{"id":22914,"date":"2014-09-27T11:17:23","date_gmt":"2014-09-27T08:17:23","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=22914"},"modified":"2014-09-27T11:17:23","modified_gmt":"2014-09-27T08:17:23","slug":"hoggaamiyaha-falastiiniyiinta-maxamuud-cabaas-oo-israaiil-ku-eedeyey-in-ay-xasuuq-ka-geysatay-marinka-gaza","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/09\/hoggaamiyaha-falastiiniyiinta-maxamuud-cabaas-oo-israaiil-ku-eedeyey-in-ay-xasuuq-ka-geysatay-marinka-gaza\/","title":{"rendered":"Hoggaamiyaha Falastiiniyiinta, Maxamuud Cabaas, Oo Israa&#8217;iil Ku Eedeyey In Ay Xasuuq Ka Geysatay Marinka Gaza."},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/09\/Abu-Mazin.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/09\/Abu-Mazin-300x168.jpg\" alt=\"Abu-Mazin\" width=\"300\" height=\"168\" class=\"alignleft size-medium wp-image-22915\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/09\/Abu-Mazin-300x168.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/09\/Abu-Mazin.jpg 625w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a>Maxamuud Cabaas,Abu-Maazin Oo Ah Hoggaamiyaha Falastiiniyiinta ayaa ku eedeeyey Israa&#8217;iil in ay xasuuq ka geysatay marinka Gaza oo ay dhawaan duulaan ku qaaday, waxa uuna ugu baaqay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, in ay sameeyaan jadwal ay Israa\u2019iil uga baxeyso dhulka Falastiiniyiinta ee ay ku qabsatay dagaalkii dhacay 1967-dii.<\/p>\n<p>Khudbadiisa oo si joogta ah ay ugu sacbinayeen dalalka taageersan ee madasha ku sugan, ayaa madaxweyne Maxamuud Cabbaas, waxa uu sheegay in marka uu imaanayey magaalada NewYork uu aad u careysnaa, uuna aad uga xumaa dagaalkii dhawaan ka dhacay Qaza.<\/p>\n<p>Waxa uu sheegay in Israa\u2019iil ay gashay dembiyo dagaal iyada oo ay caalamka u jeedaan, waxa uuna intaa ku daray in dagaalka dhawaan ay Israa\u2019iil ku qaaday Qaza, uu uga duwanaa kuwii hore oo uu ahaa xasuuq ballaaran oo Israa\u2019iil ay ka geysatay Qaza.<\/p>\n<p>In dib loogu laabto wadahadalo is daba socda oo guuldareysta ayaanan aheyn mid suura gal ah, sidaas dareteed ayaa Mr Cabaas, waxa uu ka dalbanayaa golaha ammaanka in uu sameeyo qaraar ku saleysan xalka labada dal ah oo leh wakhti cayiman.<\/p>\n<p>Balse madaxweyne Cabaas, ayaa ka gaabsaday in uu Israa\u2019iil ku eedeeynayo dembiyo dagaal oo uu la tiigsanayo maxakamada caalamiga ah ee dembiyada.<\/p>\n<p>Sidoo kalana ma uusan qeexin jadwalka ay tahay ineey Qaramada Midoobay ku qeexdo qaraarkaasi.<br \/>\nSi kastaba ha ahaatee, waxaa hubaal ah in dalka Mareykanka uu istimaali doono codka diidmada qayaxan si uu u difaaco Israa\u2019iil.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maxamuud Cabaas,Abu-Maazin Oo Ah Hoggaamiyaha Falastiiniyiinta ayaa ku eedeeyey Israa&#8217;iil in ay xasuuq ka geysatay marinka Gaza oo ay dhawaan duulaan ku qaaday, waxa uuna ugu baaqay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, in ay sameeyaan jadwal ay Israa\u2019iil uga baxeyso dhulka Falastiiniyiinta ee ay ku qabsatay dagaalkii dhacay 1967-dii. Khudbadiisa oo si joogta ah ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-22914","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22914","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=22914"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22914\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":22916,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22914\/revisions\/22916"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=22914"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=22914"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=22914"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}