{"id":23103,"date":"2014-10-18T18:24:54","date_gmt":"2014-10-18T15:24:54","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=23103"},"modified":"2014-10-18T18:24:54","modified_gmt":"2014-10-18T15:24:54","slug":"maamulka-gobolka-banaadir-oo-sheegay-in-gaadiid-xamuul-ah-ay-canshuuro-darteed-ugu-xayiran-yihiin-duleedka-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/10\/maamulka-gobolka-banaadir-oo-sheegay-in-gaadiid-xamuul-ah-ay-canshuuro-darteed-ugu-xayiran-yihiin-duleedka-muqdisho\/","title":{"rendered":"Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in gaadiid xamuul ah ay canshuuro darteed ugu xayiran yihiin duleedka Muqdisho"},"content":{"rendered":"<p>Mas\u2019uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta kormeeray koontaroolada duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan ex koontarool Afgooye iyo deegaanka Galgalato, halkaasoo ay ku xayiran yihiin gaadiid xamuul ah oo ka yimid gobolada dalka qaar.<\/p>\n<p>Gaadiidka ku xayiran koontaroolada laga soo galo magaalada Muqdisho ayaa sida qudaar, xoolo iyo agabyo kale oo ganacsi ahaan loogu soo qaaday magaalada Muqdisho, waxaana ay u xayiran yihiin canshuuro xad dhaaf ah oo ay ku soo rogtay Wasaarada Maaliyada laga doonayo.<\/p>\n<p>Qaar ka mid ah Ganacsatada u raran gaadiidkan iyo darawalada ayaa sheegay in muddo maalmo ay ku xayiran yihiin koontaroolka, isla markaana aysan bixin karin lacago fara badan oo laga doonayo.<\/p>\n<p>\u201cLacagaha ay wasaarada Maaliyada nagu soo rogtay ma bixin karno, waxaa iska go\u2019aansanay inaan gaadiidka iska dhigno\u201dayuu yiri mid ka mid ah darawaladii gaadiidka xamuulka ee ku xayiran duleedka Muqdisho.<\/p>\n<p>Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko) ayaa u sheegay wariyeyaasha inay ka xun yihiin dhibaatada lagu haayo ganacsatada iyo gaadiidleyda, isla markaana ay tahay wax loo dulqaadan karin in ganacsigii soo galayay magaalada lagu soo rogo lacago xad dhaaf ah.<\/p>\n<p>\u201cAad ayaa uga xunahay in ganacsatada ay caqabado iyo in is hor-taag lagu sameeyo, halkaan waxaa ku xayiran gaadiidkii magaalada soo galayay ee caanaha, qudaarta iyo xoolaha u siday, in lacago xad dhaaf lagu soo rogo ma aqbali karno\u201dayuu yiri Cali Seeko.<\/p>\n<p>Cali Seeko ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya inay soo fara geliyaan arrintan, ayna cadeeyaan cida xaqa u leh canshuurta.<\/p>\n<p>Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa si kulul u weeraray Wasaarada Maaliyada, isagoo ku eedeeyay in canshuuro xad dhaaf ah ay ka qaado haweenka caanaha keenaya, cooska iyo dhagaxa lagu dhiso guryaha ee la canshuuro.<\/p>\n<p>Khilaafka u dhaxeeyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaarada Maaliyada ayaa sii xoogeysanayay, iyadoo Maamulka uu dhowaan sheegay in dhaqaalihii 15% ee dekeda ka heli jireen la musuq maasuqay.<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/10\/xamuul-xayiran-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/10\/xamuul-xayiran-1-300x225.jpg\" alt=\"xamuul-xayiran-1\" width=\"300\" height=\"225\" class=\"alignleft size-medium wp-image-23104\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/10\/xamuul-xayiran-1-300x225.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/10\/xamuul-xayiran-1.jpg 640w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/10\/xamuul-xayiran-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/10\/xamuul-xayiran-2-300x225.jpg\" alt=\"xamuul-xayiran-2\" width=\"300\" height=\"225\" class=\"alignleft size-medium wp-image-23105\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/10\/xamuul-xayiran-2-300x225.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/10\/xamuul-xayiran-2.jpg 640w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Mas\u2019uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta kormeeray koontaroolada duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan ex koontarool Afgooye iyo deegaanka Galgalato, halkaasoo ay ku xayiran yihiin gaadiid xamuul ah oo ka yimid gobolada dalka qaar. Gaadiidka ku xayiran koontaroolada laga soo galo magaalada Muqdisho ayaa sida qudaar, xoolo iyo agabyo kale oo ganacsi ahaan loogu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-23103","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/23103","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=23103"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/23103\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":23106,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/23103\/revisions\/23106"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=23103"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=23103"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=23103"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}