maanta qaarkood lagu guuleystay in laga qaado wadada xiriirisa Degmooyinka Marka iyo Afgooye. Isbaarooyinka la qaaday, ayaa laga qaaday laga bilaabo Degmada Afgooye ilaa Nambar Konton (50KM), iyadoo aan intaasi lagu arkeynin wax isbaarooyin ah. Hawlgalkaan, ayaa wuxuu gaari doonaa ilaa duleedka Degmada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-23184","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/23184","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=23184"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/23184\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":23185,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/23184\/revisions\/23185"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=23184"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=23184"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=23184"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}