{"id":22810,"date":"2014-09-13T00:51:02","date_gmt":"2014-09-12T21:51:02","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=22810"},"modified":"2014-09-13T01:07:14","modified_gmt":"2014-09-12T22:07:14","slug":"dowladaha-carabta-oo-soomaaliya-u-balanqaaday-taageero-dhaqaale","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/09\/dowladaha-carabta-oo-soomaaliya-u-balanqaaday-taageero-dhaqaale\/","title":{"rendered":"Dowladaha Carabta Oo Soomaaliya U Balanqaaday Taageero Dhaqaale"},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/09\/car.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/09\/car-300x168.jpg\" alt=\"car\" width=\"300\" height=\"168\" class=\"alignleft size-medium wp-image-22814\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/09\/car-300x168.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/09\/car.jpg 375w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a>Mahad Mohamed Salad Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga oo maanta caasimadda Muqdisho dib ugu soo laabtay ayaa ka warbixiyay shirka Wasiiradda Arrimaha Dibadda Carbeed kulankiisii 142-aad oo ka dhacay Magaalada Qaahira , kaasoo Wasiir kuxigeenka uu ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay horumarka siyaasadeed iyo ammaan ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dhaqaaqday , qorshaha hiigsiga cusub , doorashooyinka la filayo in dalka ay ka dhacaan sanadka 2016 , la dagaalanka argagaxisada iyo baahida dowladda u qabto taageero maaliyadeed .<\/p>\n<p>Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mudane Mahad Mohamed Salad oo shir jaraa\u2019id ku qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay in wadamada Xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta ay balan-qaadeen inay ka taageeri doonaan dowladda Soomaaliya dhanka maaliyadda , si gaar ah kabidda miizaaniyad sanadeedka dowladda u degsan ,waxa ayna bogaadiyeen howlgalada ammaanka lagu sugayo ee ka soconaya dalka .<\/p>\n<p>Wasiir kuxigeenka waxa uu xusay in wadamada carabta ay garwaaqsadeen in dowladda Soomaaliya ay dhabarka ka jabisay argagaxisada muddo sideed sano ah oo xiriir ah oo ay dagaal adag kula jirtay , iyadoo aan ka helin beesha caalamka kaalma  dhaqaale iyo mid milatari oo dhameystiran.<\/p>\n<p>Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mahad Mohamed Salad ayaa sheegay in uu kulamo gaar gaar ah la kala yeeshay qaar ka mid ah Wasriirada arrimaha dibadda iyo ergada kale ee lagu cazuumay ka qeybgalka shirkaasi , isagoo caddeeyey in booqashadii hore loo qorsheeyay ee uu dalka ku imaan lahaa Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Dr. Nabil Elaraby ay dib u dhacday.<\/p>\n<p>Wasiir kuxigeenka waxa uu sheegay in bisha October ay dalka booqasho ku imaan doonaan Wasiiro iyo mas\u2019uuliyiin sar sare oo carbeed , waxa ayna qeyb ka noqoneysaa dadaalada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ay ku xoojineysaa ka mira-dhalinta siyaasadeeda dibadda.<\/p>\n<p>Wasiir kuxigeenka ayaa kahor inta aanu Shir jaraa\u2019id qaban , waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay agaasimaha guud habmaamuuska qaranka Adv. Hersi Haji Olosow , Agaasimaha Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda iyo Tababarada Mudane Yusuf Alasow Mohamud , mas\u2019uuliyiin sare oo  Wasiiro ka ahaa  Xukuumadihii KMG ahaa , qaar ka mid ah Madaxda  hey\u2019adaha dowladda iyo saraakiil kale oo ka tirsan  Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Mahad Mohamed Salad Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga oo maanta caasimadda Muqdisho dib ugu soo laabtay ayaa ka warbixiyay shirka Wasiiradda Arrimaha Dibadda Carbeed kulankiisii 142-aad oo ka dhacay Magaalada Qaahira , kaasoo Wasiir kuxigeenka uu ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay horumarka siyaasadeed iyo ammaan ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dhaqaaqday [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-22810","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22810","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=22810"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22810\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":22815,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22810\/revisions\/22815"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=22810"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=22810"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=22810"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}