{"id":22880,"date":"2014-09-20T07:11:26","date_gmt":"2014-09-20T04:11:26","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=22880"},"modified":"2014-09-20T07:11:26","modified_gmt":"2014-09-20T04:11:26","slug":"raysalwasaare-cabdiweli-shiikh-oo-la-kulmay-raiisul-wasaaraha-dalka-norway","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/09\/raysalwasaare-cabdiweli-shiikh-oo-la-kulmay-raiisul-wasaaraha-dalka-norway\/","title":{"rendered":"Raysalwasaare Cabdiweli Shiikh Oo La Kulmay Ra\u2019iisul Wasaaraha Dalka Norway."},"content":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay kamid yihiin Wasiirka Warfaafinta , Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo xubno kale oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka Norway ayaa maanta magaalada Oslo waxaa ay kulan dheer kula yeesheen Ra\u2019iisul Wasaaraha dalka Norway Marwo Erna Solberg iyo xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada ee dalka Norway iyagoo ka wada hadlay xiriirka dheer ee u dhexeeya labada dal iyo taageerada Norway ee dib-u-dhiska Soomaaliya.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in uu uga mahadcelinayo dalka Norway taageerada ay u fidiso dawladda Soomaaliya, waxaana uu uga mahadceliyay soo dhoweynta ay u fidiyeen dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka oo lagu qiyaaso 40\u2019000 oo Soomaali ah. Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa soo dhoweeyay sida dawladda Norway ay xilligan ugu heelan tahay in ay gacan ka gaysto dadaalada lagu xasilinayo dalka iyo dhismaha dawladnimada Soomaaliya. Waxaa sidoo kale ay ka wada hadleen labada dhinac taageerada Waxbarashada, Gargaarka Bani\u2019aadanimo, Shaqo-abuurka iyo in ay Soomaaliya laga caawiyo sidii ay u maamulan lahayd khayraadka dalkeeda.<\/p>\n<p>\u201cXiriirka u dhexeeya labada dawladood waa mid aad u xoogan, taageerada ay Norway u fidiso Soomaaliyana waa mid sahlaysa dib-u-dhiska dalka kadib burburkii xooganaa ee ku dhacay dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Waxaa kaloo aan ka wada hadalnay idii ay gacan uga gaysan lahaayeen in aan ka faa\u2019iidaysanno khayraadka dalkeena iyo sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed, loogana hortago in kooxaha argagixisadu ay dhalinyarada u isticmaalaan dagaalada.\u201d<\/p>\n<p>\u201cNorway waxaa ay naga caawisaa bixinta mushaharka shaqaalaha dawladda oo iyagu ah laf-dhabarta ay dawladdu ku shaqayso, waxaa sidoo kale ay u heelan yihiin in ay gacan naga siiyaan Maamulka Maaliyadda, Waxbarashada iyo tayaynta Hay\u2019adaha Dawladda .\u201d Ayuu yiri Ra\u2019iisul Wasaaraha Soomaaliya .<\/p>\n<p>Dhanka kale waxaa uu Ra\u2019iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa la kulmay Ra\u2019iisul Wasaarihii hore ee dalka Norway Mudane Kjell Magne Bondavic iyo mas\u2019uuliyiin kale iyagoo ka wada hadlay xoojinta taageerada loo fidiyo hay\u2019adaha kala duwan ee dawladda Soomaaliya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay kamid yihiin Wasiirka Warfaafinta , Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo xubno kale oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka Norway ayaa maanta magaalada Oslo waxaa ay kulan dheer kula yeesheen Ra\u2019iisul Wasaaraha dalka Norway Marwo Erna Solberg iyo xubno ka tirsan Gollaha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-22880","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22880","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=22880"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22880\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":22881,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22880\/revisions\/22881"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=22880"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=22880"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=22880"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}