{"id":22623,"date":"2014-09-02T19:36:19","date_gmt":"2014-09-02T16:36:19","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=22623"},"modified":"2014-09-02T19:42:10","modified_gmt":"2014-09-02T16:42:10","slug":"hayada-nabad-sugida-oo-amar-adag-kusoo-rogtay-warbaahinta-iyo-wariyaasha-kusugan-magaalada-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/09\/hayada-nabad-sugida-oo-amar-adag-kusoo-rogtay-warbaahinta-iyo-wariyaasha-kusugan-magaalada-muqdisho\/","title":{"rendered":"Hay&#8217;ada Nabad Sugida Oo Amar Adag Kusoo Rogtay Warbaahinta Iyo Wariyaasha Kusugan Magaalada Muqdisho"},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/09\/Koofi.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/09\/Koofi-210x300.jpg\" alt=\"Koofi\" width=\"210\" height=\"300\" class=\"alignleft size-medium wp-image-22625\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/09\/Koofi-210x300.jpg 210w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/09\/Koofi.jpg 449w\" sizes=\"auto, (max-width: 210px) 100vw, 210px\" \/><\/a><br \/>\nHay&#8217;ada Nabad Sugida Qaranka Gobolka Banaadir ayaa maanta amaro adag waxa ay kusoo rogeen Warbaahinta iyo Wariyaasha ka howlgala Magaalada Muqdisho kuwaa oo lagu amray in aysan deyn karin Wararka la xariira Al-Shabaab.<\/p>\n<p>Gudoomiyaha Hay&#8217;ada Nabad Sugida Gobolka Banaadir ayaa maanta ku amray Warbaahinta Magaalada Muqdisho kuwaa ay ku amreen in aysan sii deyn karin Wararka ku saabsan Al-Shabaab iyo Qaraxyada iyo Weerarada ay geestaan.<\/p>\n<p>Maxamed Aadan Koofi ayaa si cad ugu sheegay Wariyaal iyo Masuuliyiin xarumo Warbaahineed uu maanta la kulmay in maanta waxii ka dambeeya aysan sii deyn karin Wararka la xariira Al-Shabaab iyo howlgalada Ciidamada Dowlada ay ka sameeyaan Magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>Warbaahinta Magaalada Muqdisho iyo Wakiilada Hay&#8217;adaha Warbaahineed ee Dibada ayaa loo sheegay in aysan tabin karin qaraxyada iyo falal amaan daro ay Shabaab ka geestaan Caasimada sidoo kalana aysan ka hadli karin howlagalada Ciidamada amaanka ay sameeyaan hadii uusan ka hadlin Afhayeenka Laamaha amaanka.<\/p>\n<p>Xubno katirsan Wariyaasha kulanka joogay oo damcay in ay Su&#8217;aalo arimahan ka weediiyaan Taliyaasha amarka bixiyay ayaa la sheegay in aan Warkooda la dhageesan fadhigana looga kacay .<\/p>\n<p>Amarkan Culus ee ku adkaandoonta Warbaahinta qaadashadeeda ayaa imaanaya xili maalintii Shalay Golaha Wasiirada ay ansixiyeen Sharciga Saxaafada Soomaaliya, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta oo ku aadan amarkan culus ee xadgudubka ku ah xeerkii la ansixiyay ee Sharciga Saxaafada.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hay&#8217;ada Nabad Sugida Qaranka Gobolka Banaadir ayaa maanta amaro adag waxa ay kusoo rogeen Warbaahinta iyo Wariyaasha ka howlgala Magaalada Muqdisho kuwaa oo lagu amray in aysan deyn karin Wararka la xariira Al-Shabaab. Gudoomiyaha Hay&#8217;ada Nabad Sugida Gobolka Banaadir ayaa maanta ku amray Warbaahinta Magaalada Muqdisho kuwaa ay ku amreen in aysan sii deyn karin [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-22623","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22623","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=22623"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22623\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":22627,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22623\/revisions\/22627"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=22623"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=22623"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=22623"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}